Home Arimaha Bulshada AYROTV.COM IYO “ISIRSUGGA” SOOMAALIDA.

AYROTV.COM IYO “ISIRSUGGA” SOOMAALIDA.

7
0
- Advertisement -

(Gob waxay wadaagaan ayay ku faanaan).

Qaybta 2-aad: ABYAAL (ANCESTRAL BURIAL)

- Advertisement -

Ayrotv.com- Aqoonsiqaranka labaad ee qofka Soomaaliga ah waa “Abyaal”, oo loola jeedo halka ay ku aasan yihiin abogaaladiisa, absaxankiisa iyo absuulkiisa. In kasta oo loo baahan yahay cilmibaaris qotodheer, waxaase marag-madoonto ah in absaxanka iyo absuulka Soomaalida kumanaan sano ku noolaayeen, ku geeriyoodeen, kuna aasan yihiin dhulka u dhaxeeya 5ta Biyomadow oo kala ah:

1. Wabi Direed (Hawas River)

2. Wabi Arboore (Omo River)

3. Wabi Teenna (Tana River)

4. Badweynta Hindiya (Indian Ocean)

5. Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden).

Waxaa idiin muuqdaa khariidad laga soo xigtsy AUN Prof Mohamed Gandhi oo muujinayso meelaha loo malaynayo inay ku aasan yihiin qaar ka mid ah abogaalka iyo absaxanka Soomaalida. Waxaase la hubaa in badanaa absuulada Soomaaliyeed inay iyagana ku aasan yihiin Geeska Afrika. Waxaa suuragal ah in “absuulmariidadii” hore Soomaaliyeed inay kolkii hore ka soo kicitimeen Bacrin Bilkheyrka (Fertile Crescent) Mesopotamia, kana soo jeedaan caruurtii uu dhalay Kuush Xaam Nuux.

Aragtidaan waxaa sii xoojinayaa ku dhaqanka Gayobikaaca, Gayo’aalka iyo Gayowaaqa ay qaar ka mid ah dadkeena ku dhaqmi jireen, Islaamka ka hor.

Waxay qoraalada qaar xusayaan in saddex ka mid ah shanta wiil uu dhalay Kuush Xaam ayba soo gaareen waqooyiga Geeska Afrika. Saddexdaas wiil waxay kala ahaayeen Saba, Sabdeeqa (Sabtecha) iyo Hawiyeh ( Havileh). Waxa kale oo suuragal ah Raamoole (Raama Cush) iyo Sabti (Sabta) inay gadaal ka yimaadeen, maadaama dhammaan magacyada kuush iyo caruurtiisa yihiin magac af Soomaali ah.

Markaan ababkii hore ee Soomaalida aan tilmaamayo waxay u kala fog yihiin sidaan soo socoto, ha yeeshee isuguma xigaan oo dhowr oday ayaa u kala dhaxeen karaan. Isku xigga waa Ab, Abkow, Awow, Aw, Abogaa, Abogaal, Absaxan, Absuul, Abmariidi iyo Absuulmariidi. Erayga “mariidi” waa afguri oo macnihiisu yahay wax mar hore na soo maray, oona naga tagay, oo raadkiisa kaa muuqan. Tusaale, Su’meerida (Sumerians) iyo Khoysaanka (Khoisan) ama Sanka (San) waa absuulmariidi, waayo Soomaalida haatan jirta Hiddesidaha (DNA) iyo boqolaal eray aynu wadaagno mooyee, waxaynu kala nahay kal iyo kala dheeri.

FADLAN LA SOCO QORMADA 3AAD. INSHA ALLAH

Qore: Prof Abdulkadir Salaad Dhoore, PHD

Faafin: Ayrotv and Machadka Golaha Carro Edeg… and Ayrotv.com–

- Advertisement -