Home Arimaha Bulshada DHAQAN WAA DHIGAAL IYO DHAYMAN, WAASE HADDII LA DHIGTO, LA DHUGTO, LANA...

DHAQAN WAA DHIGAAL IYO DHAYMAN, WAASE HADDII LA DHIGTO, LA DHUGTO, LANA DHOWRO!

8
0
- Advertisement -

“GOB WAXAY WADAAGAAN OO AY WADA LEEYIHIIN IYO WANAAGGOODAY KU FAANAAN”

Ayrotv.com-Dadkarna Ciyaaraha dhaqanka waxay ka mid yihiin waxyaalaha sida afka iyo muuqaalka ay ummad kaga duwan tahay ummadaha kale. Waa halabuur oo hawl iyo haasaawe loo qasdo, looguna talagalay in layskaga reebo buufiska iyo daalka adduun.Erayga ciyaar wuxuu ka kooban yahay “ci” iyo “yaar”. “Ci’” waa wacid ama yeeritan. Ci’ waxaa kale la yiraahdaa dhawaqa ariga siibana ari cadka sameeyaan. “Yaar” waxay asal ahaan ka imaan kartaa eray “yar” oo lahjadaha qaar ugu dhawaaqaan “yaar”.  Waxaa suuragal ah in erayga “yaar” uu ka soo bedelmay “yeer”, maadaama afafka Kuushiitiga ee af Soomaaliga uu ka mid yahay ay shaqalada dheer ee “aa” iyo “ee”, si sahal ah la isugu bedelo, sida “geel” iyo “gaal”. Wuxuu kale ee “yaar” ka imaan karaa erayga “yar”, sidaas darteed eragya “ciyaar” asal ahaan ku bilawday “ci’yar” ee dadkii hore ee qadhaabsatada ama ugaaratada ahaa iskugu baaqi jireen ama isku dhiirigalin jireen markii keynta ay wax ka raadsanayaan. Sameynta “cida yar” waxaa ugu wacneyd inay dadka ka cabsan jireen in cida dheer ay habardugaagta maqasho sidaasna khatar ku gasho naftooda.

- Advertisement -


Markii Soomaalida badankeeda keynta ka soo baxday oo beerasho iyo xoolodhaqasho bilaabeen, ayaa “cidii” “yareeyd”, waxay noqotay “ci” dheer maadaama dadka kala fogaadeen, isla markaasna laga cabsaneynin inay habardugaag cida maqasho.  Siday ahaataba ciyaar kasta oo la iska dheelin ee waxay ku timid sabab iyo sifo gaar ah.
Ciyaarahaan dhaqanka oo aad u tiro badan, way kala duwan yihiin. Kolka ciyaar la yiraahdo waxaa maskaxdeenna soo gala noocyada kala duwan ee Shiribka, Surrowga, Baraanburka, Dhaantada, Wiglada, Saarka, Bullada, Jaariilaha, Jaandheer, Gaddoon, Hirwada, Walansaqada, Wilwilada, Waalada,  Kabeebeyda, Botarka, Herimaaheedda, Beereyda, iwm. Cayaarahaanse waa kuwa jiibta iyo jaanta leh, oo markii qaarkood la casriyeeyey ka mid noqday ciyaar dhaqameed Soomaalida masraxa adduunka ugu faani karto.


Soomaalida waxay kale oo leedahay ciyaaro kuwaan ka dhicin, dad badanse jiritaankoodu moog yihiin. Ciyaarahaas waxaa ka mid ah Legdanka, Beretanka, Bootaaleysiga, Caddaloolka, Dabartanka, Riddada,  Dacartanka, Dhagdhagaysiga, Delebka, Hurdanka, Luufka, Bilabilaysiga, Gamsarogamsarada, Leelagoobaleyda, Shimbiridhakha, Tuuryadhigashada, Shaxda, Shabadaanka, Xeegada, Durbaanka, Tamaaniga, Korubootada, Shanleyda, Gucusta iyo kuwo ka sii badan…

Xigasho: Prof. A. S. Dhoore

- Advertisement -