Home Arimaha Bulshada SIDII UU KU SOO GALAY FARANSIISKU DHULKA SOOMAALIYEED ”

SIDII UU KU SOO GALAY FARANSIISKU DHULKA SOOMAALIYEED ”

12
0
- Advertisement -

SIDII UU KU SOO GALAY FARANSIISKU DHULKA SOOMAALIYEED ”

- Advertisement -

Ayrotv-Carta- Horey waxaanu u soo sheegnay in meesha layiraahdo ubukh.in uu faransiisku ka iibsaday ninkii la’odhan jiray Abuubakar Ibraahim Baashe ninkaasi oo markii Dambe noqday ” WAALI SAYLAC” taariiqda uu faransiiska ubuq iibsaday waxay ahayd 1884kii waqtigaasi oo ay heshiis kala saxiixdeen Ugaas Cilmi iyo Cuqaashii Gadabuursa, isla xiligaasi waxaa kaloo magaalada saylac yimid 3 nin oo faransiis ah uuna ka mid ahaa nin reer boqor ahaa kolkaa waxay madaxdii Gadabuursiga ku yidhaahdeen waxaanu doonaynaa inaanu mucaahado kala qorono waxayna odayadii gadabuursi ugu jawaabeen ingiriiska ayaanu horay Heshiis ukala qoranay. sidaa darteed ma suuroobayso inaad idinkuna aad meesha soo gashaan intaa ka gadaal waftigii faransiisku waxay kiraysteen Awr iyagoo u amba baxay dhinaca magaalada Harar’ kolkii ay meel dhexe oo cidla ah marayaan habaynkiina uu dumay ayaa waxaa helay niman shufta ah Halkaasna dhegta ay dhiiga u dareen arintaas oo dowlada faransiiska si aad ah ay uga xumaatay waxayna la noqotay in ninka ingiriiska ah ee saylac joog uu Shirqool u maleegay:

Waxaa kale oo jiray nin faransiis ah oo magaciisa la oran jiray ” RAAMBO” kaa soo ahaa ninkii loogu magac daray mid ka mida labada suuq ee lakala yidhaahdo ” BILAAS-RAAMBOO IYO BILAAS MINILIK” kaa soo magac sharafeed looga dhigay kolkii la dhisay magaalada djibouti sababtoo ahayd doorka siyaasadeed ee uu Ka ciyaaray dhulkaa wuxuuna haa nin ganacsade ah oo dahabka ka soo iibsada ethiopia. halkaas oo ay ku saaxiibeen boqorkii xabashida ee la’odhan jiray Minilik’ waxaa kale oo uu ahaa Raamboo ruuxa hubka siin jiray Minilik taasaana u sabab ahayd in minilik uu qabsado dhamaan dhulkii xabashida oo markuu hub iyo saanadba u baahdo waxaa uu raamboo usoo dhigayay gacanka Tojora kadib wuxuu noqday saaxiibkiisii waynaa. docda kalana waxaa uu si wanaagsan ula Shaqaynayay dowladii faransiiska, hadaba waxaa dhacday in Raambo iyo Wasiirkii mustacmarka ay is ku qilaafeen arinta Ubukh waayo wasiirku waxaa uu Ra’yigiisu ahaa in faransiisku uu ubukh ka guuro oo ayna faa’iido ah u lahayn mar hadii uu ingiriisku dakad weyn ka sameeyay Cadan :

Halka Raamboo uu isna soo jeediyay in ubukh ay tahay meel wacan mustaqbalkana ay faa’iido ka helayaan intaa ka dib Raamboo waxaa uu ogaaday in Dowladii Masaarida ay Harar ka baxday ninkii ingiriiska ahaa ee la’odhanayay Mujiir-Hunter-na uu tagay kuna noqday India,inuu wee hadaba wuxuu talo u soo Jeediyay Minilik isagoo ku boorinaya inuu duulaan ku qaado magaalada harar oo uu qabsado isagoo u sii raacshay wixii hub iyo saanad loo baahdana anaa si Dagdag ah ukeenaya arintaasi tuugii weynaa ee minilik wuxuu u arkay fursad qaali aha wuxuuna harar ku soo weeraray ciidan xoogan oo uu wato dhiigyacabkii ” MOKINON” oo la yidhaado waa ninkii dhalay Xaile salaise. waxaa kale oo lagu sheegaa inuu ahaa abaanduulihii dagaalkii lagu jabiyay talyaaniga ee ADWA’

Waxaa dhacday in amiirkii haystay magaalada harar oo la’odhanayay Cabdala C/shakuur uu ogaaday in duulimaad ku soo maqan yahay ayuu isna wuxuu Diyaariyay ciidan xoogan oo soomaali ubadnaa halkaa waxaa ka dhacay dagaal adag oo lamagac baxay ” JALAQO”

Intaa ka gadaal waxaa dhacday in labada dhanba khasaare culus iyo dhib badani kala gaadhay dagaalkaasi oo mudo dheer socday oo markaa la’ismari waayay Xaasidka iyo fulaha meel waliba waa uu joogaaye ayaa nin khaa’in ahaa kana mid ahaa caa’iladii reer boqorkii hore wuxuu u tagay xabashidii isagoo u Tilmaamay halka ugu fudud ee laga gali karayo magaalada harar waxaa uu ka soo wareejiyay dhanka buuralayda albaabkii bariga ayayna ka soo galeen goor Subax ah waxaana dhacday in dadkii ay si fool xun u laayeen boqorkiina ay gacanta ku dhigeen. waxaana la sheegay in 9 Amiir oo caa’ilada reer boqor ah ay Dileen dad aad ufara badan oo soomaali ahna laayeen sidaasi ayuu Minilik ku qabsaday magaaladii harar masjid jaamicii ugu weynaa wuu dumiyay wuxuuna ka Dhisay kaniisad taasi oo ilaa maanta ka dhisan herar.wixii kutub quraan ahaa iyo af-carabi ku qornaana wuu gubay meelihii diinta lagu baranayay oodhana wuu Baabi’iyay ragii culumada ahaa ee yaqaanay diintana wuxuu kadhigay wuxuu dilo iyo miduu xabiso waxaa kale oo uu keenay masiixiyiin faafiya diintooda:

fadlan la soco qaybaha xiga

W: D: Suxufi AbrooneRef Ilbaxnimadii Adal & Sheikh Abdirahman Sh/ Nuur

- Advertisement -