Home Arimaha Bulshada Ummad han sarre leh ayaa badbaadin karta jirritaankooda.

Ummad han sarre leh ayaa badbaadin karta jirritaankooda.

5
0
- Advertisement -

Ummadi marka ay ka tagaan ama aysan lahayn han iyo mabaadii ay illaalsato waxaa fuddudaato faragelinta dowladaha shisheeye. Wali ma iswaydiisay qofka siyaasiga Soomaaliyeed muxuu illaalsadaa maanta?


Ayrotv.com- Ummad kasta waxaa lagu qiimeeyaa hanka ay leeyihiin. Waligaa ha la yaabin faragelinta dalalka shisheeye ee marka hore waxaad iswaydiisaa sababta keenay faragelintaas?

- Advertisement -

Ummadi marka ay ka tagaan ama aysan lahayn han iyo mabaadii ay illaalsato waxaa fuddudaato faragelinta dowladaha shisheeye. Wali ma iswaydiisay qofka siyaasiga Soomaaliyeed muxuu illaalsadaa maanta?

Dowlad kasta oo dunida ka jirta waxaa jirta waxyaabo ay illaalsanayso ama ay u taagan tahay ay halgan adag ugu jirto helideeda. Tusaalle: Ruushku wuxuu u taagan yahay matelaadda isirka Islaafka ee Yuuraasiya (Eurosia), Iiraan waxa ay u taagan tahay matelaadda dunida Shiicada, Hindiya waa Hinduusanka, Baakistaan waxay u taagan tahay Muslimka kunool qaaraddaas, Turkigu wuxuu u taagan yahay isirka Turkiga iyo dhaxalka Boqortooyadii Cusmaanida, dowladda Itoobiya waxa ay u taagnayd (u taagan tahay) bedqabka Masiixiyiinta Geeska Afrika.

Dowladahaas matelaadda diineed ama tan isireed isku gaaryeelaya marar badan waxa ay uga danleeyihiin in ay jiritaankooda ku macneeyaan oo ay dadkooda u sameeyaan sabab ay u noolaadaan ama u dowladoobaan.

—- Dowladnimada Soomaaliya ee maanta maxay u taagan tahay? Waa in aan fahano marka hore cida ay matalayso dowladnimadeena – waa qodobka aan wali laga bixin sharaxaad dhameystiran, waana sababta ay u kufayso dowladnimada Soomaaliya markasta. 1960, Dowladdii Soomaaliyeed ee hanaqaaday waxa lagu alkumay mabda’ ah “Soomaaliweyn” oo la macno ah soo celinta dalalkii maqanaa. Waxa uu ahaa mabda’ sax ah oo awood siiyay dowladdii Soomaaliyeed. Si dhulkaas loo xoreeyo waxaa loo baahday cudud xooggan, dhaqaale iyo warshadayn, waxbarasho tayo sare leh, horumar, iyo diblomaasiyad sare oo dalku kula falgalo gobolka iyo dunidaba. In kasta oo ay jireen gaabisyo la kowsaday dowladdii curdinka ahayd, haddana hirgelinta hawlahaas oo dhan waxaa fudaydiyay hiraalkii fogaa iyo doonistii xooganayd ee ahayd “soo celinta dhulalkii maqnaa, ilaa xadna dalku waxa uu noqday mid Afrika ka tilmaaman oo sumcad leh. Si kale haddaan u dhigno, dowladdii dhalatay 1960-kii waxa ay u taagnayd ama sharciyadeedu ahayd xoreynta dhulalka maqan. Taasna waxa ay kala mid ahayd dowladaha xooggan ee dunida, kuwaas oo dhammaantood u taagan sababo la qeexi karo.

