Home AF IYO AAG XEERARKA XARIIQDA (-)

XEERARKA XARIIQDA (-)

6
0
- Advertisement -

Ayrotv.com-Mogadishu- Xariiq (-), oo ay ‘xarriiq’ u qori karaan oo ‘r’-da labanlaabi karaan dadka qaar, waa astaan ka mid ah astaamaha hadalka qoran qaabaaya. Astaamaha kale ee dhigaalka waxaa ka mid ah hakad (,), weydiin (?), yaab (!) iyo joogsi (.). In badan oo dadka ka midka ahi waa yaqaanaan.

Xariiqdu waxa ay inoo qabataa dhaw hawlood oo aan, inta aan ka aqaan, halakan ku faallayn doono. Waxaa ka mid ah:

- Advertisement -

#1. In ay kala saarto, dhex gasho, oo isku xirto eray qaybahiisa. Eraygaasi waa in uu yahay ‘dhafane’. Dhafane waa eray ka kooban wax ka badan hal qurub. Sida ‘dhexgal’, ‘isdhexgal’ iyo ‘isdhexgaldiid’. Si hadda ba xariiq u gasho, dhafanaas waa in qurub ka mid ah ku dhammaado shaqal; qurub kala na uu ka billawdo shaqal. Tusaalayaal:

1. Waaya-arag

2. Isu-ekaysiin

3. Raalli-ahaansho

4. Dibu-eegis

5. Sara-uqaadis

Labada shaqal isku mid waa noqon karaan, sida kuwa ku jira ‘waaya-arag’; se waa in ayan is raacsanayn oo aanay shaqaldheere isku noqonaynin.

#2. In ay codadka ‘d, k & s’ ha ilaaliso in ay is xigsadaan codka ‘h’, kaas oo haddii ay is xigsadaan ka dhiga ‘dh, kh & sh’. Waa in aan labadaas la isku hafin. Tusaalayaal:

1. Dawlad-hoosaad

2. Is-haysi

FG: Codka ‘k’ waxa uu ka mid yahay codadka aanay erayada Soomaaliga ahi ku dhammaan. Sidaas darteed, la ma heli karo eray dhafane ah, kaas oo uu qurub ka mid ahi ‘k’ ku dhammaanayo; si xariiq halkaas u gasho.

#3. In ay kala ilaaso ‘d’ uu ku dhammaado qurub dhafane ka mid ah, iyo ‘dh’ qurub kale oo dhafane ka mid ahi ka billawdo. Maxaa yeelay la ma rabo in la moodo in halkaas ay ku jirto ‘d’ labanlaaban. Tusaalayaal:

1. Bud-dhig

2. Bad-dhac

3. Food-dheere

4. Dawlad-dhis

5. Sid-dhammaysi

#4. In ay kala saarto, dhexgasho, oo kala ilaaso laba cod oo ku wada jira eray dhafane ah, kuwaas oo aan ka mid ahayn toddobada shibbane ee labanlaabma. Waa in dhanahaas qurub ka mid ahi ku dhammaado shibbane aan labanlaabmin; sidaas oo kala na uu qurubka xiga ka billawdo isla shabbanaahs. Tusaalayaal:

1. Af-fur

2. Madax-xanuun

3. Anshax-xumo

4. Wac-celin

5. Dhis-san

FG:.‘Dhisan’ iyo ‘dhis-san’ waa kala duwan yahiin. Gurigaasi waa ‘dhisan’ yahay; iyo ‘dhis-san’ oo ah ‘dhis wanaagsan’ ayaa la galiya soo ma ka la duwana?

#5. In ay dhexgasho magacyada hal qof lee yahay, ha se ahaato ee is raaca ee aan kala harin. Waxaa tusaalayaal ah:

1. Aaden-Cadde

2. Siciid-Dani

3. Axmed-Siilaanyo

4. Shiikh-Shariif

5. Axmed-Madoobe

Waa in aynu maanka ku hayno in aynu ka duwno magacyada is dhalay. Sida Siyaad Barre, Cabdiwali Gaas, Xasan Sheekh, Cali Xaaji iyo Adna Aaden. Haddii kale oo Yuusuf Garaad aynu qorno, waxa ay noqonaysaa in Yuusuf aabbahiis la oran jiray Garaad!

