Home AF IYO AAG ”Xeerkii Dirkii Hore:By Faisal Abroone

”Xeerkii Dirkii Hore:By Faisal Abroone

29
0
- Advertisement -

Jaldaysa-Ayrotv.com-Qarnigii 1300 Boqortoyada Ifat, Moora iyo Adulis waxaa asasay ”Gurgure Ali iyo ”Gadabuursi oo dhamaan axmed Guray,Axmed nuur,iyo Gidaarka Harar ku wareegsan dhisay. Magalada Dira Dhabe waxa loogu bixiyay “Dir baa Dhabay” ama meeshi uu Dir waranka ka Taagay kolkii ay Gurguraha ka kacsheen ‘Gaalada. Generalka Gurgure Garaad Ibrahim waaqoyiga Somalia markii uu cidan ka soo doontay 1434 tii isaga iyo Hogamiyihii Garad Sacid ”Somaroone oo Garadka ”Gadabuursi ahaa waxa ay u yimaadeen ”Isaqa oo barigaa ahaa Magadle Dir. Wadanka Qeybihiisa koonfurta iyo waqooyigaba dadkii Gurgure ee xukumi jiray xiligaa wali Dirta koonfur iyo kuwa Waqooyiba wa laga helaa Haatan. Nabidoorka iyo Baciida Gurgure oo Dadkaa Habar Jeclo xukumi jiray asasayna wali magacyadaa ayaa loo yaqaana:

Koonfurta Beelaha Degan Sida’ Reer aw sacid, Layiile, Sure, Gure,Gariire, dhamaan waxay ka soo jeedan dhankaa. Suldaanka Ali madax weeyne waxaa ku Abtirsada oo kale ”Xawadlaha iyo Qabiilka Jiida Cali ee Qoryooley dagan. Afarta sheekh ee Waqooyiga somaliya keenay Awbare,Sh. Yusuf Kawnin, iyo Aw Buube waxa lagu sheega in ay Harar ka soo tageen 1300 oo ay diinta ku Faafiyeen ilaa Gobalka Bale ilaa hada Abe Xuseenka Bale Reerka Guure oo Gurgure/Akisho la dhashay oo Gure Dhammole Degmada Nageyle agteeda daga ayaa sheegta ‘Sheikh Xuseen. Nasiib daro Tariikh badan ayaa la aasay Maanta. Barsuuga Dir, Madigaan, Magaadle (Ceerigaabo), Boqortoyadii Biyamaal oo uu Talyaaniga Baabiyay, Bajimaal, Suure Cadalle iyo Qubeys (Mudug), Jiido, Guure,Gariire,Gadsan,iyo dhamaan intayada waqooyi galbeed ( Isaaq,Ciise iyo Gadabuursi) isku Ab Baanu nahay. Dir Aji ! Madaxweyn Dir (1) Gurgure, Guure, Akisho, Jiido,Gariire, Layiile,Aw sacid i.w.m, Madoobe Dir (2) Ciise (wardiiq,howgati) Mahe Dir ( Biyamaal,Suure,Dabruube, Barsuuq,Magaadle, Quranyow-Gare iwm ) Mandaluug Dir ( Gadabuuris iyo Mandaluug Sure la daga) Qaldho Dir ( Noole iyo qar kale Afrata Qaaluu )

- Advertisement -

Xeer Beegtii Beesha direed ee 800 sano ka hor iyo Xeer hoosaadyadoodii:

