Home Arimaha Bulshada Booqashadii Dhulka Gadabuursiga, Ee Gaanshaanle; R.G.Edward Lecs!! Q-3AAD

Booqashadii Dhulka Gadabuursiga, Ee Gaanshaanle; R.G.Edward Lecs!! Q-3AAD

18
0
- Advertisement -

Ayrotv.com Jufo Mici-dheer-Waxase layaab noqotay, siday ciidankayagii u adeegsanayeen hubka culculus oo haddana haba yaraatee wax khasaare ahi ka soo gaadhin dadkii xoonsanaa. Waayeelkii haybadda badnaa, isagoon sinaba u ilgibidhsan ayuu xaggayagii u soo kacay isagoo dhoola caddeynaayana na salaamay. Ugaas Nur wuxu ahaa nin ilaa 75 jir ah, inkastoo da’du yara taabatay, wuxu ahaa nin dheer, oo toosan, oo laxaadka qaab dhismeedka jirkiisu isku buuxo/isku dheellitiran yahay. Xataa culayskii muddadii dheerayd ee uu xilka hayay ku soo dhacayey, waxba kama dhimin kartidiisii waxqabad ee hoggaamineed. Muuqaalka qaab dhismeedkiisa waxa aad uga muuqday tafiir/ isir carbeed, iyadoo astaamihii Afrikaanaimada ee in badan oo dadkani ka mid ahaa laga arkayey isaga sidaa ugama ay muuqan, balse raadka hiddaha afrikaanimadiisa waxa lagu garanayey midabkiisa madow kaliya. Wajigiisa waxa si cad looga dheehan karayay qunyar socodnimo, waji-furaan iyo waxgaradnimo, iyadoo qofka weyni dareemi karayay, xariifnimo iyo xeeldheeri ku qarsoon, oo aan aalaaba laga malaysan karin qoomiyadaha aan xaddaariga ahayn.

Labiskiisu wuxu ahaa mid caadiya, oo aan ka soocnayn ka dadka intiisa kaleba xidhnaayeen. In badan oo dadkiisa ka mid ahayd ayaaba ka labis fiicnayd. Inkastoo sideedadaba aanay jirin cid wax dheerayd inta kale. Waxa madaxa ugu duubnaa oo uu xidhnaa go’ cad, oo uu cummaamatay. Waxa kale oo uu ka dul gashanaa jubbad liidad madow oo xariira leh, waxayna u badnayd hadiyad uu ka helay boqortooyada Abaysiiniya. Wuxu gacanta ku sitay shay caadiya, oo aan ahayn gaashaan iyo waran midnaba waayo wakhtigeedii ma joogo oo haddeerto waxa sugidda ammaanka socdaalkiisan u xilsaaran dagaalyahannada reer tolkii ee u daacadda ah. Haddaba markii uu na gacan qaadaayay aad buu u weji furnaa. waxa xaqiiqa ah, in hibada, sharafta iyo deganaashaha ka muuqata dhaqankiisa uu ka dhaxlay awoowyaashii, kuwaas oo facyaal badan boqoro u ahaa waddankan. Waxan qabanqaabinnay in aan yeellano wadahal guud, ka turjumaan ahaan Jaamac baa u inshaaray/tilmaamay ugaaska kursi noo dhexeeyay annaga [jamac iyo sargaalka].

- Advertisement -

Wadahalkani wuxu u badnaa hadallo afgobaadsiya. Markaanse iskala daalnay weedhihii isbogaadinta iyo afmacaanida ahaa, waxan ku talo bixiyay in Mudanuhu [Ugaaska] safar dheer soo galay oo daal iyo gaajaba qabo. Taas oo noqotay ra’yi ugaasku u riyaaqay oo laga garanayay sida deg dega ah ee uu u dhoola caddeeyay indhahana aad ugu faray dhakhsana u kacay una dhaqaaqay xaggii taandhada gadhwadeenka. Ugaaska waxa lagu sooryeeyay qado heer sare ah, koob shaaha, bariis, timir, hilib idaad iyo kimis, iyadoo lagu dul haasaawey, ka dibna lagu sigareeyay madashii qadada.

Dadka Gadabursiga ahi waa sigaarya cab, balse haddaan si guud uga hadalno, qabiilooyinka beriga iyo koonfurtuba way iska daayeen buuriga iyo khamrada. Dhammaantoodna (gadabuursiga iyo kuwa kaleba) waa muslimiin aad ugu quman diinta islaamka oo ka caagan isticmaalka khamriga. Ugaasku markuu dhammaystay qadadii, ayuu codsaday in la fasaxo, wafdigana isku hadhaan oo is bartaan innamadiisa iyo wiilasha uu adeerka u ahaa.

