Home AF IYO AAG Booqashadii Dhulka Gadabuursiga, Ee Gaanshaanle; R.G.Edward Lecs Qaybtii 2-aad

Booqashadii Dhulka Gadabuursiga, Ee Gaanshaanle; R.G.Edward Lecs Qaybtii 2-aad

18
0
- Advertisement -

Ayrotv-Aw-Bare- Dawladda oo bilaawahaas ugu keentay inuu noqdo aqoonsi u gaar ah xilka iyo masuuliyadda caaqilka dawladda u hayo. Wuxu gashanaa kabo Jaangari caadiya, oo lagu isticmaalo deegaanka, aadna u qaro weynaa, gafuurka horena kor uga soo laabnaa si ay faraha hore uga ilaaliyaan turaanturada. Madaxa waxba uma saarnayn, timahana wuxu u xiirtay si siman oo gunta ku jaran, waanaa sida aalaaba u xiirtaan ragga muslimiinta ee guursada xaas iyo iyo ka badanba. Caaqilka waxa galbinaayay rag badan, oo intooda badani ahaayeen dhallinyaro.

Badidoodu waxay lahaayeen timo dheer oo dhexda ku kala sooran badankooduna ku casaysteen dhoobo cad oo laga helo degaankoodan. Waxa aad qurux isugu soo baxay jidhkooda madow iyo midabka casuusta ah ee timaha ay u sameeyeen. Dagaalyahannada ilaalada caaqilku waxay dhammaantoodba ku hubaysnaayeen gaashaamo, warmo iyo eebooyin. Warmaha iyo eebooyinku waxay isugu jireen kuwa loo adeegsado ganista riddada dheer iyo kuwa riddada gaaban.

- Advertisement -

Raggayagii si dhakhso ah ayay rigo u galeen, iyadoo gaadhkii hubaysnaana lagu amray inay ka foojigaystaan qaab colaadeedkan aloosan, oo cid aan ka ahayn Caaqilkana aysan u ogolaanin gelitaanka xerada..Hoggaamiye Jaamac Siciid, ayaa caaqilka taandhada keenay. Caaqilku wuxu noo salaamay si aan diirranayn, isagoo aniga iyo kooxdaydiiba ka simay gacan qaad deg deg ah, islamarkaana ku dhawaaqaya“Salaam”. Is waraysigayagii waqti dheer ma qaadan, isagoo Turjumaanku nooga afcelinaayona wuxu yidhi, qunsuliyadda Saylac waxay igu soo amartay in aan idin soo mariyo dalka kol haddayna cidina -reer tolkii kacsanayn oo wax dagaal ahi ka oognayn, balse la innooga digaayo ,wixii halis ku iman kara safarkan . Wuxu intaa raaciyay dadka waddankani waxa u farxad ah la kulankiina, iyo inaanay ka cabsiqabin wax dhibaato ah. Ugaaska laftiisii ayaaba innagu soo socda,, oo la filayaa in uu inoo iman doona casarka.

Annaguna waxan u sheegnay in aan ku faraxsannahay la kulankiisa, kadibna waxan su’aalnay ujeeddada dagaal yahannada laxaadkan leh la isugu keenay, Taasna wuxu kaga jawaabay boqorka ayaa amray in damaashaad weyn [a great tomasho] loo soo baxo oo loogu ciyaaro munaasabad lagu maamuusayo soo dhaweyntayada, taas oo haddana ugaasku ka wawar qabay in ay daawashadeedu xiiso noo yeelan weydo. Dabadeetana caaqilkii waxa xilqaaday oo cunto siiyay xubnihii wafdigayaga somalida ahaa, isla markaana ka xogwaraystay wararka guud iyo xuuraanka arrimaha hoos hoose ee deegaanku ka jira, maxaa yeellay aad bay u xiisaynayeen bulshadatan.

Hadhimadii duhurnimo dabadeed yar, annagoo fadhina teendhadii dhexdeeda oo aan ku jirnay qorsheyntii hawsha maalinta isku soo baxa, ayaa waxa baqdin weyn na galiyay markaan aragnay tirada ragga hubaysan ee keynta abqada ah soo dhex humbaalaynaya. Markaan u sii kuur galnayna waxaan ogaanay laxaadka iyo tirada xaddhaafka ah ee laysku keenaay, orka iyo bulxanka aan kala go,a lahayn ee iska soo daba dhacaya. Debaddii aan u soo dareerayba, waxaan arragnay dadkii deegaanka oo markiiba sameeyay ama isu habeeyey laba saf oo dhaadheer, oo ishaysta laga bilaabo afaafka kaamka ilaa gego banaan oo naga durugsanayd cidhifkeeda u shisheeya, gegedaa oo ahayd miidaan ciyaareed dabiici ah oo kaamka agtiisa ku taallay. Intaan qoladayadii xerada joogtay markiiba dib iskugu ururray oo ilaaladayadiina iswada taageen intay qoryaha garabaha wada saarteen ayaa safafkii soo gaadheen ilaa xerada gudaheeda. Waxa ka soo baxay keyntii ka dambaysay cidhifkii u shisheeyey ee safka rag fardoolay ah oo wata sengayaal si bilicsan loo soo shaaximay. Waxa agsocday rag waranlay ah oo lugaynayey aayarna u socda. Waxa hor kacaayay waayeel ruug-caddaadi ah, oo fuushanaa sange mayeedhaan ah.

Waxana ku daba jiray cutubyo dagaalyanno ah, kuna labisan huga dagaalka, fardahooguna oradka afar qaadlaynayeen, fardahaasi oo ka baraq naxay sowraxanka iyo qaylada dheer ee dadku ku soo dhaweynayeen boqorkooda sharafta badan. Ninkan waayeelka ahi waa Ugaas Nur, boqorka ama ugaaska Gadabursiga, wuxuna lahaa dhawr magac oo kale, oo aanan haddeerto xasuusnayn,. Markuu Ugaasku ka soo degay faraskiisii, soona dhaafay miidaanka xerada [zareba], ayaa “Askartayadii” (waa sida ay jecelyihiine” oo ka amar qaadanaayay taliyahoogii ayaa rasaas xad dhaaf ah furay, oo kor mariyay ugaaska madaxiisa, si ay u cabsigaliyaan/waxna u tusaan qoomiyaddan adag ee aan la loodin karin, iyogoo weliba annaga laftayadana nooga dhigaya isbaraawixin.

Lasoco Qaybta Saddexaad,,,,,

Waxaa Turjumay Aqoonyahan Mohamed Osman Dhirane, Ottawa Canada

- Advertisement -