Home Arimaha Bulshada ”Maxaa Sal u Ah Ismaandhaafka Bulshada Ku Dhaqan Goboladda Waqooyi 16-07-2013 ????

”Maxaa Sal u Ah Ismaandhaafka Bulshada Ku Dhaqan Goboladda Waqooyi 16-07-2013 ????

15
0
- Advertisement -

Aw Coofle-Ayrotv.com-Maxaa Keena Ismaandhaafka Ku Salaysan Kala Duwanaanshaha Afkaarta Sideese la iskugu soo Dhaweeyn karaa qalbiyada, aqliga Caafimaadka Qaba Misna Ka Fayoow Cadiifadda iyo Xumahha Hoojiyay Dhamaan Inta Ku Abtirsata Ilma Samaale.

Waxaa iyana muhin ah, loona Baahan yahay in lagu Talaabsado Arrin Horusocod ah, Lagana Tanaasulo ama la iska ilaawo ku Dhaganaanta ahdaafta sumaysan ee Qabiilka & Qabyaalada, kuwaasi oo Aafo iyo Ibtilo Ku Haya Guud ahaan waddankeena hooyo ee Soomaliya.

- Advertisement -

Hadaba Hadaanu Yara Milicsano Sooyaalka Taariikheed ee Bulshooyinka ku Dhaqan Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya Sida Deegaanadda Awdal State, Khaatumo State, iyo Ismaamulka Somaliland Waxaa Halkaa inooga Muuqanaysa in Faraq Weyn Udhaxeeya Xaga Xadaarrada, Hanaqaadka Siyaasadeed, Hormuudka Bulsho Udiyaara Ka Mira Dhalinta Aayahooda, Kala Duwanaanshaha Maan Laga’soo Dhalaaliyay Maskax Guuna’ iyo Ku Dhaadashada Cadiifadeed ilaa Maalinta Qiyaame.

Waxaad Arkaysaa In Ka Dib Burburkii Dowladii Dhexe ee Soomaaliya Ay Shaaca Qaadeen Arrimo La Xadhiidha Nacaybsho Isireed iyo Kala Fogaansho Bulsho Kuwaasi oo Ay Daaha Dabadiisa Ka Hagayaan Shaqsiyaad Ku Fashilmay Jiritaankooda Qof Ahaaneed Waxayna Doorbideen Inay Dabada Galiyaan Waxa Loogu Yeeray Siyaasadda Beelaysan ama Hanaanka ( Tolo’ayeey Stayl ) Waxaa Ayaan Dara Ah in Jiilba Jiil Usii Gudbiyo Utun iyo Colaado Lagu Riiqmay,

Su’aalaha Isweydiinta Mudan Waxaa ay Yihiin Kuwan Soo Socda-

1) Madaxda Udhalatay Deegaanada Awdal State iyo Khaatumo State Maxaa ku Koobay Magaca Faqash Tiiyoo Laga Wada Tirsanaa Dowladii Kacaanka ?

2) Kalmada Faqash Ma Waxaa Loo Yaqaanaa Qabiillo Gaadh ah Mise Waxaa Loogu Yeedhaa Cidii Ka Tirsanayd Dowladii Siyaad Bare ?

3) Mas’uuliyiinta Beesha Isaaq oo ahaa Kuwii Ugu Miisaanka Cuslaa Dowladii Kacaanka Maxaa Iyaga Faqashta Looga Saaray ?

4) Diyaarada Dagaal ee Laga Soo Raa’racshay Bartamaha Magaalada Hargaysa Miyayna ka Tarjumayn Gocosho iyo Calool Olol aan Dhamaanayn ?

Intaa Ka Dib Hadaanu u Gudo Galno Bud’dhiga Qormadeena Maanta Bal Aanu Soo Kala Horno Amuurraha Siday ukala Horeeyaan Waxaan Ku Bilaabaynaa Shacabka Awdal State-

