Home Arimaha Bulshada Dagaalkii Shibiro ku-uruure/Battle of Shimbra Kure 9 March 1529

Dagaalkii Shibiro ku-uruure/Battle of Shimbra Kure 9 March 1529

19
0
- Advertisement -

Ciidamadii iyo awoodii Boqorkii Xabashida Dawit II (Lebna Dengel)….

” Gaadha oo Yaanay idiinka Fakan “

- Advertisement -

Ayrotv.com-Gabiley- Cadowgii ilaahay waxay la noqotay inuu gaadhayo sidii uu yu’anayay allaah se wuu diiday inuu iyaga dulleeya ma ahee. Boqorkii ciidankiisii buu la dhaqaaqay iyaga ood moodo Biyo soo Buqdhamaya labadii ciidan indhaha ayay isa saareen kolkaaseey Gaaladii is diyaariyeen oo ciidankoodii iyo askartoodiiba habeeyeen. Todoba saf ayay noqdeen oo aanu midna dhinaca Ka kale arkayn.Muslimiintiina way isa safeen oo askartoodii bay isku dubbarideen, weriyihii-allaha weyni ha’unaxariistee waxaa uu yidhi: waxaa ii waramay nin nasaara ahaa oo joogay Goobtii Shinbirokore oo la odhan jiray ” ASMAAJ HAYBE ” lana socday Boqorka oo ii waramay kolkii uu islaamay iguna yidhi ‘

Tirada Fardaha Boqorka ku galay Lebna Dengel Shinbirokore ( 16000 ) lix iyo tobankun oo faras ayay ahayd,
Qalabka lagu shaaximay fardaha waxaa laga keenay Berri Carab. intooda lugta ahayd ee sidatay Gaashaanka,
Qaansooyinka iyo Leebabka Sumaysan iyo waliba Warmaha Halcanaya waxaa ay ka badnaayeen Laba Boqol oo kun.

Kuwa fardaha Xabashida watayna lamaba koobi karayn tiradooda awgeed.badhkoodba badhka kale ayuu ku mulaaqmay
Iyaga oo la moodo dhismo si wanaagsan la’isugu raseeyay”

La soco qaybaha xiga iinsha allah…….

Presented Ayrotv and Golaha Carro Edeg and Ayrotv.com..

Fiiro Gaara: Sawirka hoose bal qiyaas oo qumaati u dhugo qofkaan waxa oogadiisa ka ligaysan Seef, Waran & Falaadho hadaba halkaa wixii ka dhacay waxaad ka dheegan falkaa uu sawirku xambaadhsan yahay…

- Advertisement -