Home Arimaha Bulshada LAAMA DOODKA MAXAA INOO LAA’SIMAY PART TWO

LAAMA DOODKA MAXAA INOO LAA’SIMAY PART TWO

22
0
- Advertisement -

Ayrotv-Lughaya-Mudo kolkay ka soo wareegatay ayuu md Jaamac Saylici ku soo noqday dalka iyaga oo dhalinyartii Ciisuhu ay cadhaysanyihiin.markaa maalin casar-gaabadkii ah ayay Jaamac Saylici kula balameen Jaamiciyadii Magaceedu ahaa ( Cafar iyo Soomaali ) oo ay ka furnayd Maqaaxi uu lahaa nin la’odhan jiray ” Ciise Ibraahim” oo Tol-jecle ahaa. intaa kadib mid ka mida dhaliyaradii ayaa su’aal weydiiyay md Jaamac Saylici ”

Jaamacoow Wax Maka ogtahay Jariirada uu Qoray Saciid Cali Kubeesh ee ahayd in Magaca Dalka Soomaaliyeed ee Faransiis-ka lagu badalo Dalka Djibouti ee Faransiis-ka” Md Saylici waxaa uu ku jawaabay isaga oon Qiimo wayn siin ” Arrintaas Waan Ogaayoo Wax Caynkaas ah oo Qiimo leh Maa’ha” Goobta uu hadalku ka dhacayay waxaa Goob-jooge ka ahaa oo ina soo Gaadhsiiyay Garnaqsigaa Mujaahid ”Omar Kahin Caynaanshe AUN” waxaa dhacday in ay aad uga caroodeen dhaliyartaa hadalkii Jaamac Saylici iyagoo mar-qura ku wada dhawaaqay ”Jaamac Waxa uu Yidhi Ma’Maqleeyseen ? iyo “Haa, ayay isugu jawaabeen wayna dareereen,

- Advertisement -

Arrintaa Gaalku wuu sii huriyay cadaawadna waxaa loo Qaaday Carabtii dalka joogtay. ”Xayla Salaase” oo markaa xukumayay Ethiopia Qudhadiisu wuu taageeray Errayada ka soo yeedhay Saciid Cali Kubeesh. Balaayana halkaas ayay ka Curatay, ”Beesha Ciisana Magaalada Wakhtigaa Waxba kama aysan ahayn Dhinaca Siyaasadeed iyo dhinaca kalaba” sida Carabtu Soomalida u Qarisay ayay Soomaalida kalana Ciisuhu u Qarisay. kolkaas ”Gadabuursiga magaalada joogay oo Jaamac Saylici madax ka’ahaa iyo ”Odayaashii Gadabuursigu Marna isku ma’aysan dayin in ay Xaajada Qaboojiyaan oo ay Gaalka iyo Jaamac Saylici isfahan siiyaan. ileen waqtigii Gooliska ( Gaullistes ) ayaa soo galaye” Magaalada Djibouti ”Makaahiilka waa uu ku badnaa sida la sheegay laakiin waxba kalama uusan socon wax xil ahna kama hayn” balse labada reer ee kale Maxamed-Case iyo Habar-Cafaan ay Maqaaxida u shidnayd’ Dhanka Beesha ‘Isaaqna iyagu kolkay arkeen inay Fiintu kal dhex-mirranayso labadda reer ee ‘Gadabuursi iyo ‘Ciise Halkii ay ukala Garnaqi lahaayeen taa soo ay ku haboonayd inay ku hagoogtaan masiibadda ku habsatay dalka iyo dadka walaallaha ah aamus ayeey Door-bideen iyo inay Sheeda ka jeedaaliyaan:

”Gaalkii oo Tabihiisii La Soo Baxay”

Waxay arrinu sidaa ahaataba Gaalkii wuxuu ogaaday inuu dadka iska horkeeni karo Jaamac Saylic iyo Saciid C/Kubeeshna in la qaarajin karo. Carabtiina difaac naftooda ku kooban ayay kolkaa galeen oo waxay ogaadeen in meesha wax ka soo dhego-weynyihiin. Beesha Isaaqa Qudhadooda si toos ah ayay ugu foojignaadeen sidii ay dabaylah jiilaalka uga badbaadi lahaayeen. Carabtii markay dib u shirtay waxay ku dhaqaaqeen in ay dadkii Soomaaliyeed ay adeegsato oo aay isu macaanayso Gadabuursiga ha u horeeyee.

Gadabuursiga markaa waxaa hormuud u ahaa oo talo iyo siyaasadba muuqday ”Md Jaamac Saylici, Md Jabriil Jiilane, Md Axmed Sahal, Md Ina Dubad, Md Cabdi Dhidar, Md Ducaale Qadiye,iyo Md Cabdulahi Axmed Good. Gaalkii Saancadka lahaa waxaa gashay Hididiile markiiba wuxuu ku dhaqaaqay inuu ka qaado meesha uu haysto Md Jaamac Saylici isagoo adeegsanayo soomaalida intuu karayo. hadaba dadka wax Odarasa waxay is weydiinayeen tolow maxaa xigi doona ama ka dambayn doona Hogashaan Colaadeed ee Hoori dhawaan.

Raggaa aanu dusha ku soo xusnay ee ”Gadabuursi marna iskuma aysan dayin inay dalka ka badbaadshaan Xasilooni daradda soo food-saartay iyo Taariiq xumadda ku iman doonta Magacooga iyo Jiilasha Dambe.waayo waxay haysteen xubinta wadanka ugu saraysa ee koobaad ama kursiga senator-ka france. xubintaas oo uu Gaalku doonayay inuu xusbiga Gooliska ” Gaullistes” Raaco waxay sidaa ahaataba mudo yar dabadeed waxaa bilaabmay Gacan ka hadalkii. dhalinyaradii Beesha ‘Ciisaha oo Gaalku soo adeegsaday ayaa nin ‘Isaaqa oo ‘Habar-Awal ah lana odhan jiray Idiris Oomaar kana mid ahaa dhalinyarta magaaladda shaqo fiicana ku haystay ayaa nabaro halis ah lagu jiiday mase dhiman ee wuu ka bogsaday,

isla hadana nin kale oo Beeshaas ah ahaana gancsade weyn oo dalka aad looga yaqiin magaciisuna ahaa ‘Cabdi Muxumed ( Garaacato ) ayaaba isna laba nin oo dhalin-yaradii Ciisaha ahayd soo weerareen isagoo xafiiskiisa fadhiya balse wax nabar ah looma gaysan: Lasoco Qaybaha Xigga,,,

Waxaa Diyaarshay: Faisal A Abdi ( Abroone )

Ayrotv.com and Ayrotv and Golaha Carro Edeg…

- Advertisement -