Home Arimaha Bulshada Farriin ku socota bulshada degan Bank Wajaale

Farriin ku socota bulshada degan Bank Wajaale

0

#Arinta_Banka_Wajaale ee la rabo in lagu wareejiyo Hayada Pharo Foundation, waxey lamid tahay iyadoo hal Beel lagu wareejiyey oo kle.

Ayrotv.com-Wajaale-Awdal-Pharo maaha Haayad dalka iyo dadku u siman yihiin, mana aha Shirkad ganacsi oo ay share holders ka yihiin ganacsato kaso kala jeeda deegaanada Somaliland oo dhan. Waa Organization ka hawl-gala hal deegaan oo qudha kaas oo uu kasoo jeedey M.weynihii hore ee Somaliland Muse Bixi, waana Deegaanka Habar Awal.

Qorshaha Banka wajaale waxa ay Pharo bilowdey 2019kii, qeybta Gadabursiga waatii silig lagu xidhey horaantii 2020kii si loo tijaabiyo dadkaas in loo Dowladeyn karo iyo in kale, waxaana usoo baxdey in tijaabadaas lagu guulaysatey.

Iyadoo ay taas ka duuleyso Hayada Pharo, waxey xog-ururin ( survey) ka sameyey Banka Wajaale sanadkii 2022kii, waxeyna wasarada Beeraha usoo Bandhigtay xogtaas iyo qorshaheeda ganacsi, Bishii Jan 8th, 2024kii.

Marka qorshahani waa mid Dowladii hore ka tagtey, waana nidaam cusub oo Bankii wajaale ay hal Beel loogu gacan galinayo. Hayada Pharo iyo deeganada Gebiley, Saxil iyo waqoyiga Hargaysa maaha dad isku cusub waa dad muddo badan soo macaamiley, waxana u dheer intaas in ay kasoo jeedo Gabadha kamid ka ah aasasayaasha Hayada Pharo oo ah gabadh Sacad Muse, Xuseen Abokor, Reer Axamed ah.

Waxase nasiib daro ah inay Dowladii cirro ay fulinayso wixii qabyada ka ahaa Muse Bixi. Si hawsha Banka loo fuliyo, dowlada Cirro waxey Agasime guud ka dhigtey ninka socdo Hayada Pharo, oo la yidhaahdo Abdirizak Ahmed Gaas ( Sacad Muse, Xusen Abokor, Reer Axamed ). Mr Gaas wuxu ahaan jirey Shaqaale ka tirsan hayada Pharo waana la qaraabo gabadha mulkiilaha ka ah, ku darsoo Gaas wuxu aha teamkii Pharo ee xog-ururinta Banka wajaale kasoo sameeyey 2022kii.

Sidaas Awgeed, waxan ugu baaqaya dhalinyarada Beesha Reer Nuur in ay iska diidaan waxa ay Pharo iyo Dowlada Cirro wado, dhulkana ay qeybsadaan oo ay camira, iskana ilaawa Odayaal iyo Siyaasiyiin. Waxba idin ma soo wadaan.

Saxibadey Jibril Abokor waxa leeyahay maadamo idinka iyo Pharo aad isku qolo tihiin, islamarkaana ay Hayada Pharo ay horey idiin siiyey mashariico deeq ah, waxan idinku boorinayaa inaad la heshiisaan Gabadhiina, oo aad ka faaiideysataan Biyo-xireenada (Dams ) ay idin qodeyso, Bacriminta iyo qalabka Beeraha ee keenayso. Idinka Mashrucani wuxu agtiina ka yahay “Subug sinxi ku daatey sina kuma xuma”.

Hayada Pharo iyadna waxan leenahay kusoo dhawoow gobalka Awdal oo noo keen iskuulada aad deegaanka Habar Awal ka fulisey oo kale, noo keen Dams aad ka sameysay waqooyiga Hargaysa iyo Gebilay oo kale, oo dib uga noqo arin keeni karta dagaal iyo dhiig-daata. Waayo waxad tahay Organization degan dalka UK , oo nugul in lagu dacweeyo sharciga dalkaas, ku dhaqan hal-heyka “Do No Harm”.

Juma Mubarak. @highlight

Best, Eng. Mohamed Awil.

Exit mobile version