Home Siyaasada Illaahay ha u naxariisto Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere

Illaahay ha u naxariisto Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere

15
0
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere

Muqdisho, Khamiis 19 Sebtembar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere, oo ku geeriyooday magaalada Ankara, caasimadda Turkiga.

- Advertisement -

Mudane Xamsa ayaa marxuumka ku sifeeyey intii uu noolaa in uu ahaa daaci kaalin wayn ka soo qaatay nabadda iyo barashada diinteenna Suubban ee Islaamka.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Illaahay ha u naxariisto Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere, oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee ugu caansan, gaar ahaan dariiqada Sheekh Cabdullaahi Baardheere oo laga yaqaan guud ahaan dalka, Sheekh Maxamed waxa uu kaalin mug leh ka qaatay fidinta diinta Islaamka iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle SWT uga baryay in uu marxuumka jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, ehelkiisa, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

- Advertisement -