Home Arimaha Bulshada Guddoomiye Shuute oo digniin adag u diray dadka ka ganacsada hubka iyo...

Guddoomiye Shuute oo digniin adag u diray dadka ka ganacsada hubka iyo kuwa guryaha ku haysta

22
0
- Advertisement -

Isniin, Sep 23, 2024 Ayrotv.com – Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa digniin adag kasoo soo saaray haysashada, isticmaalka iyo iibinta hubka ee  magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in cid walba oo lagu arko iyadoo isticmaaleysa hub sharci daro ah laga qaadi doono talaabo adag, islamarkaana ka maxkamad ahaan ay diyaariyeen xubno la shaqeeya ciidamada amaanka oo marka lala soo wadaago xogta soo jaraya waaranka u ogolaanaya in la geli karo guryaha ama goobaha hubka lagu haysto.

- Advertisement -

“Waa dambi weyn in laga ganacsado hub, waa jariimo lid ku ah badqabka muwaadinka iyo badbaadada Dalka, waxaa kale oo dambi ah in iyada oo lagu gambanayo mas’uuliyad in hub lagu heysto guriga, ka garsoor Ciidan ahaan waxaa diyaar naga ah marka la fulinayo howlgalka ka dhanka ah hubka sharci darrada ah Xeer Ilaaliye” ayuu yiri Xasan Cali Nuur Shuute.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in digniintaan ay qeyb ka yihiin masuuliyiinta dowladda xilalka ka haayo ee haysta hubka aan sharciyeysneen, maadama dowladda ay dooneyso iney la dagaalanto ka hortaga hubka sharci darada ah, waxaana xusid mudan in maalmo kooban ka hor ciidamada Booliiska Muqdisho kusoo bandhigeen hub sharci daro ah iyo raggii ka ganacsanaayay.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Kowaad ayaa kusoo aadaya, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in gacan adag lagu qaban doono ganacsiga hubka iyo in lagu heysto guryaha, isagoona faray ciidamada amaanka iney qaadaan talaabo kasto oo ku haboon in lagu soo qabto hubka sharci darada ah.

- Advertisement -