Dhacdooyinkii geeska iyo sida loo wiiqay awoodii bulshada Arliya>>
Ayrotv-Boon-Tawraddii Barakaysnayd ee Saldanadii Adal ee Hormuudk u ahayd Amiiradihii Faraha Badnaa ee ka jirayay geeska afrika. Mayalkana ay u hayeen Ummad Si Wacan ujarabaxsan. ayaa maantana waxaa caddaaladii loogu dhiibay ‘Awr Cun iyo Reeryo Cun’ Musuq-Maasuqa iyo jawrfalka ka imanaya kuwii xaqsoorka iyo xeer ilaalinta lagu aaminay ayuu ka dagaalamayaa Qoraalkeena. waxaanu is barbar dhigi doonaa Haykalkii Siyaasadeed ee ay Qoomiyadda ( Gadabuursi ) ku lahayd Dhulka Maanta Loo yaqaan Djibouti oo ay ‘Xadaafiirtu ku habsatay iyadoo si badheedh ah loogu sheegay Dadkayga inay la mid yihiin ‘Xabawar, iyo xaaladda maanta ka taagan ‘Awdal-land’ iyada oo si Qasab iyo Juujuub ku jiro lagu hoos geynayo waxa loogu yeedho Maamulka Somaliland ee Hargaysa. halkaas oo aad ku arkayso goorwaliba xaalad abuur iyo Xoon-Beerasho ( Ciidamo Badsi ) hadaba aynu ku horeyno xagaa iyo xeebta soomaaliyeed ee Djibouti”
”Xeebta Soomaaliyeed ee Faransiisku Gumeysto”
1946kii waxaa la’sameeyay xeer cusub xeerkaas oo dhigaya in dadka la’siiyo waraaqaha cidii doonayssa.habka waraaqo bixiska waxaa u fadhiisanayay odayaasha magaaladda waxaanna ka mid ahaa ” Maxamuud Xaaji Diide oo caaqilka caaqilliinta ahaa, Geedi Gaab iyo Aadan Buraale” dadka waraaqaha qaadanayay waxaa laga doonayay labo marqaati oo cadeynayo inuu qofku dalka u dhashay. kolkaa dadkii si fiican ayay waraaqihii u qaateen. intaa ka dib ciidamadii djibouti ee france la’geeyay way soo guryo noqdeen wixii dhalinyaro ah direeskii ( dhar ciidan ) baa loo daayay intii dhaawac ahaydna dhaqtarkaa ayaa la geeyay wixii soo hadhayna waa la xaadhay. mashxarad iyo guur farabadan ayaa magaaladii ka dhacday,
dadkii aan soo noqon ee ku geeryooday dagaaladii dadkoodii waxaa loo qoray dumar iyo caruurba ( bilsan) ama lacag xaqoodii ah oo laga’ga warhaynayo reerahoodiika hadhay 1946kii aakhirkiisii. waxaa la magacaabay aqal sidii baarla’amaanka ah ( parliament ) oo uu madax u yahay nin faransiis ah lana odhan jiray ‘Saalshon’. isla 1946-kii waxaa kale oo la dhigay xeer banaynaya in ay xubno ku yeeshaan sida afrikada kalaba ugu leedahay, Dalka maalinba maalinta ka dambaysa siyaasadu waay sii kordhaysay waxaana dalka ka jiray xildhibaano afartan kayar. wuxuu Gaalku ciyaarayay ilaa iyo maalintii Goolisku ( france ) qabsaday siyaasada ah in afrika nimanka laga soo doorto ay dhinaciisa noqdaan ama ka tirsanaadaan taasi oon dadku aad u fahansanayn. Xildhibaankii ugu horeeyay waxaa uu ahaa nin faransiis ah oo dalka shaqaale ka ahaan jiray shirkadii la’odhan jiray ‘John Martin”
Intaa kadib waxaa la’doortay Mudane ‘Jaamac Saylici’ inuu ka noqdo xubin ka tirsan aqalka fraans ( farance ) ee Sanat-ka ka horowna ahaa nin Badmareena oo wakhtigaas Bada joogay kolkii uu shaqada ka fadhiistayna waxaa uu noqday Ganacsade Magaalada Djibouti, ‘Saciid Cali Kubeesh’ oo reer maalqabeen ah ka dhashay ayaa isna waxaa loo doortay Aqalka Guurtidda Isbahaysigga ee Faransiiska iyo nin cad oo la’odhan jiray Meetar Kotiyi ( Maitre Cothier ) oo Qareen ahaa. 1947-kii Aakhirkiisii Dalka waxaa soo gashay siyaasad cusub oo la’aodhan jiray waa in uu Xukunka ama Siyaasada faransiiska la’wareego nin Xaq uleh.taas oo loo arkay inuu yahay Xisbiga Gooliska ( Gaullistes ) ee france oo ku dacwiyaya anaa Xoreeyay Dalka. kolkaa waxaa uu bilaabay Gaalkii inuu yidhaahdo Jaamac Saylici iyo Siciid Cali Kubeesh inuu yidhaado Xusbiga Soo gala wayna diideen, md jaamac cali wuxuu la xusbi ahaa nin la’odhan jiray Gaastoon Minerfil ( Gaston Monnerville ) ninkaa oo ahaa Hogaamiyaha Aqalka Guurtida Senat-ka. Saciid Cali Kubeeshna xusbi kale ayuu ku jiray. halkaa waxaa ka dhashay Djibouti in Dadka la’iska horkeeno. 1948-kii Xarakaadka iska horkeenka in la’taabto ayuu gaadhay Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa Jariirad ka soo baxda dalka France ayaa md Saciid Cali Kubeesh wuxuu ku soo Qoray Errayadaan, ( Dalka Ha’laga Badalo Dalkii Soomaalida ee Fransiis-kaka oo Ha’loo Badalo Dalkii Djibouti ee Fransiis-ka ) :
La soco qaybta xigta……
Ayrotv.com
Waxaa Diyaarshay: Faisal A Abdi ( Abroone )
Reff: Ilbaxnimadii Adal & Sooyaalka Soomaaliyeed.