Ayrotv.com-Jaldaysa- Qarnigii 19-aad bilawgiisii (1913) ayay ahayd Markuu Dhintay Ninkii Abasiinya Xukumi jiray Mudada dheer (Minilik-2). Waxaana la’aaminsan yahay Minilik inuu ahaa Ninka Abasiniya Sida Rasmiga ah Dhidibada ugu taagay Wuxuuna ku Caan baxay Dhul balaadhisi iyo inuu Shucuubtii dariska la ahayd Maalinba Qolo kuduulo.
Hadaba Minilik Taariikhdaa Kor kuxusan Markuu Dhintay waxaa Xukunkii Lawareegay oo Abasiiniya Boqor ka noqday Nin Muslim ah waxaana Xarun u noqotay Magaalada Herer oo Horay Xabashida iyo Boortaqiisku ugala wareegeen Soomaalida.
Waxaana aad ugu farxay Dhimashada Minilik iyo Xukunka Gacanta usoo galay Ninka Muslimka ah Dhamaan Shucuubtii Islaamka ahayd ee Ethiopia Dariska la ahayd oo ay Kamid tahay Umada Soomaaliyeed gaar ahaan Soomaalida Galbeed ee Dagan Ogadenia waxayna u arkayeen inay karaysan doonaan Gulufkii Colaadeed ee uu kuhayay Geeska Africa Minilik-ga bakhtiyay, Boqorkan Cusub-na waxay u arkayeen inuu Noqon doono Nin ay daris wanaag ku wada noolaan doonaan Maadaama uu yahay Nin Muslim ah.
Waxaana Xusid Mudan oo kamid ahaa Dadkii Soodhaweeyay isbadalka Ka dhacay Abasiniya Al-mujahid Sayid Mohamed C. Xassan oo isagu Halgan kulul kula jiray Gumaystaha Xabashida ee uu Minilik Madaxa ka ahaa iyo Gumaystihii reer Yuruba.
Inay ku Farxeen Arinta dhacday oo kaliya kuma Ekaanin Hawshu ee Dhamaan Wadamadii iyo Shucuubtii islaamka ahayd ee Dariska la ahayd Ethiopia waxay usoo direen waftiyo si ay Calaaqaad wanaagsan u yeeshaan Boqorkan Cusub ee Muslimka ah waxaana Kamid ahaa wufuudii sida isdaba jooga ah u imanaysay Magaalada herer si ay ula kulmaan Boqorka Cusub wafti Balaadhan oo kasocday Soomaalida Galbeed_DDSI oo ka kooban Ugaasyo iyo wax garadkii kale, Waxaana kamid ahaa Waftigaas Abwaan Qamaan Bulxan.
Markii uu Talada Ethiopia lawareegay Nin Muslim ah waxaa ka Hinaasay arintaa oo Fajac iyo ama kaag ay ku noqotay Madaxdii Kaniisadaha Ethiopia iyo Madaxdii Ciidanka waxayna u arkeen Dhaxal wareeg inay tahay arintan Dhacday.
Hadaba waftigii kasocday DDSI oo kusugan Herer ayaa waxaa lagu Fuliyay Boqorkii Muslimka ahaa Afganbi Mudadii yarayd ee uu Xukunka hayayba laga shaqaynayay. Dadkii Magaalada Herer ku noolaana Qolyahan inqilaabka Sameeyay waxay ka dhigeen wax ay laayaan iyo wax ay Nolol ku Qabtaan Kadibna ay Xabsi Ciqaab kulul ku ridaan Waxaana kamid ahaa dadka Nolosha Lagu qabtay waftigii kasocday Soomaalida waxaana loo taxaabay Xabsi ay Dhibaatooyin badan ku muteen sida aan Tixda Qamaan ku arki doono.
