Ayrotv.com- Jimco, Nov, 1, 2024- Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinaayay, Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) William J. Burns.
Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, la dagaalanka Argagixisada, arrimaha xiisadda Itoobiya iyo qorshaha bixitaanka ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee (ATMIS).
Booqashada Agaasimaha CIA-da dalka Mareykanka uu ku yimid Muqdisho ayaa ah mid muujineysa ahmiyadda gaarka ah ee dowladda Mareykanka siinayso arrimaha Soomaaliya.
Socdaalka Agaasimaha CIA-da ee dalka Mareykanka William J. Burns ayaa noqonaysa midii labaad uu ku yimaado magaalada Muqdisho mudo sanad gudahiisa ah.
Dhawaan ayay aheyd markii Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe uu booqasho ku tagay dalka Mareykanka, taasoo aheyd mid la xariirtay arrimaha iskaashiga amniga iyo la dagaalanka argagixisada oo ay iska kaashadaan labada dal.
Xigasho: ( HOL )