Home ABROONE SHOW G.le Sare Muuse Rabiile Good

G.le Sare Muuse Rabiile Good

0

G.le Sare Muuse Rabiile Good

Muuse Rabiile Good wuxuu ku dhashay magaalada Boorama sannadkii 1936kii, wuxuuna ku abtirsadaa qoys ballaadhan oo beeraley ah.

Jaalle Muuse oo aabihiis geeriyooday hooyadiis baa noolahay, waxaa la dhashay 10 qof oo 8 wiilal yihiin.

1946kii ayuu dugsiga hoose ka galay magaalada Sheekh, kuna dhammaystay waxbarasho hoose iyo laba sannadood oo tarbiyadda dhexe ah.

1951kii ayuu ku soo wareegay Dugsiga Dhexe ee Camuud, degmada Boorama, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada dugsiga dhexe.

1953kii wuxuu waxbarasho u tagay dalka Suudaan, oo uu ka galay dugsiga sare ee ku yaal magaalada Umdurmaan.

Muddo uu Jaalle Rabiile wax ku baranayey dalka Suudaan, wuxuu khibrad iyo waaya-aragnimo ka helay isbeddelkii taariikhiga ahaa ee gobannimada dalkaas.

Bishii Abriil 1957kii ayuu dhammaystay tacliinta dugsiga sare; markii uu dalka Soomaaliya ku soo laabtayna wuxuu bare ka noqday Dugsiga Sare ee Camuud.

Intii uu halkaas macallinka ka ahaa, Jaalle Rabiile wuxuu ka mid ahaa dadka lagu tilmaamsan kulansiga iyo hawlaha gobannimadoonka, laguna tiriyo dadka u diyaariyey daryeelka danaha bulshada.

Bishii Jannaayo 1960kii ayay dadweynaha Boorama u doorteen inuu magaca Xisbiga U.S.P. isugu tago doorashadii baarlamaanka ugu horreeyey ee Woqooyi, taasoo uu ku guuleystay bishii Febraayo ee isla sannadkaas.

Jaalle Rabiile wuxuu ka mid ahaa wafdigi sideed qof ka koobnaa ee bishii Abriil 1960kii Muqdisho u yimid kuxigeenka labada qaybood ee maanta Jamhuuriyadda ka dhisan tahay.


NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version