Hadii Aanu ku Horeyno Xaga Dalka iyo Dadka Qoomiyadda ku Abtirsata Awdal State Waa Ummad Guuna Kana Soo Dhexmiirantay Dhiigbax iyo Xinjiro Ka Soo Qulqulay Waadi Ku Aroora Halbowlaha Xadaaradii Ifaad iyo Adal ( Adulis ) Waxaa ay Bud’dhig u Ahaayeen Duulaanadii Barakaysnaa ee Socday Mudo Ku Af-meeran Lix Boqol oo Sano ( 600. Sano ) Habayn iyo Dharaar Dadkaasi Waxaa Laga Maqlayay Qac iyo Weerar’ Xawaaraha iyo Gurdanka Fardaha Lagu Shaaximay Aaladaha Casriga ah Waxay Ka Mid ahaayeen Astaamahii Lagu Yaqiin Geesiyadii Loo Baxshay ( Gulufyo Warreen )- Kaymo iyo Sool Jiq ah, Jiif iyo Ceegaag Badan, Xeeb iyo Guban Hanfi Miidhan, Togog iyo Boholo, Qarrar iyo Buuro Aad u Dhaadheer, Dhul-Daaqsimeed Omos iyo Haraad Loogu Waashay, Qanimooyin isugu Jira Hanti Sida Dahab, Jowhar iyo Dad Noolba Waxaa ay Ka Buuxeen Moorrooyinkooda.

Waxaa Hormuud ua’haa Xeerbeegti Alle ka Cabsi Badan Garta iyo Geedkana aan Looga Daba Hadal Waxaa Ay Goorwaliba ku Da’daali Jidheen Siday Isu Waafa Jin Lahaayeen Xeerka Islamka iyo Kii ay Ka Dhaxleen Awoowayaashood Sida Xeerkii Gadabuursiga ( Xeer Gadabuursi ), Xeerkii Madaluug ( Xeer Madaluug ) ,Xeerkii Dir ( Xeerkii Dirka ) iyo Xeerka Ugu Weyn ee ay Maanta Dhamaan Ummadda Soomaalieed Haystaan oo ah Xeerkii Ajiga ( Xeer Aji ) Sida Ku Cad Qoraaladda Caan Baxay ee aad Ka Heli Karayso Meel’waliba oo uu Ku Yaalo Taariikh Keydiye ( Library ) Waxaa kuu Soo Baxaysa Kolka Aad Damacado Inaad Wax ka Ogato Sooyaalka Ummadeed ee Qoomiyadda Af-Soomaaliga ku Hadasha Magaca Reer Awdal ama Peopale of Adal, Waxaanu Qaybtaan ku Soo Qaadan Doonaa Magac Martabeed Kaa Soo Tilmaamaya Da’da iyo Halka uu Ruuxwaliba Bulshadiisa kaga Jiray Waa Nidaamkii Looyaqaanay Nidaamka Gada ( Gada System ) Hanaanka Gada’ Waa Mid Ay Nala Wadaagan Qabaa’ilo Fara Badan oo Aanu oodwadaag iyo Walaalaba Nahay Waana Sidan:

” Gada System- Nidaamka Gaada ”

Wiilka Maqasha Jira Waa ” Gole Joog ” Waana Siddeeda Sane ee Ugu Horeysa,

Wixii Siddeedaa Sano Kawayn Waxaa uu Noqonayaa ”Gaban ” 16 Years,

Intaa Kolka uu Dhaafo Waa ” Gaashaan-Qaad ” Dagaalka iyo Xeeshiisa Ayaa Labarayaa 24 Years,

Hadana Waxaa uu Noqonayaa ” Guur-Qaad ” oo Waxaa uu Noqonayaa Qoys 32 Years,

Waxaa uu Misna Ugudbayaa ” Geed-Joog ” Xeerka iyo Garta Ayaa uu Qaybayaa,

Barashada Garta iyo Awaamiirteeda Kolkuu Soo Bogo Waa ” Gar-Qaad ”

Xaalku Markaan Waxaa uu Isu Badalayaa ‘‘ Garaad ” Waana Meelaha Ugu Muga Culus,

Hadana Waxaa uu Noqonayaa ” Guun ” oo Waxaa Laga Wareystaa Wixii Dhacay Barkhad iyo Balaayo,

Intaa Ka Dib Waxaa uu Galayaa ” Gab ” oo Wuxuu Ahaaba Hadeed Waa uu Gaboobay Waxaa La’odhanayaa Aabahay Waa Gadaas Waa’ Da’diisa,

Gunaanad: Qaybtan Hore Waxaanu Ku Soo Gunaanadaynaa Taariikhdan Kooban ee Ummadda Reer Awdal State, Lasoco Qaybaha Xiga,,,

Habayntii: Suxufi Faisal A. A. Abroone

Allaa Mahada Leh

- Advertisement -