Home Arimaha Bulshada Maalinta Xuska 21 Oktoober Xusuus Mahigaan Ka Mug Weyn.

Maalinta Xuska 21 Oktoober Xusuus Mahigaan Ka Mug Weyn.

26
0
- Advertisement -

Ayrotv.com-Marka la qiimeeyo hormarkii dalka uu ku tillaabsaday 7dii sano ee maamulkii kacaanka ugu horaysay waxaa amaan iyo in kabadanba Maxamed Siyaad Barre waa uu mudnaa, runtii waxaa la oran karaa Soomaaliya waligeedba 7 daas sano oo kali ah ayay dowlad dhab ah oo tiirar adag ku taagan ka yeelatay 21/07/1976 illaa 1/7/1976kii awooda maamulka dalka waxay ku jirtay gacmaha Golaha Sare ee Kacaanka oo uu hormuud ka ahaa jaale Maxamed Siyaad Barre.

7-daas sano waxaa jirtay yididiilo wacan iyo himilo Soomaalinimo waxaa bulshadu ka nasatay kana raysatay marxaladii masiibada iyo dhibka badnayd,taasoo laga dhaxlay maamulkii tabarta darnaa ee dowladii masuqmaasuqa ahayd, waxaa la helay hanaan maamul oo ku socda asluub, kala danbayn iyo wada tashi, waxaana wadanku uu ku tilaabsaday hormar tayo leh oo deg deg ah.

- Advertisement -

Sidoo kale Kacaanku wuxuu mowqif cad ka istaagay qaddiyadda bariga dhexe iyo Israel, waxaana uu Jaalle Maxamed Siyaad Barre tilmaamay in Soomaalida oo dowlad Islaam ah ay bariga dhexe waxa ka socda ka soo hor jeeddo, waxaana kacaanku dhaliilay siyaasadda Israel ee ku aaddan dadka dhulkooda xoogga lagu haysto, Siyaad Barre oo xusuusinaya illoowsha dhowida Yuhuudda waagii Hitler ayaa Khudbad uu jeediyay munaasabaddii 21ka October 1971kii kula taliyay yahuudu inay joojiso arxan darada ay ka wado Barriga dhexe.

Guulaha siyaasadda dibedda ee uu kacaanku gaaray ka sokow, towraddii barakeysneyd ee uu majaraha u hayay (AUN) jaalle Maxamed Siyaad Barre wuxuu isbeddel gun iyo baar ah ku sameeyay arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya. Axdigii Kacaanka 21ka Octoobar ee xagga siyaasadda gudaha…..

Waa Suxufi Abroone & Buugii Qiimaha Badnaa ee Laga Qoray Marxuum Maxamed Siad Barre-London 03-03-12- Xaafada Camden Waqooyiga London Sanadka 2012-kii,

- Advertisement -