Home Arimaha Bulshada Damaca Gaamuray & Daandaansiga Wali Socda

Damaca Gaamuray & Daandaansiga Wali Socda

6
0
- Advertisement -

Ayrotv.com- Diridawa-Mid kamida dadka indheergaradka u ah Oromada oo lagu magacaabo Ibsaa Nagawo oo hore u soo hogaamiyey OLF qeybta dibedda ayaa qoraal dheer oo uu bartiisa soo dhigay ku sheegay hadalo ay kamid yihiin—in 1991-1992 dhul badan oo Oromo leedahay la siiyey Soomaalida waa sida uu ku andacooday Ibsaa oo ah horjooge hore oo OLF/OLA ah wuxuu kaloo uu si cad u sheegay in Magaalada DIRDHABA laga xoogay oo Soomaali aan waxba ku laheyn wax laga siiyey iyadoo uu yiri Jabuuti ay soo faragelisay arrinka magaaladaas.

Wuxuu kaloo Ibsaa uu sheegay in JIGJIGA iyo WAJAALE ay yihiin magaalooyin Oromo ah oo TPLF ay siisay ama ku dartay xuduudka Soomaalida, ninkan oo ay Oromadu u tixgeliyaan inuu yahay taariikhyahan halgamaa ah ayay hadalkiisa aad ula dhaceen oo ay meel walba wareejinayan hadaladii uu soo qoray, isaga keligii maaha rag badan oo haldoorro u ah Oromada ayaa baryahanba weerar afka ah ku qaaday qowmiyadda Soomaalida ilaa haddana ma jirto cid u jawaabtay oo Soomaali ah. Waxaa muuqata in xuskii “Xeerka Ciisaha” ee dhowaan lagu qabtay DIRDHABA uu Oromada ka yaabiyey kadib markii Soomaalidu wax u eg dhoolatus ku sameeyen magaalada iyadoo tirada Soomaalida ee magaaladaas ay Oromadu ka yaabtay ayay haldoorkii Oromadu afka furteen “Magaaladii DIRDHABA farahay ka sii baxaysa” ayay ku calaacalaayan.

- Advertisement -

Waxaa xusid mudan in raggan Oromada oo uu Ibsaa kamid yahay lagu casuumay madasha wadahadalada Qaran oo arrimaha lagu lafa guraayo ay kamid yihiin doodaha dhanka xuduudaha ee u dhaxeeya qowmiyadaha.

Magaaalada DIRDHABA ayaa ah caasimadda labaad ee dalweynaha Ethiopia, waana caasimaddii ugu horeysey ee Deegaanka Soomaalida kadib markii dood ay ka keenen Oromadu ayaa caasimadda loo bedelay Godey kadibna Jigjiga, iyadoo DIRDHABA na loo sameeyey ismaamul gaar ah oo si toos ah u hoos taga Dowladda Federaalka isla markaana ay wada maamulaayan qowmiyadaha dega oo dhan.

Xigasho: Ustaad Abdikahim Kalale

- Advertisement -

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here