Home Arimaha Bulshada Gabyaagii Ka Gabyay Dagaalkii “Jalanqo” 1887

Gabyaagii Ka Gabyay Dagaalkii “Jalanqo” 1887

1
0
- Advertisement -

Ayrotv.com- Jalanqo- Dagaalkii “Jalanqo” ee dawladii Xabashidu ku qabsatay magaalada Harar bishii January 9, sanadkii 1887kii, waxa uu ahaa dagaal soo gebagabeeyey buuggii hore ee taariikhda Muslimiinta bariga Ethiopia, islamarkaana buug cusub u furay taariikhda gobolka oo dhan.

Haddii dagaalkii caanka ahaa ee “Shimbira Kure”, ee dhacay sanadkii 1529 taariikhdu ugu yeedhay magaca “Futuux Al-Xabash”, dagaalkii “Jalanqo ” waxa uu u qalmaa in uu qaato magaca “Futuux Al-Adal”.

- Advertisement -

Dagaalkii “Jalanqo” waxa uu ahaa dagaal uu boqorkii Abyssinia boqor Minilik ku qaaday islamarkaana ku qabsaday magaalada istiraatijiga ah ee Harar, kaas oo ka dhalatay natiijo gebi ahaanba wajigii ay lahayd boqortooyadii Abyssinia u beddeshay Ethiopiada ay maanta dunidu taqaanno.

Boqor Minilik oo xiligaa fikradda, latalinta, hubka casriga ah iyo xogaha sirdoonka ahba ka helayay dawlada Faransiiska, ayaa sanadkii 1887 duullaan cadaawad iyo ciil gaamuray weheliyaan ku qaaday magaalada barakaysan ee Harar iyo degmooyinkii hoos tegayay taliskeeda.

Ciidan uu hogaaminayay Ras Mokonen (Xayle Salese aabihii) ayaa u soo ruqaansaday dhinaca magaalada Harar. Kadibna ciidamadii imaaraddii Harar ee uu madaxda ka ahaa Amiir Cabdallah Cabdishakuur, oo ay weheliyaan boqolaal Soomaali naftood hurayaal ah ayaa kaga hor tegay meesha la yidhaahdo “Jalanqo “. Kadibna halkaas waxa ka dhacay dagaal la isku xaaqmay. Ciidamadii Muslimiintu aad bay u dagaallameen, in muddo ahna waa la mari waayay. Balse hubka casriga ah ee uu Faransiisku siiyay Xabashida iyo tayo xumada nidaamka maamul iyo tababbarka ciidanka Harar ayaa u saamixi waayay in ay Muslimiintu difaacaan magaaladii siddeedda qarni sida dayaxa uga dhex iftiimaysay bariga Africa ee Harar.

Ciidamada Xabashidu kadib markii ay jebiyeen Ciidankii Somalida iyo Hererida ka koobnaa ee ay magaala dagaleen, waxa ay geysteen xasuuq, burbur masaajiddo iyo diiwaanno taariikheed oo magaalada Harar qani ku ahayd. Waxa ay geysteen wax aanan maqaal kooban kaaga haqabtiri karin.

Haseyeeshee, dad Soomaaliyeed oo boqolaal gaadhaya gaar ahaan kuwa deegaankoodu ku dhowyahay magaalada Harar ayaa si iskood ah isku abaabulay oo dagaalkaasi ka qaybgalay tiro badanina ku shahiideen.

Waxyaabaha ay Somalidu aadka uga dhiidhisanaayeen ee ay dagaalka ugu hoobteen waxa kamida in ay dawlad Xabashiyeed dhulkooda ka taliso iyaguna ay addeecaan amarka madaxda Xabashida.

Sida dhaqanka Soomaalidu yahay dhacdooyinka ay dagaalladu ka midka yihiin waxa ay ka reebi jireen sawir ay ku soo gudbiyaan qaab suugaaneed gabay, Maahmaah, odhaah iwm.

Suugaantii dagaalkaas ay ka tirisay Soomaalidii dagaalkaa ka qaybgashay ama u soo joogtay waa dhif iyo naadir ay adagtahay in la helaa. Ragga ka maansooday dagaalkaas ee suugaantooda xoogaaga goosanka ahi baaqiga ka yihiin waxa ka mida Allah ha u naxariistee Ugaas Nuur Ugaas Rooble.

Sidoo kale weedhaha taariikhda galay ee laga reebay raggii gurmadka ku tagay dagaalka waxa ka mida nin reer Saylac ahaa oo dagaalka ku shahiiday ayaa yidhi: “anigu inshi iyo Allaahu Akbar isku dari maayo”. Kelmedda “inshi” waa kelmad af xabashi ah oo la macno ah “haye” ama waan ku hogaansamay.

Haddaan u soo gondo dego abbaarta mawduucayga, waxa aan halkan ku soo gudbinayaa gabay aan dadka badi maqlin oo uu tiriyey gabyaa Soomaaliyeed oo goobjoog ka ahaa amaba ka qayb galay dagaalkii Jalanqo sanadkii 1887kii. Gabyaagaas oo magaciisa la odhan jiray Ibraahim Liibaan Soonqaad.

Gabaygan waxa qoraal ku kaydiyay nin Talyaani ah oo la odhan jiray “Luigi Bricchetti Robecchi”, kaas oo Abwaanka kula kulmay magaalada Harar sanadkii 1889kii.

Gabaygu waa kan:

• Gaalada Axmaaraad hadday Oborra soo dhaaftay

• Waraabaale layskuma arkeen eyga koorta lehe

• Ardadii isaaq kuma Iunteen aydii Jalanqeede

• Ilma adeerradey aaddanaa lama idleeyeene

• Oo Aadanoon garan sidii gebi ma iisheene

• Bisiddiimo kama oogsadeen goor alleyll hore eh

• Erer lagama oodeen Amiir iyo ardaagiise

• Ambaduu fadhiyi jiray kufaar kama adeegeene

• Daartii islaam wada lahaa lagama ooyeene

• Kun alifa, aayadaha Quraan, suurad la adkeeyey

• Aabba-Yoonis Aw-Maame iyo udubka Yaasiinka

• Intaas iyo Ilaah baan qabsaday inuu idleeyaaye.

Note: Waxa xusid mudan in Gabyaaga Ibraahim Liibaan dhalasho ahaan ka soo jeeday beesha Geri Koombe gaar ahaan Reer Sheekh Aabba-Yoonis, Jufada Reer Aw Maame.

Tixraaca documentka aad ka helayso oo ay ku jiraan gabayo kale oo Ibrahim Liiban iyo walaalkii Xandulle Liiban ciwaankiisa hoos ka fiiri.

Source: Filologia. – Testi somali. Nota del’ ing. LUIGI BRICCHETTI ROBECCHI

Adal Archives

Contributed by Waaberi Daahir

- Advertisement -

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here