Waxaa Moodaa Marka aad Maqasho Xeer Beegti Ama Guurti. Isla Markaaba inaad soo Xasuusanayso Qoomiyadda ‘Direed Dadka ku abtirsada somali waxa Xeer Udegsan Dhamaantood waa Xeerrarkii ay horay Noogu Dejiyeen Cuqaashii Direed ee Hore, Dadku waa xayawaan hadeysan xeer leheyn, waa Sifada kala saarta Habar-dugaga iyo Insaanka. Xeerbeegtida Garta waxey u kala saaraan: Curad – Gar horey loo xaliyay oo Akhyaartu Kasto, iyo Mid lama Arag ah oo Loogu Yeedho ”Ugub. Precedence or novel. Xeer Alleh oo Beesha Suruhu ay u yaqaanaan ‘Garta Illah’ oo Shareecodda ah Quran iyo Hadiith, Khabiirkuna loo yaqaan Fiqi ama xaakim diinta iyo shareecada kabiir ah. ”Gar Odey Ama Gar Xeer beegti waa kuwa xeerka Aji-ga yaqaan Xeer Somaliga -oo si Miisaa’man u Gar Naqa- Beeg waa Miisan ama Walxaha laqu Qiyaso oo Cabirta Garta. Weelasha lagu missaamo hadhuudka waatan aynu Nidhaahno waxa Baa lagu Beegaa Heer kul-Beege ( Therometer ) Garta Beega ama Misaama Garsoore- kadibna Garta sidey tahay u kala soora- siismo sida cuntata. Xaq-Soore ama mid Garta soora:

Garaad: waa kalmad ay Beelahan hada Jooga Qaarkood Sida daroodka ay U isticmaalaan Darajada Ugaas-ka Mid lamidda. Dad Badan ayaadan ka dhaadhicin karayn Macanaha Dirkii hore uu magacaan u lahaa. Gar-aad wuxuu ahaa Beelo markey is qabtan ninka Garta u aadi jiray kalana saari jiray Beeshisa iyo ta kale. Shaqo culus oo laga kala cararo ayay aheyd waayo Gar-aadaha Direed in uu Garta si sax ah u Sooro oo hadii laga leyahay iyo hadii kaleba Runt ka hadla. Waatii Dirkii hore oran jireen ( Gar-waaqso’ kas Garta Alleh Garta Alleh iyo Garta Odey ama Sida Madoobe Dir Yidhaahdaan ‘Xeer Alleh iyo Xeer Oday. Waa kala saarida shareecad Ilaahey ee Quranka iyo Sunaha aan ka dhaxalnay Abkii hore, waa xeerka Ajiye, Barax- waa marka leysku milo ama dhafo Garta Alleh ( Shareecada iyo Quraanka) iyo Xeerkii hore Garta Odeyga. Suulux ( Sulxin) ayay Fiqiyadu ama imaamada isku dari jireen oo ah in Xeerka Odayaasha iyo xeerka Alleh la is waafajiyo, oo xeer Somaliga la hoos keeno Islamka, lagana jaro wixii Islaama reebo intii la Barxin lahaa. Baraxa waa marka xeerka odeyga oo lid ku ah xeerka Alle la is dhinac eryo labadoo iska hor imanaya. Fiqiyada Beesh Sure ee Gobolka Muduug 1700 kii waxaa ay istacmali jireen Suluxin ama sulux oo ah qalooci xeer odeyga ilaa ka Alleh uu aqbalo, hadii aysan ka hor imanayn Udaa oo hir Gali:

1700-1800 intii u dhexeysay Fiqiyada Beesha Surre ee konfurta ayaa waxay ku caayi jireen Dhaqanka Somalida Barax (Badhax) mid Qasan oo ka kooban Shareeco iyo Cadadii hore, Iskuna dayi Jireen in ay Nadiifiyaan, sida hada ay Maxakiimta iyo Wadaadada cusub ee Somalia, Xeerka Aji Dir Qarnigii 800 Xeerka guud ee Dir ee somali oo dhan qadatay ee Xeer Aji la Yirahdo ayaa Sameysmay. Beelaha Weey Badaleen ama Gobol walba Naqtiin iyo dib u Habeyn ayuu ku sameeyay Xeerka Aji.
”Xeer Bimaal 1400
”Xeerka Isaaq 1300

”Ciise iyo ”Gadabuurisi oo isu xeer dhaw waxa ay dib u habeyntii ugu dambeyay Sameeyeen 1500 Dhicidii Awdal / Ifat State ama Boqortoyadii Gurey markii ay dhacday. Xeer Ciisaha 1560 kii waxaa lagu sameyay Aiysha oo 360 odey ay u fadhiyeen 12 bilood. Lasoco Qaybaha Xigga,,,,,,

Waxaa Diyaarshay: Faisal A Abdi ( Abroone )

- Advertisement -