Home Arimaha Bulshada Dhul Boob iyo Dhalan Habaabis’ Maqaal Haan Qoray 13 Sano Ka Hor...

Dhul Boob iyo Dhalan Habaabis’ Maqaal Haan Qoray 13 Sano Ka Hor Xaalkuse Waa Sidii??

31
0
- Advertisement -

Lafta-Boqorka-Ayrotv.com- Aduunyadu Waa Baratan Tan iyo Maalintii Aadmiga uu Gudoomay Cufka & Culayska ay Leedahay Aamaanada’ ayaa Waxaa Karkaaradda Jabsaday Han iyo Damac La’isku Qoofalay’ Waxaa Iilka Lagu Daguugay Malaayiin Dada Ku Waasi oo Hadba Dhan Ula Sunsumayay Hawo Beena & Haloosi Gun Dheer’

Calafku Waa Cadawga Calmashadee Imisaa Looli Dheer Balaga Loo Sudhay’ Boholyoow Daraadii Labadii Qof ee Isjecel Naftu Hadii Aysan Sina Ugu Qaybsamayn’ Imisaa Danyarta Sabanka Maanta Umal La’tiicaysa’ Wax Hayntuba Waa Sade Gabanadeenna Imisaa Gabadalo La Golangolaysa’ Waa Su’aal Da’weyne Dabka Baxaya Ayaa Shiday oo Misna Haan Baqtiinayn’ Bal Qabsoo Dhererkeeda Buddhigeena Waa Qiiro iyo Naxdin ay In Badan La Abaaday’ Mar Hadaanu Basteen Wadda Nahay Xiliguna Iskaaya Baday Boogaha Inawada Qoomay Intaysan Sii Fidin ‘Aado ‘ Maynu Wada Jir u Dhayno’ Wadno Bihinbih iyo Beerlaxawsi Meel Ina Geyn Maayee ‘ Huunooyin ‘Maanu Halganka Wadno:

- Advertisement -

Hadaba, Meertada Maqaalkeena Maanta Waxaanu Ku Axalaynaa Magac-Martabeedka Dusha Ku Xusan ee ah ‘ Dhul-Boob & Dhalaan-habaabis ‘ Waa Laba Weedhood oo Kala Mug & Miisaanba Culus’ ‘Dhulboob Uma Baahna Tafaasiil Dheer Waayo Waqtiga & Waayaha ayaa Inoogu Filan Ishuna Waa Macalin’

>Aduunyada Waa Nin Garan La’ & Nin Gaadhi La:

Docda Kale Go’do Ina Abti Haanu Sahan u Galno Waa Maxay ‘ Dhalaan-habaabis Ruuxa Masuul Sheegta ee ay Ka Ribatay Karina Waayay Wixii Loo Igmaday Xaqiiqdii Waa ” Dhalaan’Habaabis ” Intaa Ka Gadaal Dhumucdeena Sheekadda Waa Dhaliil Cilmiyaysan’ Waa Dhiilo iyo Dhacama Isa Saaran’ Waa Dhiigbax La Xidhiidha Dhafoor-goror’

Gaashaan Maxaas ah’ Waran Dahabiya’ Qolxad Lacag ah’ Waa Hubkii ay Ku Dagaalami Jidheen Ururka Ruuxaanta Adal ( Adal Ghost Group ) Dunjigaynu Ka Hadlayno Waxaa Ka Jooga Qoomiyada ‘ Gadabuursi’ 127 sano Ka Dib Waxaa Maanta Shaaca Qaaday Halgan Adag Kaa Soo ay Isu Bahaysteen Ummada Reer Awdal State Hormuudna ay Ka Yihiin Madaxda Sharafta Badan Sida Madaxweynaha Halyay Mudane Gar: Rashiid Aw-Nuur Xirsi’M/Xigeena Ka Yahay Af-Tahan Mudane Dr: Abdirahman Abdulahi Maxamed’ iyo Gudoomiyaha G/ Shacabka ‘Geesi Dhadhab Kuma Jiree’ Waa Dr: Abdulahi Mahamed Ismail ‘

>Dhalaankii Hooyadood Dhalmada Baray:

Waagii Baryaaba Waayihiisa Leh’ Dagaalkii Ka Dhacay Buurta Shimbirakuura Hoosteeda Waa Midaan Marnaba Ka Go’ayn Qaluubta Dadka Reer Awdal State Taariikhdu Kolkay Ahayd 1432-kii’ Dharaartaa Halkaa Wixii Ka Dhacay Xarxariiq & Laabis Midna Laguma Soo Koobi Karayo’ Ogabay Galabtanna Dabaylaha Ka Soo Bus Kacshay Xeebaha Galbeed ee Soomaaliya War Dhiilaysan ayay Sidaan oo Waa Maxay Diifta Intaa La’eg Walaalo’ Magaaladii Hargaysa oon Wali Socod Baran Ayaa Doonaysa Inay Diiradeeda Ku Eegto Magaalada Faca Weyn ee Boorama Taasoo Ku Aroorta Xinjiraha Haan Dhalan Rogmin ee Ka Soo Dureeray (Dililiqay) Hoyga Xadaarada iyo Xawaaraha Reer Adal’ Hadba Duraanoow Doqon Ruuxii Weheshadaa Cidluu Dugaag Ku Cunay ee Ogoow:

