Qoomiyada Oromada ayaa tobaneeyo sano dagaal hubaysan kula jirto dowladaha Itoobiya soo maray oo dhan. Waa maxay qadiyadda ay u dagalamayaan? Jabhadda waxaa la sameeyay 1973-dii, hadafkeeda koowaad waa u doodista aayo-ka-tashiga dadka Oromada ah ee maanta deggan Gobolka Oromiya iyo Aagga Oromiya ee gudaha Gobolka Axmaarada ee Itoobiya.
Qoraalkaan waxaa lagu falanqeyn doona sooyaalka taariikhiyeed ee Jabhada Xoraynta Oromada, heerka ay dalka Itoobiya ka taagan yihiin qoomiyada Oromada marka ay noqoto siyaasad ahaan, taariikh ahaan iyo muhiimada ay u leedahay dowladda Itoobiya in Qoomiyada Oromada ay kamid noqdaan nidaamyada dowladdeed ee lasoo dhiso. Qoraalkaan falanqeynta ah, waxaan isku dayi doonaa in aan si cilmiyeysan u tifatiro aan kaga jawaabo su’aalaha muhiimka ah ee ku aadan jabhadda qoomiyadda Oromada ee Itoobiya.
Ayrotv.com- Hadamo- Ujeedka qoraalkan ayaa ah in ardayda dhigato jaamacadaha, gaar ahaan kuwa aan macalinka u ahay ee Kulliyada Dowladnimada iyo Difaaca ee Jaamacadda Ramaas ay ka faa’idi doonaan qoraalkaan iyo cidkasta oo xiiso gaar ah u qabto inay wax badan ka ogaadan siyaasad juqraafiyeedka gobolka iyo Jabhada Xoraynta Oromada.
Qoomiyada Oromada ayaa tobaneeyo sano dagaal hubaysan kula jirto dowladaha Itoobiya soo maray oo dhan, iyagoo ujeedkooda yahay raadinta awooda siyaasadeed ee qoomiyada Oromada ee ku aadan awooda siyaasaddeed ee Itoobiya, siyaasada wakhtigan ee Oromada ayaa inta badan u muuqata mid dib u soo cusboonaatay oo is khilaafsan. Markii uu Abiy Axmed la wareegay xilka Ra’iisul Wasaaraha cusub bishii Abriil 2018, isagoo noqday siyaasigii ugu horeeyay ee Oromo ah oo soo gala qasrigii hore ee Imperialka xukumi jiray, dad badan ayaa aaminsanaa inay tahay xilligii Oromada xukunka la wareegi lahayd. Si kastaba ha ahaatee, horumaradii markaasi ka dambeeyay, ayaa daaha ka qaaday sawir aad uga sii adag, halkaas oo kala qaybsanaantii hore ee guduhu ay dib u soo cusboonaatay, iyo halka ay u muuqato in siyaasaddii Oromada ee asal ahaan ka soo jeedda ay u kala qaybsantay. Maqaalkaan waxaan sidoo kale ku falanqeyn doonaa in kala qaybsanaanta iyo mawqifyada siyaasadda Oromada ee hadda jira lagu qeexi karo iyada oo la adeegsanayo hab-dhaqan-dhaqameedyo badan oo kala duwan si loo ogaado halka ay ku sugan yihiin iyo halka ay salka ku hayaan. Labada mansab ee ugu waaweyn ee laga dhex helay siyaasadda Oromada – gooni-u-goosad, iyo federaal. Sidoo kale, waxaa daaha ka qaadeynaa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya mawqifka siyaasadeed ee hadda jira iyo mawqifkooda taariikheed iyo ku-xirnaanta qawmiyadaha kale ee Itoobiya.
Qoomiyada Oromada ee Itoobiya
Oromada ayaa ah qoomiyada ugu tirada badan Itoobiya waxayna haystaan dhul aad u wayn oo ka bilaabmaya xadka Suudaan ilaa xadka Kenya. Marka loo eego tirakoobkii 2007, Oromada ayaa qiyaastii 35 boqolkiiba dadweynaha Itoobiya. (OLF waxay sheeganeysaa in Oromada ay ka dhigan tahay ku dhawaad kala bar dadka Itoobiya.) Taariikhda dhow ee Itoobiya, Oromada waligood may qaban awood siyaasadeed oo u dhiganta tiradooda, taasoo keentay in laga takooro siyaasadda iyo cabasho dhab ah oo la dareemo. Oromada waxay ku dhaqmaan diinta Islaamka, Masiixiyadda iyo diimaha Oromada ee soo jireenka ah.
