Home Arimaha Bulshada BULSHADA SAAQIDDAY MAXAA LAGU GARTAA??

BULSHADA SAAQIDDAY MAXAA LAGU GARTAA??

18
0
- Advertisement -

Ayrotv.com-Gabiley- Qoraaga Ruushka Anton Chekhov ayaa la weydiiyey in uu sawir ka bixiyo sida ay u eegyihiin bulshooyinka fashilmay, waxa uu ku jawaabay:

Bulshooyinka dumay/fashilmay waxyaabaha lagu aqoonsado waxa ka mida;

- Advertisement -

▪︎Bulshada fashilantay waxad ku arki hal nin oo caaqil/indheergarad ah iyo kun nacas oo garab boodaya kadibna muquuninaya ama liqaya ninkii caqli badnaa.

▪︎ Bulshada fashilantay hadii aad hadalladooda dhegaysato waxad ka maqli hal erey oo murti maangal ah iyo kun eray oo hantaatac ah oo shiiqiya ereygii maangalka ahaa.

▪︎ Bulshooyinka fashilmay had iyo goor aqlabiyadda (majority) waxa iska leh dadka maangaabka ah, kuwaas oo si joogto ah u muquuniya kana gacansarreeya kuwa caqliga leh.

▪︎ Haddi aad bulsho dhexdeeda ku aragto in mowduucyo aan macno lahayn yihiin kuwa ugu hadal haynta badan sheekooyinka iyo doodaha dadka, islamarkaana shaqsiyaad aan macno lahayni ay daadihinayaan doodaha iyo arrimaha loogu hadal haynta badanyahay bulshada dhexdeeda, waxad arkagtay waa bulsho qayrkeed ka hadhay oo nolosha ka dhacday.

▪︎ Tusaale ahaan, bulshooyinka fashilmay waxad ku arki in heeso iyo ereyo (halqabsiyo) kuwooda ugu macno liita marka ay suuqa soo galaan ay helayaan malaayiin qof oo dhegaysteyaal ah kuwaas oo la qaadaya ama ku celcelinaya islamarkaana jaas iyo qoob-ka-cayaar u samaynaya, qofka heestaas qaadaana wuxuu noqdaa mid caan ah, la yaqaan oo la jecel yahay.

▪︎ Xagga qorayaasha buugaagta iyo qorayaasha kale ee aan buugaagta soo saarinba cidina ma garanayso, cidna qiimo iyo miisaan toona ma siiso.

▪︎ Bulshada fashilantay dadkeedu intooda badan waxay jecel yihiin waxyaabaha yaryar ee daqiiqadaha kooban nafta nashaad siiya. Si kale haddaan u dhigo, qof ku duraya irbad yar oo kabuubiso ah oo maskaxda illowsiinaysa xaqiiqooyinka noloshooda, iyo mid hadallo aan macno lahayn kaga qosliya, ayaa uga wanaagsan qof xaqiiqada ku baraarujiya oo ku dhibaya inuu runta sheego.

Xigasho: Waaberi Daahir

- Advertisement -