Reer Saylac iyo Saylicidii Hore.
Hordhac—
Ayrotv.com- Faisal A .Abdi oo ku magac dheer suxufi Abroone ayaa ah nimanka aan had iyo jeer aad ula dhaco qormooyinkoodu aanay i dhaafin, waliba suxufi abroone oo isagu ah ka kaliya ee isagu had iyo jeer xooga saara inuu soo bandhigo taariikhda sooyalka ah ee dadka ka soo jeeda gobolada Awdal, Salal,gabiley, Harawo iyo Jigjiga. Suxufi Abroone oo run ahaantii qaabka qoraalkiisa yahay mid gooni u ah dadka ku hadla afka soomaaliga ayaa jeclaystay inaan silsiladaha qormooyinkiisa ku soo bandhigo boggani.
Bulshada soomaaliyeed oo in tooda badan ay ahayeen xoolo dhaqato nolosha wada wadaagta. Dadka reer seylac aad ayay uga duwanaayeen waxayna toodu ku salaysnayd Ilbaxnimadii Iyo sooyaalkii Boqortooyadii Adal ( AWDAL ) ee taariiqda dheereyd, waxayna ka koobnaayeen jinsiyado kala duwan oo ka kala yimid wadamadda Carabta, Soomaali, Cafar, Turki, Hindi iyo Muslimiinta ku nool dhulka xabashida. dhamaantoodna waxaa la’isku wada odhan jiray Reer Seylac. waxa ugu weyn ee isku xidhi jirayna waxay ahayd Diinta Islaamka oo dhaqankoodu ku Salaysnaa iyo caadooyinkoodaba. waxay ahaayeen dad ka xoroobay aafada Qabiilka iyo waxa la xadhiidha waxaa kale oo ku noolaa Yahuud samayn jirtay Dahabka oo lagu Qadarin jiray Caadooyinkooda iyo waxay aamin-sanyihiin. Reer Seylac waxay ganacsi badeed la lahaayeen Griiga,( Greece ) Shiinaha, ( China ) Roomaanka,( Romania ) iyo dadkii daganaa Koonfurta Hindiya( India ), Roomaanka wuxuu Soomaaliya u yaqaanay ( Gacankii Xawaashyada ). Seylac waxay isku xidhi jirtay Afrika Qaas ahaan Geeska Africa iyo aduunka intiisa kale taasoo badeecadaha lagu kal badalan jiray iyadoo Ay Maraakiibta iyoDoonayaha waaweyniba ukala gooshi jireen Bada Cas ( Red sea ) ilaa Badweynta Hindiya ( Indian Ocean ) waxaa u daliil ah beydka kamida ciyaaraha seyliciga oo ah:
Reer Suuriyo Reer Saaxil Yimaadee Hoo
Doonyihiin Bombey Ma Birbaa Ku Jaban Hoo
Ilbaxnimada Reer seylac oo ku Abtirsanaysay kuwa adduun-weynaha waqtigaas ka jiray waxayna ku saleysnayd Ilbaxnimadii Diinta islaamku ay la timid taa soo ahayd Is-qadarin, Dhaqan wanaag aan waxba la kala lahayn, Alle aamin, Ganacsi baaxad weyn, Is-taakuleyn, iyo Is-kutudhis ka liita aad la’iskaga xilsaaro. waxaa hubaal ahayd inaan guryaha cuno laga cuni jirin ilaa la soo ogaado kuwa dariska. sida laga soo wariyay dadkii reer seylac sida Khadiija Bile Hande ( Qarad Bile AU ) iyo Xaliima Bile Hande ( Cuto Bile AU ) oo ah qoraaga Buuga( Muliyooy Saa See ) Md Mohamed Hussein Hadi Habaryarihii in maalmaha ciidaha tujaarta magaalada sidda-( Xaaji Abdi Khayre AU ) oo kale uu dharka uu ubadkiisa u keeno misna wiilasha iyo gabdhaha danyarta ahna siin jiray. cuntadana aan la cuni jirin ilaa la soo eego deriska ama jaarka waxay haystaan taasoo ah mid ay diinteena wanaagsan ina farayso:
A- Cuntooyinka Reer Seylac ay caanka ku ahaayeen ee ilaa hadda lagu amaano waxaa ka mida:
1- Bariiska loo Yaqaan Surbiyaan
2- Cambaabur
3- Saanbuze, Sabaayad
4- Macmacaanka sida Cadriyadda, Saxni Seynabka, Qadaa’ifka, Qureebaadka, Xalwadaha oo noocya badan leh iwm:
B- Ilbaxnimada Reer Awdal waxay ahayd mid xumaan oo dhan ka hufan kana feyow oo ku dayasho mudan”
C- Is-dhexgalka iyo wada noolaanshada jinsiyadaha kala duwan”
D- Xidhiidhka ganacsi oo ay la lahaayeen aduunweynaha ilaa Shiinaha”
E- Ciyaarihii seyliciga oo ilaa maanta ugu sita ciyaara dhaqameedyada”
