Home AF IYO AAG Taariikhaha Cudoon ee Masjidkii Abasa

Taariikhaha Cudoon ee Masjidkii Abasa

3
0
- Advertisement -

Masjidkii Abasa

Abasa-Ayrotv.com- Waa dib u dhiska aalada computerka ah ee masaajidka Abasa cilmi baaristii Statehorn ka dib. Injineerada ayaa ka bilaabay sawirada qadiimiga. Magaalada Abasa oo 50 Km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Boorama waxay jirtay qarnigii 16aad. Boqorad la odhan jiray Khola ayaa halkaas ka talinaysay.

- Advertisement -

Tani waa mowduuca buuggeyga soo socda, “Queen Khola”. Waa raadraac, hab sheeko ah, safarkii boqoraddan oo la sheegay inay tahay Gallas. Waxay ka mid ahayd dulaankii uu aabbaheed hoggaaminayay ee Saylac. Ciidankii waxaa lagu jabiyay Giriyad, iyadoo loo adeegsanayo xeelad gabadh kale dhigtay. Meesha lagaga adkaaday waxay qaadatay magaca “Ceel Gaal” oo ah qabrigii Gaalada.

Iyadoo awoodi wayday inay dalkooda dib ugu noqdaan oo ciidankii la wiiqay, intii ka badbaaday waxay degeen buuralayda iyagoo isbahaysi la ah dadka deegaanka. Nabad aan sugnayn oo dhowr sano ah ayaa asmaxday in magaalada la dhiso. Laakiin taasi waxay ahayd iyada oo aan la tirinaynin magaalada Awbubeh oo galbeed ka xigta. Awbubeh, oo macnaheedu yahay kii lalayay. Sheekadu waxay sheegaysa in Awliyadii magaaladan aasaasay uu duuli jiray markuu doono.

Hogaankii Awbuubeh ma jeclayn in ay arkaan dadkii ka badbaaday Gaalada in ay ku barwaaqoobaan albaabkooda, gaar ahaan meel aan ka fogayn jidka loo maro dekedda magaalada Saylac. Dagaal aan kala joogsi lahayn ayaa labada magaalo dhex maray. Dagaalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay halka ay hadda ku taal tuulada Qulujeed. Halkaa ayaa boqorad Khola lagu dilay. Aasaarta ayaa wali ka marag kacaya qaybtan la ilaaway ee taariikhdeena.

Reff: Muliyo Centre

- Advertisement -

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here