Sababo lamid ah dowladaha aan kor kusoo sheegay, Soomaalidii xornimada heshay waxay dowladnimadooda u sameeyeen macne ay u taagan tahay iyo hiraal la rabo in la xaqiijiyo. Waxaynu tusaalle ugu soo qaadan karnaa arrintaas, safarkii uu RW Cabdirashiid C. Sharmaarke 27, Noofeembar 1962-dii ku tegay carriga Maraykanka waxa uu uga danlahaa in Maraykanku u dhiso Soomaaliya cudud ciidan oo xoogan, kaabayaasha dhaqaalaha ee dalkana kobciyo. Ha yeeshee, markii Ra’isul wasaaraha ka waayay Maraykanka sidii uu rabay wuxuu u-digo-rogtay dhanka Midowga Soofiyeed, oo uu ka helay dalabkiisii. Sababta Ra’isul wasaaraha kala wareegaas u sameeyay waxay ahayd in ciidanka uu rabay Maraykanku in uu dhiso boolis ay sinnaba u xaqiijin karin yoolkii ay u taagnayd dowladdii Soomaaliyeed ee ahaa xoraynta dhulalka maqan. Halkanna waxa aynu ka fahmi karnaa sida ay isku tolnaayeen raadinta dalalkaas maqan iyo awoodaysiinta Soomaaliyada xorta ah. Dowladdii Soomaaliyeed waxa ay qaddiyadaas u taagnayd 1960-77, oo ah muddadii ay ugu xooganayd, midnimo badnayd, horumarka iyo waxbarashaduna aad u kobcayeen. Sida ay ila tahay, jiilka Soomaaliyeed ee maanta waxaa saaran waajibaad mug weyn leh si jiilka soo socda u gaarsiiyaan Soomaaliya oo tolan, burwaaqo iyo nabad ah, aragtiyo siyaasadeed oo mug leh oo lagu kabay cudud dhaqaale, iyo mid ciidan, diinta Islaamka ay tiir ugu dhigaan dowladnimadooda. Masuuliyadna iska saaraan masuuliyadda Muslimiinta ku dhaqan Geeska Afrika. Taas oo jiilka soo socda u fududayn doonta in ay rumeeyaan hankii iyo hiraalkii dadkeena.

Si haddaba hawshaasi u hirgasho, jiilka maanta waa in uu yagleelo aragtiyo taabbogal ah oo waaqica ku salaysan, isku filnaansho dhaqaale, ilaa heer xornimo fikradeed iyo mid siyaasadeed, iyo tan ugu muhiimsan oo ah in siday ku timaadaba aan saameyn ku yeelano siyaasadaha dalka iyo geeska Afrikaba, sidoo kalena in aan samaysanno saaxiibo caalami ah. Waxaas oo idil se, waxay u baahan yihiin istaraatiijiyado cad, yoollal la tiigsan karo iyo toobiyaal lagu rumayn karo.

Bani’aadamka waxa ku kallifay inuu hindiso aragtiyo uu kula xisaabtamo waxa dunida ka socda ayaa sababta hanka sarre ee ummadi yeelato. Waxaana lagu kala sarreeyaa waa hankaas. Waxaa loo baahan yahay aragtiyo iyo mabaadii lagu dhisay caqli togan, mana loo baahna sal fuddeed marka la rabo in ummadi la badbaadiyo.

Waxaana laga qoray buuggaag iyo cilmi baarisyo badan waxa dal ka dhigo dal tagay oo horumar badan ku tilaabsaday , midka ka dhigay kuwa ku guuldareystay waa nidaamka ay dejisteen. Buugga “Why Nations Fail“, oo ay qoreen Daron Acemoglu iyo James A. Robinson waxa ay ku doodayaan waxa dalna hormariyey oo barwaaqo dhan walba ah u horseeday; dalkalena burbur iyo dib-u-dhac walba u horseeday waa hay’adaha dawliga ah, baa dal hormariyey, midna din-u-dhigay, marka labada qoraa waxay ku dooddayaan aragtida hay’adaha (Institutional Theory).

Balse su’aashu waxa ay tahay yaa horta dhisa hay’adaha? Ma iyagaa iska dhisma? Mise dad baa dhisa? Halkan waxa aan ka fahmaynaa in labada qoraa si dadban ugu dooddayaan bulsho horumarkeedu iyo fashilkeedu waxa uu ku xiranyahay hoggaamiyaha taladu ka go’do. Calaamadaha lagu garto hoggaamiyaha kartida iyo qibrada leh waa dadka uu soo xulunaayo. Haddii uu yahay mid Alle-u-sahal ah wuxuu keensadaa dad asiga xigtidiisa ah si aysan meesha ugu cariirinin kuwa kale ee leh qibrada iyo aqoonta duruqsan.

Xigasho: Cabdijabaar Sh. Axmed https://www.diblomaasi.com

- Advertisement -