Abwaan Qamaan Bulxan oo sidaan soo sheegnayba Kamid ahaa Waftiga Soomaalida ah ayaa ku Tiriyay Xabsiga dhexdiisa Gabayga Hoos ku Qoran oo ah Dhanbaal uu Abwaanku Allah SW udirayo ama kula Khidhaabayo, wuxuuna kahadlay Xabsigu Nooca uu yahay iyo sida loogu Ciqaabay iyo Cadawtinimada Ethiopia Xukumadihii Axmaarada aynu isu hayno iyo inaan wax isir iyo Dhalasho ah ayna Wadahin inoo galin abid keen ama inaga Dhaxaynin. Gabaygan oo Abwaanku uu Allah sw ugu Dacwoonayo ayaa Wuxuu waydiistay allah sw inuu u gar-gaaro oo uu Xabsigan Ciqaabta badan iyo Gacanta Cadawga kasii daayo ama uu Xagiisa u oofsado oo Nafta ka qaado si uu udhaafo Silica ay ku noolyihiin isaga iyo Saaxiibadii illeen “ Nafey naf Matahay looma noolaado way kugu Jirtaana looguma Mintido ee”
Wuxuuna ilaahay ka aqbalay Ducada Qaybta Hore oo Xabsigii wuu Kasiidaayay wuxuuna dib usii noolaa 12 Sano Abwaan Qamaan
Waanakan Dhanbaalkii uu Qamaan uu Allah sw u Diray ee Akhris Wacan.
Gabayga Xabsiyada.
• Eebow Dhistiyo ways hayaan, Dhagaxda waaweyne
•Eebow in dhuub la’eg Cirkay, nagaga Dhaar teene
• Eebow Dhulkay naga qarsheen, dherarka loo yaale
• Dhudhumadiyo eebow nin xidhan, Dhaadadkaan ahaye
• Eebow bir lays dhaafshay bay, Dhab igu siiyeene
• Eebow kolkay dhababi waan, Dhogor Xumaadaaye
• Eebow Axmaar dhirifsan baan, dhab ula seex daaye
• Dhiigayga eebow ka jecel, dhadiyo Hoobaane
• Oo Dhalasho laysugu naxaa, Nama dhex taal gaale
• Eebow dharkiyo way marshaan, Dhex-xidhka naaguhuye
• Eebow dhaqaaq maleh ninkii, lagu dhidbaa daare
• Eebow dhalaan sidii galbaan, Dhadan dhateeyaaye
• Eebow ma dheelmado intii, dhagax latuuraaye
• Eebow Dhurwaa sidii hadaan, dhibi lahaa ruuxa
• Eebow dhir baan mari lahaa, dhacamyo oo deede
• Hadaad dharagto Eebow baryaad, dhaxal ka haysaaye
• Eebow dhadhamo fool-xun waa, lagu dhukaanaaye
• Eebow waxaan dhuun yanaa, labo dhar baanoode
• Eebow masoo kala dhacaan, labada dhoomoode
• Dhan uun noorid Aakhiro janaan Dhagag sanaynaaye.
Axmed Faarax Idaajaa oo ah Ninka aan Kasoo Xigtay Gabayga iyo Qisadaba Wuxuu Magac uga Dhigay Gabaygan Qamaan “Maansada Xabsiyada” Aniga oo Qalin u badalayna waxaan Hadiyad uga Dhigayaa Maansadan Dhamaan Maxaabiistii Xukuumadihii Qoomiyadii Xabashidu Xaqdarrada ugu Xidhan Xabsiyada lagu Ciqaabi Jiray Somalida Itoobiya
Maansadan wuxuu Curiyay Qamaan Sanadkii 1916, wakhtigaas oo malinka Bari ah noqonaysa 100Sano
Waxaa Ixasuuusiyey Manta Taarikhda halka qarniga ah laga joogo waaa Aragti xumada kuwii waxaasi sameyey ee hada wada kacdoonka
Ref: Sanadguuradii 100 Ee Xasuuqii Harar” zakariye shuceyb Nour Eega Dds News