Kooxda ugu badan waa Muslim oo masiixiyiin aan ka fogeyn. Dadka raacaya caqiidooyin dhaqameed ayaa ah boqolkiiba kuwa ugu yar. OLF oo la asaasay 1973dii, ujeedada aasaasiga ah ee OLF waa xaqa ay qoomiyada Oromada u leeyihiin aayo ka tashi qarannimo. Qaar ka mid ah OLF ayaa arrintan ku macneeyay inay tahay Oromiya oo madax bannaan halka qaar kalena ay raadiyaan ismaamulka Oromada oo ku dhex jira Itoobiya midaysan oo nidaamka siyaasadeed uu ka tarjumayo tirada dadka Oromada ah. OLF waxa ay iska caabinteeda hubaysan ku tilmaantay fal is-difaacid ah oo ay shacabka Oromada kaga soo horjeedaan dawladihii Itoobiya ee kala dambeeyay. Si kastaba ha ahaatee, bilawgiisii, waxaa ka dhex jiray ururka OLF xiisad u dhaxaysa dadka wada xal siyaasadeed ama mid ciidan si loo xaliyo cabashooyinka Oromada. OLF waxa ay ka soo horjeedsatay taliskii Dergiga ee Mengistu Haile Mariam oo ay xataa la safatay TPLF muddadii isla markiiba ka hor afgembigii Mengistu 1991kii. Dabayaaqadii 1970-meeyadii iyo horraantii 1980-aadkii, OLF waxa ay ka talinaysay dhul baaxad leh oo ku yaalla Koonfur-bari Itoobiya. 1981kii waxa ay ka furatay galbeedka Itoobiya saldhigyo ay ku lahayd Suudaan. Sannadkii 1991-kii markii ay TPLF-tu Addis-Ababa u-baxday, OLF waxay ku doodday siyaasad ku dhisan federaalaynta qowmiyadaha. OLF waxay ku biirtay EPRDF iyo EPLF shir ka dhacay London oo ujeedadiisu ahayd isbedel siyaasadeed oo nabdoon kadib dhicistii Mengistu.
Jabhada Xoraynta Oromada
Jabhada Xoraynta Oromada waa xisbi siyaasdeed wadani Oromo ah oo la sameeyay 1973-kii si ay u horumariyaan aayo-ka-tashigooda umadda Oromada ah oo maanta degan Gobolada Oromiya ee Itoobiya. OLF ayaa xafiisyo ku leh Addis Ababa, Washington D.C. iyo Baarliin gudaha Jarmallka, oo ay ka hawlgasho idaacado ku hadla afafka Amxaariga iyo Oromada.
Qowmiyadda Oromada oo ka soo jeeda Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, waxay xornimada qaateen ilaa rubucii ugu dambeeyay qarnigii sagaal iyo tobnaad, wakhtigaas oo ay lumiyeen dawladnimadooda oo ay qabsatay Xabashida. Oromada waxa ay la kulantay cadaadis ba’an oo ku hoos jiray taliskii Imperialka ee Xayle Salaase, kaas oo ahaa qawmiyadda Axmaarada. Taliskii Haile Selassie, afka Oromada waxaa laga mamnuucay dugsiyada iyo dawladda. Isbadaladani waxa ay bilabeen inuu isbeddelo xukunka dhaqanka Axmaarada oo socday inta badan qarnigii labaatanaad. Labada dawladood ee Xayle Salaase iyo Dergigu waxay Amxaaro badan u rareen koonfurta Itoobiya, halkaas oo ay ka shaqaynayeen dawladda iyo maamulada ka jiray, sida maxkamadaha, kaniisadada iyo dugsiyo, halkaas oo qoraalladii Oromada laga tirtiray laguna beddelay kuwo Amxaariga ah. Madaxda sare ee Abyssinia oo ah magacigii hore Itoobiyada casriga ah, waxay u arkayeen aqoonsiga Oromada iyo luqadda inay caqabad ku tahay fidinta aqoonsiga qarannimo ee Itoobiya.
Sebteembar 6, 1974, Ciidankii Xoreynta Oromada ee ugu horreeyay waxaa lagu baabi’iyay Madaafiic lagu garaacay Dagaalkii Tiro oo ay ku waayeen Axmad Taqi iyo Elemo Qiltu labadaba; Saddex askari oo kaliya ayaa ka badbaaday.
Isku daygii ugu horeeyay ee ENLF ay ku soo gashay dalka ayaa waxaa hagayay Jaarraa Abbaa Gadaa, balse waa uu fashilmay kadib markii ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay ku raadjoogeen dableydaasi oo ay gacanta ku dhigeen iyagoo doonayay inay Itoobiya ka galaan Waqooyiga Soomaaliya. Isku daygii labaad wuxuu noqday mid aad u guulaystay, kooxdii labaad ee fallaagada waxay xero ka dhigteen Buuraha Chercher. Halkaa marka ay marayso, kooxdu waxay go’aansatay inay ku hawlgasho magaca “Oromo” halkii ay ka ahaan lahayd magac guud oo Itoobiyaan xambaarsan “Ethiopian.”
Xigasho: Diblomaasi.com