Ayrotv.com- Jimco, Dec, 6, 2024- Dowladda Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay tallaabooyin ay sheegtay in Itoobiya ay ka waddo Gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaasi deggan, waxaana ay ku eedeysay faragelin dhanka ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.
War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Saaka ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay degmada Doolow u soo dhaqaaqeen dhanka degmada Buulo Xaawo, balse ay ka horyimaadeen dadka degaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida oo u diiday in ay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaawo.
“Soomaaliya waxay mar walba diyaar u tahay derisnimo wanaag iyo nabad ku wada noolaaansho, hase yeeshee maamulka Addis Ababa waxaa uu caadeystey inuu colaado hor leh ka abuuro gobolka, isla markaana uu wado tallaabooyin ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay difaaca madaxbanaanida iyo qaranimadeeda, waxayna ugu baaqeysaa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalkan gurracan ee Ethiopia ee wax u dhimaya nabadda gobolka iyo caalamka intaba” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.
Arrimahaan oo dhami waxa ay imaanayaan iyadoo uu jiro khilaaf xoogan ee ka dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Itoobiya kaa oo ka dhashay heshiiskii ay Itoobiya ay la gashay Somaliland.