Home Arimaha Bulshada KASOGOL

KASOGOL

23
0
- Advertisement -

KASMOGACAL (PHILOSOPHY) WAA IN LA BARTAA!

Ayrotv.com-Aad-dan waa danayste dantiisa raadsada, dantiisana wuxuu ku saleeyaa gayo ama garaad. Gayo waa wixii kalyaal ah oo la duraansado, garaadna waa wixii kasyaal ah oo nafta lagu kaabo.

- Advertisement -

Aqoonta kasmogacalka ah waa tan qofka Aad-danaha aadisa wixii dan u ah noloshiisa, si uu uga faa’ida kheyraadka ku weegaarsan, ha ahaadaan dad, duunyo iyo degaanba.

Kasmogacal wuxuu kaska qofka ku xoojiyaa kasmooyin jiilba, jiil uu ka dhaxlo. Soomaalidu waxay leedahay kasmogacal dhaqaneed (cultural philosophy) oo maah iyo murti lagu soo koobay. Waxay leedahay kasmogacal dawladeed (state philosophy) oo xeer, xeerbeegti iyo xeershe (xaakin) lagu soo koobay. Waxay leedahay kasmogacal siyaasadeed (political philosophy) ee lagu xeereeyo xuriyad, xikmad iyo xushmeyn.

Wadareynta iyo barashada saddexda kasmogacal ee dusha ku xusun waxay dhalin kartaa bulsho garata diricnimada, kana fogaata doqonnimada iyo dudaa’nimada. Waxay dhalin kartaa bulsho leh dhaqan lagu soo hirto, kana fog nacaybka, cuqdada, caajiska iyo carada macno darada ah.

Halka kasmogacal dhaqaneed daawo ugu yahay musuqdhameedka isirwalaac keena, kasmogacal dawladeed iyo tan siyaasadeed waxay ciribtiraan musuqa dhaqaale iyo kan siyaasadeed.

Reff: Prof. A.S.Dhoore

- Advertisement -