Home Arimaha Bulshada Aragtida Qoraha:- Maxaa Inaga Maqan Maxaynuse Haysanaa Reer Awdal State???

Aragtida Qoraha:- Maxaa Inaga Maqan Maxaynuse Haysanaa Reer Awdal State???

0
24

Lowyo-Cado-Ayrotv.com-Waxaan qabaa in aysan magaca bixintu, aysan macna-wayn la hayn, ee waxa macnaha keenayaa yahay Nuxurka ka dhashay magaca. Waxaase la isku waafaqsan yahay in ay tahay marxaladdii iyo Nidaamkii ay Soo Mareen Dad’yoowgii Bariga Afrika Ku waa oo Badi’dood ku Abtirsada Boqortooyadii Adal, Mid ku Salaysnayd Xadaarad iyo Cilmi Gahaydhay. Waxaana Hogaanka u hayay Xeerbeegti Magac iyo Maamuus ku Dhex Lahaa Dadka iyo Dalkii ay Majaraha u Hayeen. Gudoonshuhu waa Amiiro Maqaamkoodu Sareeyo, Cududii Ciidan sida Fardooleey, Waranle, Gaade, iyo Farshaxanadii Dhamaan Magacddooda waxay ku Astan yihiin Deegaanka Balaaran ee Gayiga Soomaaliyeed, magac iyo astaana iyada ayaan u qaadanayaa.

Hadii aynu yara Milicsano Wax-yaabihii Boqortooyadaa Udub Dhaxaadka u ahaa Shaki kuma Jiro in ay Midnimadu Bud’dhig u ahayd, Kadib Geeridii Naxdinta Lahayd ee Ku Timid Hogaamiyihii Muslimiinta Geeska Afrika Emaam Axmed Ibraahim Geesaale( Axmed Guray- Duulaan Badane AUN ) Waxay Hami Hor’leh Galisay Siyaasadii Dhulbalaadhsigii ee Gaalo Madoowda ( Xabashi ) Waxayna Hadh iyo Habayn Gurmad Dhaqaale iyo Mid Ciidanba ka Helayeen Dowladihii Masiixiyiinta. Baroota iyo Beer’laxawsiga Waxay Goor waliba Safka hore kaga Jidheen Codsiyada ka Imanayay Dhulka Buuralayda ah ee Waqooyiga Ethiopia.

Waxaa Halku’Dheg u ahaa Waxaanu Nahay Dad ka Soo jeeda Faracii Nabi Sulaymaan ( King Solomon ) Misna ku Dhexnool Badwayn Cawaan ah Markii Dambana waxay u Rogeen Badwayn Muslim ah, Halgankii iyo Jihaadkii waxaa Halkii ka Siiwaday Amiir Nuur Ibnu Mujaahid, Amiir Maxamed, Sheeq Cali, iyo Sheeq Abaadir iyo Mujaahidiin Tiro Badan Dhamantoona Waxaanu Allaah ugabaryaynaa inuu Jano Fardowso ka Waraabsho, Dhacdooyinkaa Murugada iyo Halaaga Xambaadhsan Waxaa uu Cimri Deg-deg ku Riday Saldanadii Saldanaddaha ee Adal Empire:

Intaa Ka Gadaal Qormadeena Maanta Waxaa Halbowla u ah Labo Arrimood Oo Isku Lid ah-

( 1 ) Maxaanu Haysanaa:- Murtibaa Ahayd Waayeel Waayo Kolkaasuu Yidhi Waayeel Waa Inagoo Is Yeel-Yeelayna’ Waanu Ognahay Waxaynu Haysano Hadynaan Is Yeel-Yeelayn, Nimcooyinka Ilaahay Nagu Manaystay Waxaa Ka Mida Kuwan

Human Resources:- Dad Tiro & Tayaba Leh Oo uu Ilaahay u Qaalibay Karti & Hufnaan.

Knowledge:- Aqoon ay Asluub Weheliso Oo Ku Darsoo Noocwaliba Leh.

Gold and Minerals:- Dahab & Macdan Dhulka Hoostiisa Ceegaagta.

Live Stock:- Xoolo Nool Sida 4-ta Meesi, Geel, Adhi, Lo & Gamaan

Agriculture:- Dhul Hodan Ku ah Wax Soosaarka Dalagyadda Kala Duwan,

Tourism Industry:- Sidoo Kale Dhul Qadiimi ah Oo Ku Haboon Daawashada & Dalxiiskaba,

Fishing Industry:- Qayraadka Ku Jira Badeena Balaadhan 500 Km

Intani Aan Dusha Ku Xusay EeLaxadhiidha Qodobka Maxaynu Haysanaa Waa Guud Mar un Waxaa Kaloo Jira Qayraad Kaloo Dihan Dib ayaanu Ka Soo Sheegi Doonaa Haduu Alle Idmo,

Lasoco Qaybta Xigta & Qodobka Maxaa Inaga Maqan,,,

( 2 ) Maxaa Inaga Maqan:-

W: D: Suxufi Faisal A. A. Abroone
Tafatiraha ayrotv.com and Ayrotv