”Maqaal hore walise qoyan—
Ayrotv.com-Gabiley- Waayo’aragnimadu waa wax qaaliya, oo laga dhaxalay dhacdooyin tegay, waxay leedahay sooyaal xumaan iyo wanaag labaduba ku qayaxan yihiin, waana ta ku hagta aadimiga in aanay lugta la gelin looli hore loogu hoogay oo ay ka digtoonaa-daan, waxaad arki xabaalo wadareed ay ku jiraan dad aragtidooda iyo fakarkooga dartii loo xasuuqay’ Waxaana badana falkaan lagu yaqaan kaligootali-yaasha,,,
Dhammaan kelitalisyadu waxay rumaysan yihiin awoodda erayga qorani uu leeyahay, waxayna ku qanacsan yihiin in shacabka jaahilka ahi uu ka dhego-nugul yahay kan wax akhriya, sidaa darteedna kelitalisyadu dhammaan walxaha aadamigu hindisay waxay ugu neceb yihiin buugta oo ah xusuus waaraysa, waxayna ku taamaan in ay xukumi lahaayeen ummad aan akhris aqoon, waxayna faafiyaan farriin oranaysa: “Aabbeheen Aadan markuu jannada joogey ma aqoon akhriska”
Qoraa. Abdiasiis Abdi Ismail,,,
Hadaba Aabuhu Kaalin mug leh ayuu bulshada ku dhex lahaa’ Hooyaduna kamaysan laalaadin’ Caruurtu mid loox jiita, mid dugsi farkabarta. Bulshada mid kab yeela, mid karin tola, mid duudku murxo, mid qowlka maala, mid saanta hiiga, mid bacadka maala, mid bukaanka dhowra, mid dadka dhaya, Ciidamadda mid dadka haga, mid dadka asluubta bara, mid xogta raadsha, mid dacwadaha ooga, mid bulshada u adeega, mid qaranka ilaasha. Muruq maalka mid adhi jidh ah, mid lo jidh ah, mid geel jidh ah, mid biyaha maala, mid kaluunka jilaabta, mid ugaadha dabta,
Intaas oo Tabaalo & teelo la isku soohay ayay ummadu lahayd balse jabku waxaa uu dhacay kolkuu Ilayskii shiiqay ( qaranimadii )
Intaa ka dib waxaanu aaminsanahay In mushkiladdaha aafeeyay ummada Soomaaliyeed ay asal u yihiin salow qabiil & sedbursi Ba’an’ ugu dambayn waxaynu qormadeena gaaban manta ku soo qaadan doonaa Saddex Sabankan wid iyo wadeecaba loowaayay
Saddex Baa Sabankaan Taagan
1) Belaayo Maal
Danaystayaal: Waxaa jira Dad Badan oo iyagu Dhex Muquura Hawsha la Wado, Meeshana u jooga sidii ay u Fushan lahaayeen Dano Iyaga u Gaara, Danna aan ka lahayn in Hawshu Guulaysto iyo inay Dunto Toona. Kuwaasi waa khataraha ugu waaweyn ee soo food saara Mu’asasaatka marar badana ay adkaato in la garto ama la fahmo. Si kuwaa looga baadbaado waa in Daacadnimada qiimo weyn la siiyaa Laguna Qiimeeyo qofka hadba inta Daacadnimadiisu le’eg Tahay oo aan lagu Kadsoomin Or-oradka iyo Xiiqsanaanta badan ee ka Muuqata Danaystaha. Ilaah baa Og qofka Mukhliska ah iyo ka kale laakiin waxaa jira calaamaad badan oo ka soo daahira Dadka Daacada ah:
2) Dhiilo Maal
Shaqsi aan Munaasib ahayn: Marar badan waxaa dhacda in hawsha uu Hogaanka u Qabto Qofkii aan Munaasibka ahayn ama aan ku Haboonayn taasi oo keenta Guuldarooyin waaweyn. Waxaad suuraysataa qof aan Lahayn Hiirad ( Himilo ) Karti iyo Xigmad Hogaamineed Ruuxaasoo ku Nool Hafadhyo iyo Bahdilaad Kaga Timaada Mushtamaca uu La’noolyahay inta badana waxaa uu ku mashquulsan yahay siday Dhiilo colaadeed u dhex mari lahayd Bulshada uu ka soo jeedo iyo Beelaha Bariga iyo Galbeedka ka xiga, Sidaa daraadeed waa in Hawshaa loo Diraa qofka ku Haboon ee la Filayo inuu Horumar Gaadhsiin karo:
3) Xabaal Maal
Geeridu waa xaq waana wax loo dhasho ruux walibana sugi horayso iyo dambaysaba balse aadmigu waxuu jecelyahay howl sugaysa inuu is moodsiiyo isagoo raaci hidihiisa xaga iloowsha ama isku canaanan udagdegid uusan ka fiirsan, waana ihaano uu allah ku abuuray ilma nabi aadan.
Hadaba guud ahaan soomaalida gaadh ahaan bulshada reer Adal ayaa waxaa caada u ah in kolka uu ruuxu dhinto lagu gunaanado Amaan xad dhaaf ah oo uusan mudan ituu Ifka ku naaloonayay ama ayba laydhu maraysay, oo waxaad maqli iyadoo si darandoori ah ruuxa la oofsaday looga sheekayn Taarikh nololeedkiisii oo sida qaalibka ah xumaan oo dhan laga hufay sida.
Marxuunku waxaa uu ahaa Abqari aan laga daba hadal, Waxaa uu ahaa Aqoon-yahan shanta qaaradood ka soo shaqeeyay oo meelwaliba oo horumar yaalo ku xardhan, Marxuumku la’aantii waxba inooma qabsoomi lahayn , Waxaa lagu yiqiin asluub iyo aqlaaq wanaagsan kolkuu ardayga ahaa iwm,
Intaasi oo amaan ah kolkay dhici xasuusnow waxaa la duljoogaa Daluunta oo timirbaa halkaa lagu falfaliirannayaa, wax yar ka gadaal ayaa waxaa la cuskan murtidii ahayd ( Xabaal & Ninkeed Loo kal Dareer ) Aduun ayaa halkaa lagu rigaaxi iyadoon la’ eegayn agoontii iyo ooridii uu marxuumku ga baxay waxa laga yeeli, kolka cadka ugu dambeeya afka lala helanna qofku kiiba maaha oo waxaa si wadar ah loogu wada malafsanayaa xabaal dambe oo laga dul geeraaro ( Amaano )
Lasoco Qaybta Xigta,,,,
W: Q: Faisal A Abdi Abroone, Gud Machadka Carro Edeg and Tafatiraha Ayrot.com and Ayrotv