Taariiqda arrintaas ku saabsan waxaa dhacay cayaaro dhaqameedyo dhan ilaa 65 cayaarood ayaa lagu qabtay magaala-madaxda ummada soomaaliyeed ee Muuqdisho 1965kii. mar Lacag loo aruurinayay dad ku waxyeeloobay ( Abaarihii Dabadheer ) ee kadhacay Gobolada Bari. waxaana tartankaa oo si heer sare ah loo soo agaasimay iyadoo ciyaar walba laga War-bixinayay gobolka laga ciyaaro, habka iyo hanaanka loo ciyaaro. Natiijadii Tartankaas qiimaha badnaa oo aan mid la mida wali la qaban ilaa maanta waxaa loogu kala guuleystay Marakii waqti dheer la fiirsanayay ciyaarahaas sidatan:
1= Kaalinta 1aad Cayaaraha Seyliciga ( Gobolka Awdal )
2= Kaalinta 2aad Cayaarta Bulo ( Gobolka Hiiraan )
3= Kaalinta 3aad Cayaarta Beereey ( Gobolka Benaadir )
4= Kaalinta 4aad Cayaarta Wilwile ( Gobolka Awdal )
5= Kaalinta 5aad Cayaarta Saddexleey ( Gobolka Awdal )
Hadaba sidee looo ciyaaraa cayaarta seyliciga cayaaraha oo ukala baxa qaar raga ugaar ah, kuwa dumarka ugaar ah, iyo mid ay isugu yimaadaan waxayna kala yihiin”
1: Ciyaaraha ugaadhka ah ragga sida Haybaraa ama Herimaadube Herimoo iyo qaar kale oo lamida’
2: Ciyaaraha ugaadhka ah dumarka sida Kamadara bi Sheeqee Kutubowee ildari waa biyo ee iyo kuwa loo yaqaano heelo yar-yarta
3: Ciyaaraha ragga iyo dumarka kawada dhexeeya intaan ciyaarta la’isku imanayo oo aanay bilaaban ragga ayaa iyagoo dhulka fadhiya oo ku heesaya ” Hiddiihii ya Hoobaalow ”
Ayaa mar kaliya waxaa lagu gooynayaa ” Hiddiyo Hiddiyo a Helee ”
Asalka iyo ujeedooyinka cayaarahas oo mid weliba ay ujeedo gaara ka tarjumeyso. waxaana fahmi kara oo kaliya dadkii cayaarya seyliciyada ehelka u ahaa. hadii aad u fiirsato Abyaadda waxa aad ka dhadhansan katraa afaf kala duwan oo isugu jira soomaali, cafar, carabi iwm.
Tusaale: Yaacaaqilal Cuqaal Xuseen Shaambali Yaxkum Calaa Shubaan
Waa bayd qaab sarbeeb u socdoa. waxayna reer seylac u isticmaali jireen marka cayaarta laga dhabqiyo oo ay soo galaan dad aan cayaarta asalkeeda garanayn. dhamaan cayaaraha Soo socda oo midkiiba saddex jeer la cayaarayo ayadoo lagu soo xirayo ” Yackooyaa ” waxay ukala horeeyaan sidan”
1: Bismilaah- Salalaah Calaaye Hooyaahee ( Seddex jeer )
2: Kayimbaadhow- kayimxaal calaaye hooyaahee
3: Kushumxaal – kushumxaal calaaye hooyaahee
4 :Batarka :
* Caruuse Carruuse, Anigoo labaa. caruuse haye anigoo labaa ( seddex jeer )
* Shalila Shalila , Yaa weliiyulaah sheekhabow surbaynow awyoo hoo
* Saaxibal Middalla, Sayid cabdallaa tawakal calalaa
* Sacadii Najeynaa, Alla yaa rabbow tafaraj calaynaa
* Siraay Nuribaayaay, Kuni askaraa anshuuf ma baayaay
* Ya Diraar Jabuuti, Dirar jabuuti muliyow sibaabaa
* Ya Diraar Xamaama, Dirar xamaama san shuuf carfahaa
* Ya Caaqilaal Cuqaal, Xuseen shaambali yaxkum calaa shuban
* Ya Suldaan Shaambalee, Abuu siraad welii siraad macaayidii
* Fooqal Qaacadaa, Markab hinde nataq fil baxar ehee wana daakii
* Farxawaasinaa, Jaddel muxamed saakin mediina ehee haashimii
* Xariir Waa Kutaa, Maskid jaaniboo cambar waa cudee ehee wana libaasii
* Xoriyad Helnoo, Xaasadkii baxoo xariir huwado ee xaragooda ( Beydkaan waxaa alifay Cabdulahi Maydhane ‘Fajac’ AU 1962kii maruu madexweyne Aadan Cabdule Cismaan AU Booqasho ku yimid Magaalada Boorama Tawn: Lasoco qaybaha xiga ,,,,
Isha : Tixraaca : Muliyooy Saa See ( Mohamed Hussein Hadi )
W : Q Faisal A Abdi ( Abroone )
U K
See less