Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si cad u beeniyay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Itoobiya loo ogolaaday marin baddeed ay ku gaarto Badda Cas. Qoraal uu soo saaray ayuu ku tilmaamay wararkan kuwo aan sal iyo raad lahayn, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aysan jirin wax heshiis ah oo arrintaas la xiriira.
Fiira gaar ah, Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo daah-furnaanta siyaasadda qaranka. Wuxuu xusay in dhammaan arrimaha khuseeya danaha qaranka loo marayo hannaan sharci ah oo waafaqsan danta guud ee Soomaaliya.
Qoraalkan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar aan rasmi ahayn oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan marin u helidda badda Wasiirku wuxuu ku boorriyay shacabka iyo warbaahinta in aysan ku degdegin faafinta warar aan xaqiiqda ku salaysnayn.