Home Arimaha Bulshada Qaramada Midoobay oo 5 milyan oo dollar u qoondaysay abaaraha Soomaaliya.

Qaramada Midoobay oo 5 milyan oo dollar u qoondaysay abaaraha Soomaaliya.

7
0
- Advertisement -

Ayrotv.com- Khamiis, Nov, 14, 2024- Qaramada Midoobay ayaa lacag dhan 5 milyan oo dollar ka qoondaysay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdega ah si ay u taageerto ka hortagga abaaraha ka jira Soomaaliya, sida ay ku dhawaaqday Ku-simaha Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah Joyce Msuya.

Soomaaliya ayaa wajaheysa halis ku saabsan abaarta ay sababtay El Niña, iyadoo 70% ay suurtagal tahay in roobabku ay yaraadaan, taas oo khatar gelinaysa sugnaanta cunnada ee bulshooyinka reer miyiga ah ee bartamaha, koonfurta Soomaaliya iyo sidoo kale Puntland.

- Advertisement -

Maalgelintan ayaa higsanaysa in ay gaarto in ka badan 130,000 oo qof, iyada oo ka caawinaysa agabka haqab-beelka cuntada, biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda.

Iyadoo shirka cimilada uu ka socdo magaalada Baku ee dalka Asarbayjaan, wufuud Soomaaliyeed ayaa u ololeynaya kordhinta dhaqaalaha cimilada, iyagoo muujinaya halganka joogtada ah ee Soomaaliya ay kula jirto abaaraha, fatahaadaha, iyo dhisidda adkeysiga bulshada.

Xigasho ( HOL )

- Advertisement -