Ayrotv.com- Boortaqiisku wuxu weeraray Saylac laba jeer intii uu xukumayay boqorkii boortaqiiska ee lagu magacaabi jiray (Manuel 1, 1495-1521), duullaankii dhacay 1517 waxa isku beegmay dilkii boqorkii Cadal Garaad Maxfuud ee dagaalka kula jiray boqortooyadii xabasha iyo boortaqiiska oo qabsaday Saylac. Xaflado badan ayay samaysteen Xabashidu xilligaa, heeso badanna waa laga qaaday.
Farxad awgeed boqorkii Xabashida ee Dived wuxu u qoray warqad boqor Mauel 1, waxa ku xusnaa warqadda: ( Saylac nala qabta oo qalcado nooga sameeye sidaan u helno marin badeed, waxay muslimiintu aaminsanyihiin in aanu burburin doonno Maka iyo Madiina, sidaa awgeed yoolkiinnu si fudud ayuu idiinku hirgalaya ku aaddan dhulka barakaysan).
Taariikhdu isu eeka soomaaliduna dhoohana.
Reff: Taariikh iyo Aasaar