Home Maxa Cusub Raysal Wasaare Ku Xigeenka Itoobiya iyo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida oo Somaliland Soo...

Raysal Wasaare Ku Xigeenka Itoobiya iyo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida oo Somaliland Soo Gaadhay

7
0
- Advertisement -

Ayrotv.com- Isniin, Nov, 18, 2024- Waxa magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland soo gaadhay wafti uu hoggaaminay Raysal Wasaare Ku Xigeenka Itoobiya Aadan Faarax, waxa kale oo waftiga ku wahelinaya Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.

Waftigan sare ee ka socda dowlada Itoobiya ayaa Somaliland u yimid ka qaybgalka aaska madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Jimcihii Hargaysa ku geeriyooday.

- Advertisement -

Waftigan ayaa kadib munaasibada aaska madaxtooyada Somaliland kula kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumada Somaliland.

Itoobiya ayaa kamid aha dowladaha xidhiidhka aadka u dhaw la leh Somaliland, isla markaana xidhiidhka labada dhinac ayaa xoogaystay kadib isfahankii badda ee ay labada dhinac kala saxeexdeen horaantii sannadkan 2024.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore hawada uga celisay diyaarad siday taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya iyo saraakiil kale, waftigan raysal wasaare ku xigeenku hoggaaminayo ayaa noqonaya kii ugu heerka sareeyay ee ay Itoobiya waligeed u dirto Somaliland.

Dad badan yaa aaminsan in imaanshaha waftigani uu ka turjumayo kor u kaca xidhiidhka labada dhinac ee Itoobiya iyo Somaliland.

- Advertisement -