Home AF IYO AAG Magaalada qadiimiga ah ee Shabeelle

Magaalada qadiimiga ah ee Shabeelle

10
0
- Advertisement -

Ayrotv.com-Shabeelle-« Talyaanigu waxa uu sameeyey wadada Shabeelle 1941-2dii, si uu iskugu xidho dakada Saylac iyo magaallada Harar. Waxa ayna ahayd wado dhagax ah(Cobblestone) » ~ Cabdi Warfaa( Cabdi Xariir)

Shabeelle waa magaalo qadiim ah, oo dhisnayd qarniyo badan, waxa ay ku taalaa meel u dhaxaysa dhaadhaca buuralayda Ceel-madax(aka Gaalagari), iyo dooxa Harawa, dhulka waxa ay saraysaa 1400m. Waxa ay ahayd magaalo ku taal marinka ganacsi ee isku xidha Saylac iyo Harar, waxaana deganaa dadyow Soomaali, Carab, Hindi, iyo Ahmaaraba ma leh, waxana ay ahayd magaallo camiran qarnigii 19aad, iyo bilowga qarnigii 20aad. Sidoo kale waxa ay xarun ciidan u ahayd gumaystayaashii Ingiriis iyo Talyaani ba.

- Advertisement -

Magaallada Shabeelle oo ah magaalo ku taal meel dabayl iyo jawi wacan, biyo badan oo uu durduradii ceelka Jalo in yar u jiraan waxa ay ahayd xarun gacansi, xarun diimeed oo masaajidu qadiim ah, iyo qoryo qadiim ah oo SONKOR iyo dhoobo laga sameeyey ku yaalaan, walina sii muuqdaan raadadkoodii, sidoo kale xarun siyaasadeed, oo ciidamadii Ingiriis iyo Itoobiyaankuba ka wada deganaayeen.

Shabeelle waxa ay muhiimadii gacansi iyo magaalowgiiba lumisey, oo hoos u dhac weyni ku yimid markii Hayle Selaase Itoobiya ka qabsadey Talyaani(1940’s), Hawd & Reserve Area( Hawd iyo Harawana) lagu wareejiyey Itoobiya, sidoo kale waxa sameyn weyn ku lahaa casriyeynta dawga xadiidka ah ee Jabuuti iyo Adiss Ababa. Shabeelle ayaa markii ay muhiimadii gacansi lumisey, wadadiina burburtey dadkii deganaa Shabeelle waxa ay aas-aaseen magaalooyin cusub sida Lawanaaje, Jaare, Xero-geel, Dambal, Ayshaca, Araabi.

Wadada Shabeele oo aan muddo 70 sanno ka badan aan la marin ayaa qurbajoogta iyo bulshada deegaankaasi dib u dhiseen, una fureen wadadii, wadada Shabeele oo isku xidha Jaare iyo Harawa ayaa ah wado ka soo dhacda buuraley joogeedu ka sareeyo 1811m+ ilaa dhul 1400m ah, waana wado warwareeg badan sida Dhengaga(Diredawa) ama buurta Sheekh oo kale.

W/Q Khadar Hiral

Faafin: Muliyo Centre

- Advertisement -