Home Arimaha Bulshada TAARIIKHO NAADIR AH—DIL KA DHACAY MAGAALADA SAYLAC 1537KII

TAARIIKHO NAADIR AH—DIL KA DHACAY MAGAALADA SAYLAC 1537KII

3
0

Ayrotv.com- Saylac- Qaar ka mida ilaha asalka u ah diiwaan gelinta taariikhdii iyo waayihii ka jiray dhulka Muslimiinta Geeska Africa wixii ka horreeyay qarnigii 17aad, waa qoreyaashii Carbeed ee xiligaa jiray ha u badnaadaan kuwii reer Yemen iyo Masar. Waxa jira dukumentiyo badan oo xambaarsan taariikhaha Somalida xiligaasi laga reebay oo yaalla matxafyada dalalka Carbeed, kuwaas oo aan weli Somali iyo Yurubiyan midina turjumin. 

Mid ka mida taariikhyahanadii reer Yemen ee noolaa qarnigii 16aad, Šhihaab ad-Diin Axmad bin Cabd al-Qaadir bin Saalim bin Cuthmaan, qoraha buugga Futuux Al-Xabash, ayaa lagu tilmaami karaa shaqsiga ugu weyn ee jiilka maanta u soo gudbiyey wixii geyiga ka dhacay horraantii qarnigii 16aad. Balse nasiib darro buuggaasi oo labo qaybood ahaa, waxa ka nool qayb keliya oo ku joogsata sanadku markuu ahaa 1536-1537. Wixii intaas ka danbeeyey ee taariikhda Adal Sultanate waxa marti looga yahay taariikhyahanadii reer Yurub, dawladii xabashida, iyo culimadii Yemen fadhiday ee wararka gobolka looga keeno uun qori jiray.

Maanta waxa aynu milicsan doonnaa mid kamida dhacdooyin ka dhacay dhulkii ay ka talinaysay Saldanaddii Islaamiga ahayd ee Awdal, taas oo ay diwaan geliyeen labo taariikhyahan oo reer Xadramout ahaa qarnigii 16aad. Magacyadooda waxa la kala odhan jiray “Cabdullah Bin Axmed Bamakhramah” iyo “Muxammad ibn Axmad ibn Khalīfah ibn Shabbānah al-Qaxṭānī oo loogu yeedho Bāfaqih” (kitaab: “تاريخ الشحر وأخبار القرن العاشر”).

Labada qoraa waxa ay si kala madax banaan u soo gudbinayaan labo qaybood oo ka mida  hal dhacdo oo 1537dii iyo 1538dii ka dhacday magaalada taariikhiga ah ee Saylac.

Qaybta koowaad 1537, Cabdullah Bin Axmed Bamakhramah.

Shirqoolkii lagu dilay Amiirkii magaadalada Saylac (1537)

—–

Sanadkii 1537-kii Miilaadiga, waxa shirqool lagu dilay Amiirkii magaalada Saylac, amir Saciid, iyo xoghayihiisii. Ragga dilka geystay waxay ahaayeen laba nin oo ka soo jeeda qabiilka Mehri, oo asal ahaan ka yimid koonfurta Yemen. Magacyadooda waxaa lagu sheegay Cabud bin Axmed bin Jirdaan iyo Cabud bin Xaydaan. (Abud?)

Markii ay dilka geysteen kaddib, waxa ay xeebta ka kaxaysteen dooni yar oo dagaal oo uu lahaa Amiirka la dilay, taasoo ku xidhnayd dekedda Saylac. Waxay u baxsadeen dhinaca Badda Cas, iyagoo gaadhay meel u dhow Bab al-Mandab. Halkaas wax ay kula kulmeen labo markab dagaal oo Boortaqiis ah, kuwaas oo meesha u joogay in ay basaasaan dhaqdhaqaaqa Cuthmaaniyiinta.

Markii ay la kulmeen labadii markab ee Boortaqiiska, ragii baxsadka ahaa waxa ay ku kaceen fal kale. Waxa ay askartii Boortaqiiska ku qanciyeen in ay si wada jir ah u weeraraan magaalada Saylac, iyagoo sheegay in ay dekedda magaalada ku xidhanyihiiin Maraakiib aad u badan oo ku camiran badeecooyin laga soo raray Hindiya,  kuwaas oo si sahlan loo boobi karo, maadaama lagu jiray xiligii .Moosinka. Askartii Boortaqiiska oo awal horeba caado u lahaa dhaca iyo bililiqada markaakiibta iyo magaalooyinka Muslimiinta, ayaa waxay weerar ku qaadeen magaalada Saylac. 

Balse waxa ay la kulmeena iska caabbin xooggan oo ay shaqaalihii Hindidu kala hortageen. Askartii Boortaqiisku way ku hungoobeen qorshihii, waxaana lagu khasbay in ay dib uga cararaan iyaga oo dhaawac iyo dhimashaba sita. Labadii gacan-ku-dhiigle oo wata doontii ay xadeen iyo askartii Boortaqiisku waxa ay firxadkii ku tageen magaalada al-Shixr ee ku taalla xeebta dalka Yemen. Halkaas oo ay si nabad ah u galeen iyaga oo isku hallaynaya heshiis xabbad-joojin ah oo dhawaan ay wada galeen Boortaqiiska iyo madaxdii reer al-Shixr.

Magaalada al-Shixr waxa isna ugu yimid nin addoon Mamluuki ah oo u shaqeeya taliyaha ciidanka badda ee Cuthmaaniyiinta, Admiral Khoja Safar, kaas oo ka soo baxsaday isla magaalada Saylac kuna sugnaa dhinaca magaalada al-Mishkas. Ujeedadiisu waxa ay ahayd in uu maraakiibta Boortaqiiska u raaco Hindiya. 

Qoraagu wuxu yidhi, ninkan addoonka ah waxa laga sheegay in uu afkiisa ka sheegtay in uu isaga laftiisu ka danbeeyey qorshaha dilka Amiirka Saylac. Wuxuu sheegay in uu labadii nin ee Mehrida ahaa siiyay laaluush dhan 30 wiqiyadood oo dahab ah si ay u dilaan Amiirka. Sababta ku keliftayna waxa uu ku sheegay in uu Amiirku isaga tacaddi iyo gaboodfal u geystay sidookalena u diiday in uu magaalada si xor ah uga baxo.

Xigasho: Waaberi Daahir, Adal Archives

La soco qaybta labaad……. Idam alle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here