Home Arimaha Bulshada Dowlad Dhis ay Xuddun u Tahay Aragti Amni Qaran Q-2-aad

Dowlad Dhis ay Xuddun u Tahay Aragti Amni Qaran Q-2-aad

21
0
- Advertisement -

Waxa ay JFS ku weyn kartaa gooni isutaagga Somaliland, haddii uu taabbagalo, qeybta ugu muhiimsan dhulkeeda marka la eego dhanka istiraatiijiyadda iyo siyaasadda juquraafiyadeed ee gobolka iyo midda caalamka. Ahmiyadda gaarka ah ee uu leeyahay dhulka ee ay ka arrimiyo Maamulka Somaliland waxaa kamid ah in xeebtiisa dheer ee ku teedsan tahay Gacanka Cadan oo ah mid kamid ah marinnada ugu muhiimsan ee caalamka, maadaama uu isku xiro Bedweynta Hindiya iyo Khaliijka Carbeed oo dhinac ah iyo Badda Cas, waxaana si fudud looga xakameyn karaa dhaqdhaqaaqa surinka Baabal Mandab oo leh ahmiyad aan ka yareyn tan Kannaalka Suweys. Rabitaanka gooni goosadka ee Maamulka Somaliland waxa ay si taban dhabbaha ugu xaareysaa in midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda la kala dhantaalo, oo deegaan kasta uu ku hamiyo kuna dhiirado in qayb kamid ah dhulka Jamhuuriyadda uu iskiis ula goosto, sidaas owgeed, waa khatar culus oo ka dhan ah badqabka midnimada dhulleed ee dalka.

Dowlad-Nugeylka

- Advertisement -

DFS waxa ay hiigsaneysaa wax ka qabashada dowlad-nugeylka ragaadiyay Soomaaliya tan iyo markii ay xornimada qaadatay. Waaa in dib u qaabeyn ballaaran lagu sameeyo fahamka iyo waxqabadka dowladda Soomaaliyeed, iyada oo saldhig looga dhigayo aragtiyo siyaasadeed oo aasaas sax ah u dhigaya dowlad-wanaag ku suntan sarreynta iyo talinta sharciga, hufnaan, daah-furnaan iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka, baaqyada iyo heshiisyada caalamiga ah. Waa in dib u habeyn ballaaran iyo horumarin degdeg ah lagu sameynayaa hay’adaha amniga iyo garsoorka dalka oo si dhab ah loo hubiyaa in waxa ay ka shaqeynayaan ay tahay danta qaranka iyo muwaadiniinta oo kaliya si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u taal.

Waaa in la hirgaliyaa hannaan siyaasadeed oo ku saleysan doonista dadka Soomaaliyeed iyo doorashooyin xor ah. Waxaa loo baahanyahay in la dhagax dhigo nidaam dhaqaale qaran oo ay ku wada manaafacsadaan dadka soomaaliyeed si caddaalad ah oo isu dheellitiran. Si guud, waxaa leysku howli doonaa in DFS iyo  Dowlad-goboleedyada ay yeeshaan hay’ado dowladeed oo taabbagal ah kuna filan in adeegyo hufan oo loo siman yahay ay siiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxaa lagama maarmaan ah in  isbeddel weyn lagu sameeyo dhaqaalaha dalka iyada oo kor loo qaadayo dakhliga dowladda si loo abuuro awood dhaqaale oo isbeddel dhab ah lagu sameyn karo. Dhanka kale, DFS waa in ay awoodeeda isugu geyso sidi ay u xakameyn laheyd hubka, rasaasta iyo walxaha qarxa iyada la  fulinayo siyaasadaha iyo habraacyada ay Xukuumadda Dan-Qaran u dejisay  arrinkaas.

Isbeddelka Cimillada

Abaaraha, daadadka iyo khataraha ay xambaarsan yihiin ee isugu jira cunta yarida, biyo la’aanta, cudurrada faafa, nafaqo darrada iyo raadadka xanuunka badan ee ay ku reebaan nolosha iyo badqabka aadanaha waxa ay khatar ku yihiin geyiga iyo bulshada Soomaaliyed. Sidaa darted, waxaa lama huraan ah in dowladdu ka shaqeyso xakameynta iyo maareynta khataraha ka imaanaya isbeddelka cimillada ee ku dul habsaday dunida oo dhan. Waxaa mudnaanta koowaad leh xal u helidda biyo yarida iyo mashaakilka ragaadiyay wabiyadeenna, waana in la horumariyo waxsoosaarka beeraha Soomaaliya si hoos loogu dhigo cunno yarida khatarta weyn ku ah dadkeenna. Dowladda waxaa sidoo kale la gudboon in ay la timaado aragtiyo iyo siyaasado qaran oo mustaqbalka lagu xakameynayo fatahaadaha iyo daadadka dhibta weyn ku haya bulshada Soomaaliyeed, iyo sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah oo ku filan dadka iyo duunyadaba.

Xuduuddaha Beylaha ah

Mas’uuliyadda koowaad ee DFS waa difaaca iyo gacan ku heynta dhammaan xuduudaheeda barriga, badda, cirka, iyo Internet-ka, si loo xaqiijiyo gobannimo dhab ah oo dhameystiran. Si loo xaaqijiyo mas’uuliyaddan, waa in si degdeg ah loo dardargaliyaa dhismaha qeybaha difaaca cirka, xuduudaha barriga iyo ciidamada badda Soomaaliyeed oo lagu qalabeynayo tiknaloojiyadda casriga ah ee ilaalinta iyo la socodka xuduudaha. DFS waa in ay iskaashi buuxa oo xuduudaha iyo socdaalka ku saabsan la yeelato dowladaha dariska oo aan danwadaag ku nahay arrimaha la xiriira amniga xuduudaha. Sidoo kale, waxaa mudnaan gaar ah leh sugidda amniga Internet-ka iyo kan duulista hawada iyo habraacyada amni ee garoommada iyo dekadaha dalka si kor loogu qaado heerka kalsoonida amni ee ka jirta goobahaas.

Faragelinta Shisheeye

Shisheeyaha daneeya Soomaaliya waxaa ay tahay in xiriirkoodu ku salaysnaado axdiyada urur goboleedyada iyo axdiga qaramada midoobay, iyo xeerarka ka dhashay ee lagu maareeyo xiriirada gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Dowladdu waa in ay ka foojignaato faragelinta taabaneysa jiritaanka, dib u dhiska iyo horumarka siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee qaranka Soomaaliyeed, iyada oo adeegsaneysa awoodaheeda dastuuriga ah iyo siyaasad arrimo dibad oo la jaanqaadi karto isbedellada gobolka iyo caalamka. Si loola falgalo caadada iyo dabeecada xiriirada caalamka iyo shisheeyaha, waxaa DFS la gudboon in ay ka baaraan dagto sidi ay uga bixi laheyd u nuglaanta faragelinta shisheeye oo dalku dhisto hay’ado xirfad iyo awood ku ilaaliya danaha qaranka.

Khataraha Bulsho

Waxaa khatarahan kamid ah: Haybguurka, Qabyaaladda iyo Dagaallada Sokeeye, Fikir-diimeedka Xagjirka ah, Jahliga iyo Aqoon-xumida, Maandooriyaha iyo Saboolnimada.

Haybguurka ku socda dadka Soomaaliyeed oo si xowli ah u luminaya luqaddooda, dhaqankooda, taariikhdooda, abtirsiimadooda diimeed waxaa uu halis ku yahay midnimada iyo amniga qaranka JFS.

W/Q Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali

Faafin: https://wardheernews.com/

- Advertisement -