Donald Trump oo ka hadlayey the Mar-a-Lago Club, oo Palm Beach, Florida ah Jan. 07, 2025,
ayaa soo jeediyey in xoog lagu isticmaalo sidii Maraykanku gacanta ugu dhigi lahaa Jasiiradda Greenland iyo Panama Canal. Wuxuu sheegay in labaduba ay muhiim u yihiin amniga Maraykanka.
Greenland waa ismaamul-hoosaad hoos-taga Denmark. Dalka Denmark wuxuu ka mid yahay dalalka ugu dhaw Maraykanka iyo in uu ka mid ahaa dalalkii ugu horreeyey ee aas-aasay NATO. Denmark iyo Greenland labadaba way diideen sheegashada Trump.
Madaxda Panama si wayn u dhaleeceeyeen hadallada Donald Trump ka soo yeeray.
Trump oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa soo jeediyey ra’yiga ah, in Canada ku darsato America oo ay State-ka 51aad noqoto. Talaadadiina wuxuu yiri “Marna xoog kuma isticmaalaynno Canada oo ay ku nool yihiin 40 million qof. Canada waxay ka mid ahayd dalalkii aas-aasay NATO.
Trump wuxuu sheegay oo kale in uu baddali doono magaca Gulf of Mexico oo uu ku baddali doono Gulf of America. Wuxuu yiri magacaa dambaa qurux badan.
Wuxuu Trump ku khasbay dalalka ku jira NATO, inay khasab ku tahay inay 5% dhaqaalahooda
ku bixiyaan difaaca NATO, halkii ay 2% ka ahayd. Laakiin bishii June aan soo dhaafnnay, 32 dal oo NATO ka tirsan, 23 dal kaliya ayaa u dhaw inay buuxiyaan dalabka Trump.
Xigasho: Ardaaga Awrka Cirka-laba