Home Dhaqanka iyo Suugaanta Ciyaarta Sayliciga iyo Taariikh Kooban

Ciyaarta Sayliciga iyo Taariikh Kooban

18
0
- Advertisement -

Ayrotv.com- Ciyaartan waxay ka mid tahay ciyaaraha ugu qadiimisan kuwa ay Soomaalidu ciyaarto, waxaana ay ka soo askuntay markeedii hore magaalada faca wayn ee Saylac. Magaaladaas oo ilbaxnimo facwayn Soomaaliya ku lahaan jirtey xilligii calankeedu saarnaa ayaa ciyaartan loogu magac daray magaalada. Magaaladan Saylac waxa ay kamid tahay magaalooyinka ugu taariikhda iyo xadaaradda badan deegaanada Soomaalida.

Ciyaartan waxay kaga duwan tahay ciyaaraha kale; waxaa lagu bilaabaa bisinka iyo Salliga Nabi N.N.K.H, waxaana inta badan laga ciyaaraa deegaanada xeebaha ku teedsan.

- Advertisement -

Laba saf ayaa loo kala saftaa, saf wiilasha ah iyo saf kale oo gabdhaha ah, waxaana wada ciyaara dad tiradooda ay ka badan tahay 20-qofood oo inta garabka isa saartaan weegaan sameeya.

Sayliciga waxa aad looga ciyaaraa gobolada Woqooyi, Jabuuti, iyo Soomaali Galbeed. Qalabka loo adeegsado tumidda ciyaartan waxaa kamid ah durbaan la raaciyo, jiib, jaan iyo sacab. Wiilashu waxay xirtaan: shaati macawiis, cimaamad, koofiyad, kabo saandal ah iyo billaawe (Toorrey). Sidoo kale gabdhuhu waxay xirtaan Kurdad gaaban, googarad dheer, garabsaar iyo Kuul.

Ciyaartan waxay leedahay luuq casri ah oo macaan. Sida ciyaartu ku soo baxday waxaa la sheegay in ay gabadh yar oo Muliyo la oran jiray ay sannado badan sugeysay nin la odhan jiray Xuseen oo ay aad u jeclayd, hase yeeshee ku maqnaa safar uu ku aaday magaalada Bombay ee dalka Hindiya. Mulliyo oo hees ka tirisay hilowga maqnaashihiisa ayeey tiri sidan tan:-

Reer suur iyo
Reer saaxil yimidee
Doonyihii Bumbay
Ma bir baa ku jaban?

Markii uu Xuseen yimid isna waxaa uu heesteedii ugu jawaabay sida tan:-

Amba waan jeclaa
Inaan soo dhakhsadee
Jilaashii baa jidka iga xayiray.

Sheekadu waxay ka loo sheegaysaa in markay kulmeen Mulliyo iyo Xuseen ay ugu dambayn labadoodiiba geeriyoodeen, halkaas ayeyna ciyaartaas ka tisqaadday. Markaas kaddib ayaa dadka wax jeclaadaa ay siyaaran jireen qabriyadooda oo ku yaalla magaalada Saylac, qubuurtoodana waxaa la sheegaa inay ka baxeen laba geed oo waa wayn.

Ciyaartan Sayliciga waxaa la ciyaaraa waqtiga la damaashaadayo, sida arooska ama marka uu ilmo dhasho, si ay carruurta iyo cirroolayaashuba ugu raaxeeystaan; beryihii hore waxaa la ciyaari jiray marka lagu soo guuleeysto dagaal cadaw iyo marka la isku diyaarinayo dagaal wayn.

Tani iyo markay ciyaartu sameysantay waxaa lumay habkii rasmiga ahaa ee loo ciyaari jiray, hasa yeeshee sida hadda loo ciyaaro waa sidii dib loogu noolayn lahaa ciyaartan waqtiga dheer la ciyaarayay.

Sayliciga ciyaarta la yiraahdo waxay ka koobantaa hees la qaado, sacab, lugaha oo laga shaqeeysiiyo, durbaan yar oo kaliya la garaaco iyo wixii lamid ah. Heesaha ciyaartan lagu qaado waa kuwa jacayl ama ammaan qof sidiisa loogu ammaanayo ama ciyaar wanaagiisa lagu ammaanayo iwm.

Xigasho: Buugga “Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed”.
Qore: Cabdullaahi A. Axmed “Soomaaliyow”.
Xarunta IFIYE.

- Advertisement -