Home Arimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in amniga dalka Itoobiya uu faraha kasii baxayo.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in amniga dalka Itoobiya uu faraha kasii baxayo.

9
0
- Advertisement -

Ayrotv.com- Axad, Nov, 3, 2024- Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay Itoobiya in ay u baahan tahay amni gudaheeda ah, isagoo sheegay in jabhado hubaysan ay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa u jiraan masaafo dhan 40km.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Itoobiya oo gudaheeda dab ka holcayo ay isku daydo inay Soomaaliya ku sameyso faragalin, wuxuuna sheegay in aysan ogolaan doonin  taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

“Soomaaliya kuma faraxsana waxa Itoobiya gudaheeda ka socda. Waxaan ognahay in Itoobiya dhexdeeda aan la isaga dhex safri karin sida Soomaaliya oo kale. Sidaas oo ay tahay, Itoobiya waxay doonaysaa inay maamusho gudaha dalkeenna, iyadoo meelo kamid ah dalka ay heshiis beenaadyo lasoo saxiixatay,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirku wuxuu sheegay, in Soomaaliya waqti dhow ay ka xuroobi doonto ku tiirsanaanshaha ciidamada shisheeye, wuxuuna sheegay in ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay sugi doonaan amniga dalka.

Hadalka wasiirka Gaashaandhigga ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmo ka hor uu raysal wasaaraha Itoobiya sheegay inay ka go’an tahay fulinta heshiis badeedka ay la galeen maamulka la baxay Somaliland.

Xigasho: ( HOL )

- Advertisement -