#6. In lagu qurxiyo oo la dhex galiyo qurubyada dhafane ka kooban qaybo dhaadheer. Waxaa tusaalayaal ah:

1. Taariikh-nololeed

2. Maamul-goboleed

3. Dawlad-goboleed

4. Koonfur-Galbeed

5. Soomaali-Galbeed

Se waa in aan laba arrimood sheego halkan. (i) in xariirqdu marakan ay tahay ‘qurxin’, ee ayan ahayn lamadhaafaan. Qofkii qora ‘maamulgoboleed’ ma gafsana. (ii) in la weynaynayo codadka ay ka billawdaan labada qurub ee dhafanahu, goorta la joogo magacyada gaarka ah.

Hadda ba, intaas oo dhan arar iiga dhig iyo in aan horudhac u samaynayay waxa uu tahay ‘xariiq’ iyo ‘xeerarkeeda’. Qormadan oo dhan waxa aan u qoray in aan toosiyo laba gaf oo aynu badankeen ku dhacno goorta ayno ‘xariiq’ adeegsanayno.

#1. Gafka kowaad waa inaga oo xariiq dhex galina eray kaste oo dhafane ah oo qurubyadiisa qaar ka mid ahi uu shaqal ku jiro. Tusaalayaal:

1. Hal-abuur ✗ |halabuur ✔

2. Hoos-u-dhigis ✗ |hoosudhigis ✔

3. U-la-jeeddo ✗ |ulajeeddo ✔

4. Gobanima-doon ✗ |gobanimadoon ✔

5. War-helis ✗ |warhelis ✔

Waa in aynu ogaanaa in aan xariiq loo ga baahnayn meelahan hore ee aan galiyay oo dhan. Waxaa loo qorayaa halabuur, dibudhigis, ulajeeddo, gobanimadoon iyo warhelis. Sidaas oo kale, waa in aynu ogaano in dhafanayaasha dibu-eegid, sara-ukac iyo dadu-adeegis hal xariiq oo kali ah looga baahan yahay; ee dib-u-eegid, sara-u-kac iyo dad-u-deegis aan loo qori kari karin. Ma jiro xeer sidaas qaba.

#2. Gafka labaadi waa iyada oo meel hamsa (’) loo ga baahnaa aynu galino xariiq (-). Horta aan sheego in hamsa la dhex gasho erayada madhafanaha ah; halka xariiq la dhex gasho erayada dhafanaha ah. Tusaalayaal

1. Daa’uud |dibu-ururin

2. Su’aal |dibu-aasaasid

3. Faa’iido |bilaa-iimaan

4. Mac’had |farac-hoosaad

5. Le’eg |Bile-eelaay

Ma arakaysaa sida ay u kala duwan yahiin? Haddii uu eraygu uu madhafane ayahay, oo ay ku jiraan codad aad kala ilaalinayso, adeegso hamsa (‘). Haddii uu se eraygu yahay dhafane, oo aad ay ku jiraan codad aad kala ilaalinayo, adeegso xariiq (-).

Dhafane iyo madhafane kaga boqo humaagta lifaaqan, taas oo aan inoo ka soo qaaday dhigane aan dhawaan soo saari doono oo la yiraahdo SOOC. ‘Dhac’ waa ‘madhafane’; ‘madhacdo’ na waa ‘dhafane’ ka kooban saddex qurub oo ah ‘ma-dhac-do’.

WQ:- Cabdirisaaq Baraag oo xubin ka ah Guddiga Qaranka Soomaaliyeed ee Horumarinta Afka; kaas oo ka hawlgala Akaddeemiyada Cilmibaarista, Sayniska & Dhaqanka ee DFS, xarunteeda Muqdisho. Sidaas oo kale, waxa uu bare maaddadada af Soomaaliga dhiga ka yahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Waxaa laga heli karaa xiriirka ah

[email protected].

DHAMMAAD

Cabdulqaadir Sheekh Cabdullaahi Maxamed (Duceysane).

Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta

Faafin goobta Prof. Abdulkadir S. Dhoore

- Advertisement -