Mid wiilashiisa ka mid ahi wuxu caan ku ahaa ugaadhsiga libaaxa iyo maroodiga. Dhammaantoodna waxay u muuqdeen rag wanaagsan, bashaashi ah oo leh dabeecado ku soo jiidanaya. Halkii aan ka sii amboqaadi lahayn ambobaxa socdaalkayaga beri subax, ugaaskii ayaa codsaday in aan berritoole sii joogno Jufa-micidheer, si aan goobjoog ugu ahaanno ‘’ciyaar dhaqameed qadiimiya” oo ugaasku ugu talogalay maamuus sharafeed munaasibadda sagootigayaga. Habeenkaas teendhadayadii oo isdhexdaadsan ayaan uga tagnay martigalinta cuqaasha iyo xubnaha boqortooyada. Si la yaab leh oo aan cidina fahmi karin ayay iskugu nidaamsheen qolka yar. Intaanan hurdo tagin ka hor ayaan u galay si aan sigaar uga soo qaato, waxaban arkay iyagoo dhammaantood qolkii yaraa wada kadalooba cidhiidhi awgeed. Faynuus ayaa ka lushay gantada sare ee udub dhexaadka taandhada, laakiin iftiinkiisa waxa hadheeyay qiiqii iyo qaacii buurigii ay cabbayeen oo isku baxay, oo aan ku neef qabatoobayba markaan madaxa la galay.

Waxa muuqaal qosol leh ahaa madaxyada dhukuran ee odoyaasha oo aad moodaysay kubbado madmadow oo ka dhex bildhaamayay iftiin hiimamowsi ah. Boqorku kooxdan ayuu badhtanka ugu jiray, isagoo uu lohlohanayo Jaamac siciid, duplomaasiga gadhwadeenka noo ahaa, ninkaas oo loo xilsaaray in uu soo xaqiijo qaabka mudanuhu [ ugaasku] u rabo in hadiyadaha loo guddoonsiiyo isla markaana qaabka uu ku hammiyayona ula saxal tiro hab labada dhinacba wada raalli galinaysa. Subaxnimadii dambe, markii la qureecdayba, waxa loo diyaargaroobay tumashadii. Kuraastii kaamka waxa la hoos dhigay geedo damallo ah oo dibadda uga yara baxsanaa xerada, halkaas oo muuqaalka gegadu si fiican uga muuqatay. Dad badan oo deegaanka ah ayaa habeennimadii la isugu keenay meeshan oo aad moodaysay in lagu soo daabulay dagaalyanno garbo siman ugu hubaysan warmo.

Markaan u soo dhaqaaqnay xaggii madasha ee kuraastu taallay, waaba garoonkii oo sallaxan ciyaartiina loo soo godeeyay. Ugaaskii, sidii caadada u ahayd, ayuu na soo dhexfadhiistay, dhan walbana waxa naga dul taagnaa raggii-qoryaha ku hubaysnaa oo rasaastuna u wada cabbaysan tahay iyadoo nin askariya si gaara loogu amry in uu si qummaati ah u daba taagnaado boqorka [ ugaaska] si loo tuso dadkiisa in haddii xaggooda wax dhibaato ahi katimaado, boqorkoodu noqon doono ka ugu horreeya ee rasaastu madaxa jari doonto.

Markii kor laga fiiriyo arrimuhu waxay u socdeen si nabad ah, sida kale, qiimayntayada noo gaarka ahayd ee aan ku qiyaasnay dabeecadda dadkani iyo sidii digniinaha la nooga soo siiyay way isku kaaya qaban waayeen, oo waxa noo caddaatay in dadkani laga been sheegay. Hase yeeshee ciidankayagii digniinihii ay qabeen ayey sidoodii ugu hawlgaleen, annaguna waxan u aragnay wax daw ah waanan ku raacnay, anagoon waxba ka dhabqinayn. Qaybtii hore ee ciyaartu waxay ka koobnayd bandhig fardoolaydu samaynayso..

Soomaalidu waa fardafuullo heer sare ah, oo xirfad u leh habka heenso-saarka iyo koorayntaba, hannaanka fardafuulista iyo kadegistaba waxay kala mid yihiin Hindida cas cas ee waqooyiga Ameerika. Carabta oo ay isir ahaan ka soo jeedaan waxay kaga duwan yihiin qaabka arxandarrada ah ee ay ula macaamilaan fardaha, mana dareensana dhibaatada uu koorahan saaran iyo hakamahan ku xidhan qawlalka neefkan xoolaha ah u geysanayo. Sidii caadada u ahayd fardafuulka geyigan, bandhigga maalintan waxa lagu dhaqamayey qaabkoodii axmaqnimada lahaa, iyagoo soo safay fardaha meel noo jirta dhawr boqol oo tallaabo, waxay ku soo eryeen orod aan idhanna u dhinnayn, iyagoo jeedalka ula dhacayay si tudhis la,aaneed, oo xaggayaga u soo ganan, ayay na soo kuleen oo aan ku siganay in laysla kaayo dulmaro, ayuun bay haddana mar kaliya tudhsiiyeen xakamihii, fardihiina mar qudha intay labada addin iyo gafuurka hawada ku shareereen oo dib iskugu ciireen ayay jeenyaha ku soo jug siiyeen dhulka, iyagoo gigan oo aanan nuuxsanayn, fadalkay gooyeen iyo uuro ciid wadata intay naga hoos kacday ayay marqudha na qarisay. . Mashaahidiintan sida loola dhaqmayo markaan eegno, fardafuulkani naxariis darro kama ahayn, ee waa aqoon darro aan laba dareensanayn dhibta neefkan loo gaysanayo.

Lasoco Qaybta Afaraad,,,,,,

Tujumaadii: Aqoonyahan Mohamed Osman Dhiirane

- Advertisement -