” Isbedelka dhaqan iyo dhaqaale ee ku dhacay Bulshada Arliya>>
Ayrotv-Baki-Ummaadda Soomaaliyeed oo ah midda ugu xadaarad dheer Geeska Afrika, islamarkaasna lahayd imaarado lahaa xadaarad dheer sida imaaradihii Saylac (Awdal) Iyo Harar (oo ahayd xadaaraddii Islaamku ka faani jirey) ayaa gumaystayaashii reer Yurub bilaabeen in ay kala dhantaalaan quwaddaas xoogga lahayd ee ka jirtey Geeska Afrika. Markii ay gumaystayaashii reer Yurub soo gaareen geeska Afrika (si Afrika loo qaybiyo 1884) ayay Soomaaliya u kala qaybsadeen saddex (Talyaani, Ingiriis iyo Faransiis).
Waxaanu aqristayaashayada la jeclaanay inaanu usoo bandhigno taariiqda guunka ah ee ay ku dhaataan umada soomaaliyeed ee uu alla ( sw ) ku beeray mandaqada geeska afrika Siyaasada, ganacsiga, horumarka, xadaarada, iyo hadimooyinkii taxanaha haa ee uu goorwaliba uu la damacsanaa gumaysiga soo duulay iyo kani aanu jaarka nahayba, waxay noqon Doonaan qormooyin jiitama haduu alle idmo. inagoo usoo kala horaynaa sadex qaybood oo kala ah sida tan.
RAGII KA GANACSAN JIDHAY MAGAALOOYINKA SAYLAC IYO HERAR ”
Taariikhdu waxay ka mid tahay waxyaabaha isku xira dadka, oo midnimadooda adkeeya, oo in ay isku dad yihiin tilmaama, oo Muujinaya xididka dheer oo ay ku Taagan yihiin ee u adkaynaya. Laakiin haddii xididkaas la waayo dadku waa kala firdhanayaa Sida Soomaalida hadda ku dhacday.Soomaalidu waxay leedahay Taariikh hodan ah oo aad u qiimo badan oo loo baahan yahay in Qofka Soomaaliga ahi wax badan ka ogaado, jiilasha dambena aannu u gudbino si ay uga Tallaabsadaan godadka Taariikheed ee Hor yaalla. hadaba qarniyadii 19-aad dhamaadkiisii iyo kii 20-aad bilowgiisii ayaa waxaa jiray rag ganacsato Caan ahaa oo u kala Gooshi jidhay deegaanada hoosyimaada magaalooyinka saylac iyo herar,kuwaa soo ahaa rag tujaar ah oo Ganacsigooda meelwalba alaabta ka soo Dajin jidhay. sida qaalibka ah waxaa ay ganacsigooda u isticmaali jidheen waa saylac Iyo harare gaadiidka loo yaqaano Gur-gurshaha ama Awrta kolkaa Bishiiba waxay ukala safri jidheen 4 Goor.hadaanu is yara Dul taagno qayb ka mida magacda ganacsatadaasi waxay kala ahaayeen sidatan 1- Xaaji Diide, 2- Xaaji Kuul, 3-Xaaji Kaamil, 4-Xaaji Boodhle, 5-Xaaji Ibraahim, 6-Xaaji Rooble, 7-Xaaji KHayre, 8-Xaaji Cabdi, 9-Max-ed Cali Bolol, 10- Diini,:
Dhamaan ragaasi waxay ahaayeen ganacsato u dhalatay qabaa’ilka gadabuursiga’ waxaa haboon inaanu xusno inuu xaaji diide Ahaa ninkii dhisay magaalada Djibouti ee ka sameeyay guryo waaweeyn oo ganacsi, dukaano badan iyo masaajid weyn Ahaana duqa magaalada djibouti, waxaa kale oo jiraysay inay xaaji Dide dowladii ingiriiska markii ay soo gashay magaalada Saylac ay ka ijaaratay guryihiisii oo markii uu ingiriisku mudo ku jiray waxaa dhacday in ninkii ingiriiska Ahaa ee xukumayay Saylac uu ku kacay arin fool xun taasoo ahayd inuu karbaashay inan uu xaaji diide adeer u ahaa taasi oo uu ka carooday Xaajiga. intaa Kadib waxaa uu xoghayntii xaaji diide uu warqad ogaysiin ah u qoray dowladii ingiriiska isagoo u sheegayo inuu Mudo bil ah ay kaga baxaan guryahayga, Xukuumadii nigiriiska si dagdag ah ayay uga jawaabeen ficilkaasi iyagoo markiiba la Soo dagay dooni ay saaran yihiin 40 wastaad iyo agabkii lagu dhisayay Guryaha markaa waxay dhiseen aqalka dhowrka dabaq Ah ee ku yaala saylac ilaa hada oo ahaa guriga ninka u sareeya dowladii ingiriiska saylac jooga uu Galayay, aqaladii Shaqaalaha, booliiska iyo guryo kale oo ah kuwii cashuurta lagu qaadi jidhay iyo xafiiska D.C.ga:
Ref: Qoraalada Abroone & Buuga Ilbaxnimadii Awdal & ooyalka Soomaaliyeed