Home Arimaha Bulshada Suntii uu ninka cad waraabiyay dadka madoow ( The poison that the...

Suntii uu ninka cad waraabiyay dadka madoow ( The poison that the white man watered the African people.

7
0
- Advertisement -

Ayrotv.com- ‘Moral evil, economic good’: Whitewashing the sins of colonialism ( ‘Asluub xun, wanaajin dhaqaale’ iyo Caddaynta dembiyada gumaysiga )

Sidee dagaaladda, rabshadaha iyo kala-sarayntu ay u qeexeen dhaxalka boqortooyadii Afrika, iyo sababta isku dayadii dhawaa ee lagu sahaminayay waxtarka ‘Hanaankii Asluubeed’ ee gumaystaha taasoo la leeyahay waxay halis u tahay dib u qorida taariikh mugdi ah iyo inay wiiqaan horumarka.

Sannadkii 2017, bare wax ka dhiga Jaamacadda Oxford ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa soo jeediyay mashruuc cilmi baaris ah, oo ah Aragtiyo xambaadhsan arimo muhiima wuxuu ku dooday in boqortooyadu ay tahay ifafaale taariikhi ah – oo ka duwan qaab dhismeed lagu jaangooyay fikrado, waxay samaysay ayuu leeyahay waxqabadyo anshaxeed iyo in aan la soo koobi karin dhaxalkeeda ku salaysan xasuuqa, dhiig-miirashada, xukunka iyo cadaadiska.

Sida la filayey, mashruucan waxa uu dhaliyey murano badan ilaa heer ay culimada kale ee Oxford qalinka ku duugeen warqad furan oo ay iskaga fogeynayaan dib-u-eegistii la damacsanaa iyo in la caddeeyo dembiyada Boqortooyada.

Mid ka mid ah xubnihii hormuudka ka ahaa mashruuca ayaa iska casilay xilkiisa, isagoo sabab uga dhigay arrimo isaga u gaar ah.

La soco qaybaha xiga iinsha allah……..

Reff: Sabelo J Ndlovu-Gatsheni Historian, professor and decolonial theorist.
Al Jazeera English:
Golaha Carro Edeg and Ayrotv…… 

- Advertisement -