Ayrotv-Awbuube- Awdal- Awbuube waxa ay xudun cilmiyeed iyo mid dineed u ahayd saldanadii Cadal ama Adal ee rugteedu ahayd Saylac. Waxa kale oo Awbuube ahayd marin ciidameed loo maro dhanka dhulka hadda loo yaqaan Ehtiopia, Ciidamada saldanadda Adal ayaa ku hakan jiray Awbuube iyago halkaa ku ducaysan jiray inta dadka iyo farduhuba ay nasanayaan.
Awbuube waxa kale waxa ay caan ku ahayd fardo fuulka oo waxay lahayd dagaal yahano wacdaro ka dhiga goobaha dagaalka. Shihab al-Din Ahmad waxa uu ku qoray buuggisa Futuh-al-xabasha isaga oo ka sheekaynaya dagaaladi cuslaa ee Awbuube gashay :
“Labadii saf ee askarta ahaa ee jidka ku safrayay ayaa markii ay isu soo dhowaadeen, kuwii sanamka caabudi jiray waxay weerareen halkii dambe ee Muslimiinta. Kuwii waardiyaha dambe ku jirayna way adkaysteen, oo fardihii bay fuuleen. Kuwaa danbe waxaa ka mid ahaa Zaharbuwi Cutman, shariif Axmad iyo Hegane C/llaahi, Cali Farasahaam iyo shiikh Khaliil oo reer Awubaah ah – Ilaahay ha nagu barakeeyo isaga, Aamiin. Waxay ahaayeen toban nin oo dhalinyaro ah. kuwii sanamka caabudi jirayna waxay ahaayeen ilaa laba boqol. Muslimiintii waxay weerareen kuwii sanamka caabudi jiray, waxaana la galay dagaal dhiig badan ku daatay, ilaa ay gacmahoodu daaleen.”
Iyada oo ay sidaa tahay, waxa Awbuube tartan siyaasadeed kula jirtay Abaasa oo rug u ahay boqorad Kola oo iyadu ahayd dadyawgii islaamay intii saldanadu jirtay ee ay waday fidinta diinta islaamka. Xifaaltankaasi wuxuu isku badalay gacan ka hadal uu midba mid ka kale ku duulayo si uu saaxada uga saaro oo u hanto mansab siyaasadeed, dhaqaale iyo cidameed uu ka helo saldanadda. Boqorad Kola waxay la kulmaysay takoorid iyada oo loo aanaynayo in ay asal ahaan ka soo jeedo qolyaha dagaalka lagula jiro, iyada iyo kooxdeeduna ay islaamnimadoodu jilicsan tahay.
Abaasa iyo Boqorad Kola waxay u dagaalamayeen sidii ay uga bixi lahayeen nuqsaanta lagu hayo, halka Awbuube iyadu u hawl galayso sidii ay u sii haysan lahayd una adkayn lahayd dowrka ay ku lahayd mandaqada. Dagaalo badan oo ay iska hor yimadeen laba xaruumood, waxa ay dhaxalsiisay dhiig bax ku yimaada dadkoodi iyo in uu wiiqmo dhaqaalahoogu. Ugu dambayn, mudo hadda qiyaas ahaan lagu beego 300 sanadood ayuu dhacay dagaalkii ugu waynaa uguna dambeyay ee dhex mara Awbuube iyo Abaasa.
Sida dadkii soo maray deegaanka ee uu ka mid yahay Richard Burton oo waraystay dadkii xiliyadaa noola (qarnigii 19aad), waxay u badan tahay dagaalkaasi in la isku haleelay halka imika ay tahay Qul-u-jeed. M. Burton waxa u ku tilmaamay dagaalada u dhexeeyay labada xaruumood kuwo u dagaalamay sida bisadaha qarkood. Dagaalka oo lagu riiqday ayaa sababay in labada xarumood ay ka soo waaqsan wayaan. Boqorad Kola ayaa ku dhimatay halkaa. Abaasa waxaa soo food saaray khalkhal hogaaneed. Dadkii ku xidhnaa Boqorad Kola waxay u kala jabeen laba dhinac :
1- Qolo sii joogta Abaasa oo isku dhaarsata in ay sii wadan shaqadii boqoradooda.
2- Qolo iska huleesha Abaasa.
Qoladaa dambe oo u badnaa beelaha gadabuusi waxay uu guuri doonaan oo deegaamayn doonaan dooxada Baki.
Hoos u dhac dhaqaale iyo go’doon ay gashay Abaasa waxay keentay in magaalada lagu kala tago oo sidaa ay ku dunto Abaasa. Awbuube kama nasiib wanaagsanayn oo halkii ay hiigsanaysay may gaadhin. waxayna la dagtay Saldanadii ay ku xidhnayd.
Reff: Prof. Rachid Hachi
Faafin Muliyo Centre