- Advertisement -
Muqdisho, Arbaca, 12 Maarso 2025: โ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta dowladda iyo heyโadaha Qaramada Midoobay, teegaarada qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo cod, hawlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSOM.
- Advertisement -
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay tallaabooyinka muhiimka ah ee dowladdu u qaaday dhanka dimuqraadiyeynta, horumarka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee ku aaddan arrimaha gargaarka, amniga iyo geed-socodka nabadda.

- Advertisement -