Home Arimaha Bulshada Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay iska hor imaadkii Kismaayo ee lagu dilay...

Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay iska hor imaadkii Kismaayo ee lagu dilay sarkaal ka tirsana ciidanka Booliiska

6
0
- Advertisement -

Ayrotv.com- Axad, Nov, 24, 2024 – Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyay iska hor imaadkii Shalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee uu ku dhintay sarkaal ka tirsana ciidanka Booliiska.

Waxaa sidoo kale warsaxafadeedka lagu sheegay in Taliska uu wado baaritano dheeraad ah oo la xariira sida uu u dhacay iska hor imaadka uu ku dhintay sarkaalka, islamarkaana sidoo kale sharciga lala tiigsan doono cid walba oo ku lug yeelata dhacdadaas.

- Advertisement -

“Boliiska Soomaaliyeed markasta waxa ka go’an sugidda nabadda iyo badbaadada bulshada. Falalka noocan oo kale ahna lagama aqbali doono cid kasta oo isku dayda inay waxyeello u geysato nabadda iyo amniga qaranka” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Warkaan kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay uu magaalada Kismaayo iska hor imaad uu ku dhaxmaray ciidanka Booliiska Jubbaland iyo ciidamo ilaalo u ahaa senator Ilyaas Gaboose oo ka mid ahaa Musharaxiinta madaxweynaha Jubbaland.

Dowlada federaalka ayaa iska hor imaadkaas Shalay Kismaayo ka dhacay ku eedeysay inuu ka dambeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la filayo in markale dib loosoo doorto kadib  doorasho maalinta berito ah Kismaayo ka dhici doonto.

Xigasho: ( HOL )

- Advertisement -