Home Arimaha Bulshada Howlgalka ATMIS oo sheegay inuu guul kasoo dhamaaday wajigiii saddexaad ee dhimista...

Howlgalka ATMIS oo sheegay inuu guul kasoo dhamaaday wajigiii saddexaad ee dhimista tirada ciidamada ATMIS.

7
0
- Advertisement -

Ayrotv.com- Axad, Nov, 17, 2024- Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa soo gabagabeeyey wejigii saddexaad ee dhimista ciidamada ATMIS, taasoo ay ku sheegeeen mid ka dhigan guul weyn oo u soo hoyatay safarka Soomaaliya ee ku aaddan isku-tiirsanaanta amniga qaranka.

Hawlgalka ATMIS ayaa sheegay wajigaan saddexaad in Soomaaliya laga saaray in ka badan 3,000 oo askari oo ATMIS ah, taasoo qayb ka ah istaraatiijiyad ballaadhan oo mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA).

- Advertisement -

Dhimista ciidamada ATMIS ayaa kasoo bilaabatay heshiiskii 2021 ee u dhexeeyay Midowga Afrika (AU) iyo Qaramada Midoobay, heshiiskaas oo qeexayay in  ATMIS ay si tartiib tartiib ah uga baxdo Soomaaliya.

Marka la gaaro Disembar 2024, Midowga Afrika ayaa qorsheynaya in  ciidamada ATMIS oo awal ahaa 19,626, lagu soo koobo koox yar oo talo bixin ah, oo taageerta dowladda Soomaaliya. Wajiyadii hore ee la fuliyay bilihii June iyo September, waxaa ka mid ahaa in saldhigyo iyo dhulal muhiim ah lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

ATMIS waxa ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya inta lagu jiro xaaladda kala-guurka, iyada oo diiradda saareysa kaalmada saadka, xog-wadaagga, iyo la-talinta Ciidanka XDS.

Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha ayaa weli taagan iyadoo al-Shabaab ay weli tahay khatar weyn oo ka jirta gobollo dhowr ah. Khubarada caalamiga ah ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada joogtada ah ee caalamka si loo xoojiyo kaabayaasha ammaanka ee Soomaaliya loogana hortago dib u dhac kasta.

Xigasho ( HOL )

- Advertisement -