Home Arimaha Bulshada Baroortu Orgiga ka weyn Madaxweyne Ismaaciil & Imaaraatka Maxay Isku Haystaan.

Baroortu Orgiga ka weyn Madaxweyne Ismaaciil & Imaaraatka Maxay Isku Haystaan.

1
0

Khilaafka Djibouti iyo Imaaraadku muxuu salka ku haya?

Ayrotv.com-Lowyacado- Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee si cad u cambaareeya Imaaraadka Carabta marka laga reebo Abdul Fetah Alburhan-ka Suudaan. Geelle wuxuu eedeyn culus u jeediyay Imaaraadka isagoo ku sheegay in maalgelintooda qaaradda Afrika aysan ahayn mid dhaqaale oo kaliya, balse ay hoos ka u wataan dano ciidan iyo kuwo istaraatiiji ah.

Ismaaciil waa siyaasi si qoto dheer u fahamsan danta dalkiisa. Xiriirka Imaaraadka iyo Jabuuti wuxuu ku salka ku haya khilaafyo hore. Qodobka ugu horreeya ee muhiimka ah wuxuu ahaa dacwaddii ka dhalatay heshiiskii 50 sano ahaa ee u dhexeeyay shirkadda Imaaraadka ee DP World iyo dowladda Jabuuti, kaasoo ku saabsanaa dhismaha terminal cusub oo ku yaal dekedda Doraleh.

Jabuuti waxay sheegtay in heshiiskaas uu dhaawacayo qarannimada dalkeeda, kadib markii Imaaraadku ka hor yimid qorshe uu Shiinuhu ku dhisayo terminal kale oo u dhow dekedda Doraleh. Markii ay Jabuuti heshiiskaas ka baxday, DP World waxay arrinta u gudbisay maxkamad, taasoo ugu dambeyntii ku xukuntay in Jabuuti bixiso magdhow ku dhow nus bilyan doolar.

Tani waxay ahayd mid ka mid ah sababaha Geelle u arko in Imaaraadku khatar ku yihiin Afrika, gaar ahaan Jabuuti. Marka laga yimaado arrintaas, waxaa jira qodobo kale oo muujinaya cabsida Jabuuti:

1. Maalgelinta Dekedda Berbera: Imaaraadku wuxuu maalgelin weyn ku sameeyay dekedda Berbera oo noqon karta beddelka dekedda Jabuuti, taasoo halis gelinaysa dakhligii Jabuuti ka heli jirtay badeecadaha Itoobiya.

2. Dadaallada Imaaraadka ee ku wajahan aqoonsi u raadinta Somaliland iyo helitaanka marin badeed ee Itoobiya: Haddii Itoobiya hesho bad, Jabuuti waxay lumin doontaa ku dhowaad $2 bilyan oo ay sanad kasta ka hesho adeegyada dekedda, FG; Djibouti budgetkeedu ma gaaraayo 2 bilyan. Danaha Somaliland iyo Djibouti aslanba waa kuwo iska soo horjeeda markasta.

3. Faragelinta Suudaan: Imaaraadka waxay taageero u fidiyaan kooxda RSF ee ka dagaallamaysa Suudaan, waxayna doonayaan in DP World la wareegto dekedda Port Sudan, taasoo Itoobiya laga yaabo inay u adeegsato halkii Jabuuti isla markaana Imaaraadku quudiyo 130-ka Milyan ee Itoobiyaanka.

4. Dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah Geelle: Waxaa la rumeysan yahay in Imaaraadku uu taageero siin karo mucaaradka hubeysan ee ka howl gala gobolka Cafarta ee xuduudka Jabuuti iyo Itoobiya, taasoo laga yaabo in ay xasilooni darrada sii kordhiso isla markaana ridi karto xukuumadda Geelle.

5. Imaaraadka oo doonaya in Djibouti laga leexiyo dhuumaha salidda ay soo saarto South Sudan oo la rabo in route cusub oo ka duwan kan Suudaan loga sameeyo Ethiopia—Eritrea kadibna badda Cas laga dhoofiyo.

Dhammaan qodobadan waxay si cad u muujinayaan in khilaafka u dhexeeya Jabuuti iyo Imaaraadka uu salka ku hayo dano dhaqaale, siyaasad goboleed.

Haddaba maxaa ka jira eedda Mr Geelle, xilligaan inuu dhaleeceeyo se dan ma ugu jirta isaga

Imaaraadku wuxuu galaangal ballaaran ku yeeshay Afrika sanadihii ugu danbeeyey isagoo raadad xun xun ku yeeshay tacadiyo ka dhacay qaaradda haba ugu weynaate tii Suudaan waxa kaloo jira kuwa kale sida Libya, South Sudan, DRC Congo, Mali, Ethiopia, Kenya, Tanzania iyo Somalia iwm.

Imaaraadku wuxuu awooda inuu nidaamyada rido kuwa uu doono ku bedelo sidaas darteeda Geelle eedeyntiisu mid laga fikiray maaha waxayna qas u horseedi kartaa Djibouti.

By Abdi Hakim Kalale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here