Home Arimaha Bulshada BAAHI RAAGTAY AMA BAXSI YEELATAY, AMA BANDUUQ YEELATAY, AMA BAKHTI YEELATAY!

BAAHI RAAGTAY AMA BAXSI YEELATAY, AMA BANDUUQ YEELATAY, AMA BAKHTI YEELATAY!

8
0
- Advertisement -

“SUNNO IYO SOOYAALBA DIBBAA LOOGU LAABTAA, HORBAASE LOO SOCDAA.”

SIDEE BAAHIDA LOOGA BAXAA?

- Advertisement -

Ayrotv.com- Diridhawa- Baahidaan loogama bixi karo baryo joogto ah oo lala fadhiyo TVyada iyo Masjidyada. Baahidaan loogama bixi karo baryo joogto ah oo lala dabojoogo Beesha Caalamka iyo Qaramada Midowday. Baahidaan loogama bixi karo iyadoo wax laga sugo dawlad ama walaal in yar kuu soo xawilo. Baahidaan loogama bixi karo in hawl la’aan la roobdoono oo cadceedda lays bilqo.

KACAAN DHAQAN.
Alle Idinkiisa ka dib, baahida raagtay waxaa looga bixi karaa “Kacaan Dhaqan” oo qof kasta iyo reer kasta oo Soomaali ah uu ku sameeyo hab-dhaqankiisa guud. Fikradaan “Kacaanka Cagaaran” waxaa igu dhalshay, markaan gartay in dhibaatada ka haysa, uusan Alle noo keenin balse annaga gacanteenna iyo dhaqankeenna ku keensanay. Waxaa bari dhoweyd bar “wajibuug” aan ugu jawaabay, qof Soomaali ah oo leh “Anoo ah Soomaaliland, Xabashi way ila dhalaty, Soomaalida kalase iyaday u taal”. Markaas ayaan gartay in umaddii “Aragsuulkii, asalsuul ku darsan rabto”, sidaas darteed waxaan qoraagii “Wajibuugga” ku iri:
“Annigoo aanan rabin inaan meel kaaga dhaco, haddana runtii waxaa u egtahay qof dhashay 1960kii ka dib oo aan arag Soomaalidii daacadda ahayd, runta jecleyd, sharaftooda iyo tan dalkooda la weyneyd. Lixdankii sano oo aan xuriyadda aan haysanay waxaa si qotodheer u badalmay dhaqanka qofka Soomaaliga ah. Waxaa sameysmay dhaqan dawladeed iyo mid bulshadeed oo aad ka dheehan karto maahmaahyada ay ka mid yihiin: “Ama been baro ama beec baro (oo lagu dhaqmayay 1960-1969); “Qawda maqashii waxna ha u qaban (oo lagu dhaqmayay 1969-1991), “Ama madfac lahow, ama madiidin ahaw” (1991-2012), “Qootoqooto ahow ama Qarxiye ahow” (2012-illaa haatan). Arrimahaan oo idil waxay keeneeyn in daacadnimadii iyo hawlkarnimadii dalka ka suusho, laguna bedelo dulmi dulmi dhalay oo Dahabo Luul loo yaqaan. Arrintaan waxaa hore uga hadlay Abwaan Hadraawi, maansadiisii ee Dibadyaal ku yiri:
Daacaddaannu beerraa
In yar oo dalxiiskiyo
Weriyaha dan-fulintiyo
Marti daansha socotiyo
Ragaan lo darraan Karin
Lagu dararsho mooyee
Isku dubnideedaa
Dekedaha la geeyaa
Duniday u dhooftaa
Dulmigaannu gadannaa
Dibadaha ka keennaa
Waa daba qabsiye garo.


Sidaas darteed hadal aad tiri shaqsi ahaan i dhibimaayo oo Soomaalida ayaa hore u tiri: “Qofba garaadkiisa ayuu hadlaa”, waxaase aan kuula talin lahow inaad taariikhda iyo sooyaalka aad baratid, si ay dib kuugu soo laabato “Kalsoonidii, kartadii iyo kasmadii Soomaalidii hore lagu yaqaanay”; awoowayaasheenna ay ku badbaadeen. Arrintaas way kugu adkaandoontaa sababtana waa iyadoo hore loo yiri: “Qof goorta uu dhashay, guriga uu ku dhashay iyo geyiga uu ku koray, ayuu la garaad yahay”. Intaasna lama wada bedeli karo, haddii la sabrase waa laga kori karaa.”
Baladaan dhaqanguurka ah uma eka qorahaas oo keli ah, ee waa cudur ku baahay Soomaaliya oo idil, ku Geeska Afrika ku nool ama ha joogo daafaha adduunka intiisa kale. Dadkii, siibana wixii ka yar 40 sano, waxay ku jiraan jahwareer shaqsiyeed iyo tu bulsho, kuwaan oo aakhirkoo sabay cudur la yiraaho “quus” iyo “rajobeel”. Sidaas darteed waa in culumo, caalim iyo caamaba si dhab ah isaga daweeyaan cudurada “Caajiska, Cuqdada, Carada, Cayda, Calacalka iyo Cunsuriyadda”. Halkoodana lagu bedelo:

  1. Daacadnimo iyo kalfurnaan (Honesty and liberalism).
  2. Xilkasnimo iyo Xilgudasho (Duty and Responsibilty).
  3. Hawlkarnimo adag (Hard-work).
  4. Udhabar-adeegid iyo isudulqaadasho (patience and tolerance).
  5. Isku-tasasho iyo nafhurnimo (Self-reliance and self-denial).

Markii “Kacaankaan dhaqan” uu si dhab ah uu uga dhaqangalo bulshada dhexdeeda kuna baaho beled iyo baadiyo, isla markaas si xur ah dadweynaha guud ahaan ay isla afgartaan inay samaystaan dawlad dheelitiran kuna dhaqanta “Xusuusiyadda Kalfuran”, ayaa waxaa la heli karaan maamul hawlgala, dadka iyo dalkaba u horseeda horumar, nabad iyo naruura. 

Xigasho: Prof. A. S. Dhoore

- Advertisement -