Home Arimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya oo Masar uga warbixisay Qodobadii kasoo baxay Shirkii Ankara.

Dowladda Soomaaliya oo Masar uga warbixisay Qodobadii kasoo baxay Shirkii Ankara.

2
0
- Advertisement -

Ayrotv.com- Isniin, Dec 16, 2024 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar Dr. Badr Abdel Aty, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Faqi, oo ay ka wadahadleen xiriirka istiraatijiyadeed ee kala duwan ee u dhexeeya labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Labada wasiir waxay dabagal ku sameeyeen natiijooyinkii ka soo baxay shir madaxeedkii saddex geesoodka ahaa ee Asmara ku dhex maray madaxweynayaasha Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya 10-kii October, 2024-ka.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Masar uga warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shir madaxeedkii saddex geesoodka ahaa ee Ankara ku dhexmaray Soomaaliya, Turkiga iyo Itoobiya, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu caddeeyay in ay ka go’an tahay in la ixtiraamto Qaranimada Soomaaliya iyo midnimada iyo wadajirka dhulkeeda, halka Dr. Badr Abdel Aty uu carabka ku adkeeyay in Masar ay si buuxda u garab taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto Argagaxisada iyo xaqiijinta amniga iyo xasiloonida Gobolka.

Sidoo kale waxaa la isku afgartay in la dhameystiro isku xiriirka labada dal si loogu diyaar garoobo qabashada shir saddex geesood ah oo heer wasiir ah oo ay yeelanayaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya, iyadoo la fulinayo awaamiirta madaxda siyaasadda ee saddexda dal iyo in lagala tashado arrimaha gobolka ee danta guud ah, si loogu adeego danaha amni iyo dhaqaale ee dalalka ay khusayso.

Dowaldda Turkiga ayaa todobaadkii hore ku guuleysatay inay xaliso khilaafka u dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaa oo ka dhashay heshiiskii ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland horaantii sanadkaan 2024.

Xigasho: ( HOL )

- Advertisement -

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here