Maatadii La Xasuuqay : iyo Hantidii La ‘Moora-Duugay’ ee SNM Hormuudka ka Ahayd Saraakiishii Ficiladaa Fulisay Qaadhkood Waxay Si Xarago Ku Jirto u Xashxashayaan Magalooyin Ka Mida Goboladda Waqooyi’ Waxaase Ayaan Daro ah in ay Jiraan Hantaaqo Ka Soo Yeedhaysa Shaqsiyaad Aaminsan Inay Saraakiishaas Gacan Ku Dhiiglayaasha ah ay Yihiin Mujaahidiin Xoreeyay iyaga & Qoysaskooda’’

Ma’naxayaasha (Saraakiisha Snm) Darajooyinka Sarsare ku Helay Dibindaabyadda iyo Gaboodfalada Loo Gaystay Shacabkayga Wali ay Ka Muuqato ‘Doogtii La’baday’ ayaa Goorwaliba Adeegsada ‘ Xog-Moogayaal ‘ uu Sinjigoodu ka Soo Jeedo Deegaanadda Awdal State’

Mucaaraddada Awdal State: Hadaba aynu Yar Milicsano Dhowr Ka Mida Hormuudka Nacaybshaha Awdal State’’

A: Waxaanu Aaminsanahay In Mushkiladdaha Aafeeyay Ummada Soomaaliyeed ay Asal u Yihiin Salow Qabiil & Sedbursi Ba’an’ ‘Hadaba Waxaa Ga’doodda Jooga Tirooyin Hugun Raaca ( Wasiiro ) Kuna Qamaama Had & Gooraale Qaanuun ay Dagsadeen Kuwa Tartan ugu Jira Ka Dheefsiga Khayraadka Ummada & Hantida Lagu Kasbado Hanashada Haybadda Dowladnimo ( Beel-Land ) iyo Hogaamin Qabiil.

B: Dar Kalaa Qaba in Utunta Xasaradeed ay Ka Soo Jeedo Faqri Ka Cararka iyo Gorofka Cayrta ee Culayskeedu Gaadhay Gun & Baar, Way Huuno Kuwa Badan oo Naqaraacay Laguna Sheego Inay Inaga Mid Yihiin (From Awdal State), ayaa Loo La’qimay Abtirsiin Cusub’ Sida Laga Soo Wariyay Ilo Xog-ogaala’ Waxaa Amar Lagu Siiyay Dhamaantood Inay Si Firfircooni Leh Faraha Ula Galaan Dhiig & Godob & Utummooyin La Soo Faqo’ Waa Xaaladaha Maanta Ka Taagan Deegaanada Awdal State Qaasatan Magaalada Boorama City’ Isla Markaana Si Hagar La’aan ah u Difaacaan Miraha Rajiimka Cunsuriga ah ee Ka Dhisan Magaaladda Hargaysa Siilaanyo & Nacamlayaashiisa:

C: Nasiib Daro Qaadh Badan oo Ka Mid ah Halyeeyadii Hormuudka ka ahaa Himilada Shacabkeena Jara Baxsanaa ayaa Hungoobay Iyagoo Si Badheedh ah u Ambaqaaday Wadiiqo Fulaynimo’ Waxay Ka Ilduufeen ‘Ebyidda Xeer Midnimo’ Taa Soo Saldhig u Noqon Lahayd Dastuur Lagu Dhaqo Dadka & Dalkeena u Haraad Qabo Gobonimo Taam ah’ Waxaa La Xoojiyay Lana Tayeeyay’ Misna La’Kordhiyay Awoodooda Mareegyo ( Wabeside’s ) Horay u Jiray’ Waxay Si Darandoori ah Markiiba u Hufeen ‘Hagardaamooyin iyo Kaalin Riixasho Siyaasadeed oo ay Ka Soo Burqanaysay ‘ Rag Xumaan Ruug ah’una Muuqday ‘’ Budo Gaadh u Tuman ‘’ Hadh iyo Habayn Waxay Ku Xardhanaayeen Boga Hore ee Wabesid-yadaa Suntan,

D: Jaba Waa Kani Dambeeyee Waxaa Sanado Cayiman Gudahood Ku Soo Biiray Saaxadda Mareegaha Kuwa Cusub oo Shacabkii Ku Riday ‘Jadiinqalal & Jahwareer ’ Qaadhkood Waxay Si Toosa u Hoos Tagaan Shaqsiyaad Lawada Garanayo Halkay Gaadhsiisan Tahay ‘Xaraarradooda Xumaaneed ’Jambaabiir Kale Ayaa Iyagana Waxay Ku Taamayaan Sidii ay Dogobyo U Sii Saari Lahaayeen Xumaha & Xasarada 20 Gu’ Jirsatay’ ‘Ogsoonoow Aarbow Haduu Qalad Jiro Waa La’saxaa Balse Looma Abtirsho’ Looma Shaqsi Tirsho’ Loomana Beel Tirsho’’

E: Kooxo Kale oo Bastood Qaba Iyagana Waxay Ku Wacad Fureen Bulshadooda Iyagoo u ‘Tasoobay ‘Sidii ay u Buunbuunin Lahaayeen Awaamiirta Ma Dhalayska ah iyo Shaqsiyaad u Adeega Maamulka Eelka Reebay (Xumaan-Land) Kuwaasi oo Laga Soo Waarido Daafaha Aduunka’ Ku Darsoo Waxaa Jira Dabuub Loo Qoolayo Midhiflaha & Maxaasteena Maanta Ka Ma’suugtay Nolasha Aduun Huunooy’’

La Soco Qaybaha Xiga,,,,,,

Qore: Faisal A Abdi Abroone

Tafatiraha Ayrotv.com and Ayrotv

Allaa Mahad Leh,,,,, 

- Advertisement -