Home Faloyinka Dowladda Soomaaliya oo diblumaasi katirsan safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya ku amartay inuu...

Dowladda Soomaaliya oo diblumaasi katirsan safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya ku amartay inuu dalka si degeg ah uga baxo.

8
0
- Advertisement -

Ayrotv.com- Talaado, Oct, 29, 2024- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Soomaaliya ayaa sooo saartay amar uu dalka uga baxayo Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah qunsul ku xigeenkan labaad ee Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya.

Diblumaasigan ayaa lagu eedeeyay inuuu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed, kuwaas oo ay wasaaradda sheegtay inay  jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), Qodobadiisa 41 iyo 42.

- Advertisement -

Cali Maxamed Aadan  ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata) waxaana loo qabtay iinuu dalka uga baxo 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan.

Tallaabadan ayay waaaaraddu sheegtay inay marag u tahay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda madax-bannaanideeda qaranka.

- Advertisement -